fb

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Gabadha Wanaagsan Ee Nolosha Kuu Maceyn Karto??!!

Published: March 13, 2014, 10:28 am

Waxaa laga helaa inta badan masaajidda, maraakista diinta lagu barto iyo guri diinta Alle saldhig uu u tahay

ü  Waxaa lagu gartaa gabdhaha ay saaxiibada yihiin  had iyo jeer oo ah kuwa diin leh

ü  Waxaa lagu gartaa oo astaan u ah in ay had iyo jeer xijaabkii Alle ku waajibyeelay xirantahay.

ü  Waxaa lagu gartaa xishoodka joogtada ah. Waa gabar had iyo jeer xishood dheeraad ah aad wajigeeda, socodkeeda iyo hadalkeeda ka dheehaneysid

 

ü  Waxaa lagu gartaa qoyska ay ka soo jeeddo dhaqan wanaagiisa. Haddey hooyadeed iyo aabbeheedba yihiin dad aan bulshada magac iyo sumcad sare ku laheyn oo aan bulshada wax qiima ah ku lahayn, waxey u badantahay ineey gabadhoodana wanaag badneeyn, sababtoo ah inta badan dhaqanka waa la iskaga daydaa.

ü  Waxaa lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineysan ahayn mid hadal kugu dardarta oo afka ku goosata (Waa hadaadan xumaan kula hadlin)

ü  Waxaa sidoo kale lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineey tahay gabadh had iyo jeer wixii Rabbi xadeeyay ee sharci ah, aan ku xadgudbin adna aan kaa ogalaan inaad ku xad gudubtid.

 

ü  Waxey caro awgeed isdaba martaa markaad kala hadasho wuxuu san Ilaah SWT Raalli ka aheyn

ü  Waxey kaala sheeykeysataa mustaqbal iyo sidii aad u yagleeli lahaydeen guri Illahay raali ka yahay.

ü  Waxeey tix galisaa ehelkaaga iyo qaraabadaadaba.

ü  Waxey ka ag fogaataa oo ku xajiimootaa dumarka caariyaadka ah. (Ineey dacwo iyo diin u gudbineyso mooyaane)

ü  Kuguma xirto inaad u dhigto aroos qaaliya, gawaari badan oo lagu galbiyo, qasri qaaliyoo la dejiyo iwm

 

ü  Haddey gaajeysantahay iyo haddey dharagsantahayba cabasho kama maqleysid, oo waa gabar  ku qanacsan wuxuu Alle siiyay. Waa gabar uu Rabbi qanaaco siiyay. Gabayaagii xakiimka ahaa wuxuu yiri;

“faqrigu  sidiisaba,
sacab madhan ka xeel-dheer,
qanacood ka sooftaa,
ugu daran saboolnimo”

ü  Waxaa hadalkeeda, muuqeeda, socodkeeda, dharkeeda, asxaabteeda, meelaha ey joogta had iyo jeer laga dheehdaa, laga dareemaa muuqaal uu Rabbi raali ka yahay.

Iyo wiliba qaar kaloo badan oo uu wiilka dhowrsani maskaxdiisa dhowrsan ka dhex heli karo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply