fb

Wax Badan Ka Baro Fadliga Iyo Faa’idada Aay Leedahay Weeysada

Published: March 6, 2014, 11:14 am

Qofka Markuu Weysa qaato, Rabbi wuxuu siinayaa Labo Abaalgud, kuwaasi oo kala ah:-

1- Waxaa loo Dhaafayaa Dembiyaduu hore u soo galay.
2- Waxaa loo Furayaa Albaabada Jannada.

Rasuulkii CSW, wuxuu yiri:- Qofkii sidaas Uweyso qaata waxaa loo Dhaafayaa Denbigiisii hore, (waxaa weriyey:-Muslim).

wuxuu kaloo Nabigu CSW, yiri:- Ma jiro Mid idinka mida oo Weyseysanaya oo waliba Weysada ku Xeel Dheeraanaya, ka dibna Dhahayaa:-

اشهد ان لا اله الا الله وحده لا شريك له واشهد ان محمد عبده ورسوله
(Ash-haaddu an Laa Ilaaha Ilallaah, Waxdahu Laa Shariika lah, wa Ash-hadu Anna Muxammadaa Cabduhu Warasuulu).

Qofkii intaa Dhaha waxaa loo Furayaa Siddeeda Albaab ee Jannada, markaasuu Albaabkuu Rabo ka Gali. (waxaa weriyey:- Muslim).

WAYSADA MAXAA BURIYA?
waxyabaha Weysada Buriya waxaa ka mid ah:-
1- Wixii ka soo baxo Gadaal iyo Horay. (sida Saxarada, Neefta Gadaal ka timaad iyo Kaadida).
2- In uu Tago Caqliga (Qofku inuu Miyir Doorsoomo, sida inuu Hurdo).
3- In uu Qofku Taabto Xubinta Tarankiisa ama Gadaal iyadoo wax Dhar ah uusan ka Xigin.
4- In Islaamnimada laga Baxo (Allaah ha naga Badbaadiyee).

SHURUUDA WAYSADA ?
Shuruuda Weysada waa:-
1- Islaamnimo. (Qofka inuu Islaam yahay).
2- In uu leeyahay Ruuxa Caqli.
3- Waa in uu Niyeystaa.
4- Biyuhu in ay yihiin Daahir iyo Xalaal.
5- In uu iska Suuliya waxyaabaha ka Celinaayo Biyaha inay gaaraan Xubnaha (sida Rinjiga la Mariyo Cidiyaha).

AXKAAMTA WEYSADA?
Axkaamta Weysada waa Lix:-
1- In Wejiga la Dhaqo (Luqluqashada iyo Sandaarsashadana).
2- In la Dhaqo Gacmaha ilaa Xusulada.
3- In la Masaxo Madaxa.
4- In la dhaqo Lugaha ilaa Anqowyada (Qoobabka).
5- In la Tartiibiyo Weysada.
6- In la wada Xiriiriyo Weysada.

Wabillaahi Towfiiq.
ILAAHOOW DEMBIGEENA CAFI, YAA RABBI.
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply