fb

Wadooyinka Ugu Muhiimsan magaalada Nairobi oo saaka Xiran(Maxaa jira?!)

Published: March 5, 2014, 8:57 am

Qaar ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa saaka gabi ahaanba Xiran.

Dadka Sida joogtada ah howlohooda ugu kalaha ayaa saaka u lugeynaya bartamaha magaalada Nairobi xili ay maanta oo arbaca ah gadood shaqo joojin ah ku dhaqaaqeen gaadiidleyda Matatuda ee maagalada caasimada ah.

Sidoo kale howl wadeenadda gaadiidka oo mudaharad sameynaya ayaa dhagaxaan ku xiray wadada Thika Road ee u dhow buundada Pangani, iyagoo ka careysan sare u kac ku yimid lacagaha gawaarida lagu Parking gareeyo.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa Baabuurtooda ku xiray wadada Donholm, iyagoo dadka lugeynaya ku qasbay in ay adeegsadaan wadada Jogoo Road si ay u gaaraan Town-ka Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee abaare 7:20 daqiiqo ayey caadi u furmeen dhamaan goobaha ganacsiga ee ku teedsan wadooyinka Ngong , Langata iyo Mombasa road.

Qeybo kale oo gawaarida ay ka shaqeynayaan ayaa dadka lagu kordhiyay lacagaha nooliga ah oo saaka maraya 150 shilin.

Ururka ay ku mideysanyihiin gaadiidleyda shacabka ayaa horay uga digay in ay ku dhaqaaqi doonaan hadii aan wax laga qabanin cabashooda oo ay ku tilmaameen mid uu ugu tala galay Gavanaha Nairobi Dr Evans Kidero.

Mushkiladdan ayaa ka dambeysay markii uu sare u kac ku yimid lacagta laga qaado gawaarida marka ay goobaha loogu tala galay ku Parking gareeyaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply