fb

Tilmaamahaan Waxaa Lagu Gartaa Qofka Dib U Socodka Ahi ‘Hadaba Istijaabi”.

Published: March 14, 2014, 2:53 pm

Tilmamahan aan hoos ku soo qaadan doono waa tilmaamaha qofka dib u socodka ah ee aan horumarka samayn, samayna karin horumar ilaa intuu tilmaamahan leeyahay. Sidookale wuxuu qofka tilmaamahan lihi saamayn aad u wayn ku yeeshaa dadka uu inta badan la macaamilo sida asxaabtiisa.

Hadaba hadaad tahay qof tilmaamahan leh waxaa haboon inaad fikradahaaga badasho,ama hadaad leedahay asxaab aad tilmaamahan ku aragtay aad u nasteexayso.

Kuna caawiso say fikradahoodan aan horumkarka gaadhsiinayn if iyo aakhriro toona ugu badali lahaayeen kuwo anfacaya ixtiraam iyo horumarna gaadhsiinaya.

● Qofka dhaqankiisa, diintiisa iyo afkiisa ka faana ama u arka wax liita,isla markaana dhaqan,diin iyo af (luuqada) dadkale oo la qaato ilbaxnimo u haysta.

● Qofka niyada kaa dilaya oo horumarkastaad is dhahdo ku dhaqaaq ku dhahaya Ma karaside iskadaa, ma hebel oo kalaa is mooday? ama way kugu adkaanayaan waxani.

● Qofka dadka kale ceebahooda bas ka sheekeeya,oo aan wax wanaagsan ka sheegin isna xumaantiisa aan arkayn.

● Qofka beenta badan oo mar walba beenta sheega.

● Qofka wuxuu rabo ku hadla, wuxuu rabona ka hadla oon waxba ka leexan wax u kala soocana aysan jirin.

● Qofka wax walba iska dhex gala isagoon is waydiin waxani waxay yihiin iyo waxay ukeenayaan midna.

● Qofka cabashada badan oo mar walba cabanaya isagoon waxuu ka cabanayo la garanayn.

● Qofka aan noloshiisa wax horumar ah ku samayn oo isu arka inuusan waxba samayn karin, wax walbana dad kale ka suga.

● Qofka qabiilku layahay wax aad u qaali ah, oo dadka qabiil ku kala saara isagoon wax kale u eegin, qabiilkana u haysta wax dadka kala saraysiiya.

● Qofka aan kalsoonida lahayn oo xitaa naftiisa aan kalsoonida ku qabin

● Qofka isu haysta inuu wax walba yaqaano marka wax loo sheegona ay caadada u tahay inuu dhaho: “Ma adoo kalaa ani wax ii sheegi kara?”

● Qofka aan marna isku dayin unuu isticmaalo wax uu maskaxdiisa ka keenay (uu hindisay), balse dadka kale waxay maskaxdooda ka keenaan kaliya suga oo ku dhaqma.

● Qofka wax walbuu wanaag u arko naftiisa kaliya la doona ,dadka kalena ka xaasida.

● Qofka siraha lagu aaminay faafiya.

● Qofka aan waxba hubsan oo wax walboo uu maqlo iska rumaysta.

● Qofka aan hadal dabacsan oo naxariis leh dadka odhan, isna dhaha waxaa laguu malaynayaa qof jilicsan hadaad dhahdo hadal dabacsan oo naxariis leh.

● Qofka dadka dhaqankooda, iyo diintooda ku dhagan u haysta reer baadiye.

● Qofka aan ku salaamayn ilaa uu dan kaa yeesho maahee,qofka ku salaama oo hadalka fiican ku dhaha markuu wax kaaga baahan yahay kaliya.

●Qofka isla waynida iyo istus-tuska badan

● Qofka dadka iska xukuma: waa qofka markuu arko qof dhaha qofkani waa sidan isagoon la hadlin qofka oo fikradihiisa ogaaan.

● Qofka xaqa ka xishooda.

● Qofka caajiska ah oo wuxuu maanta qaban karo, bari u dhigta.

● Qofka ka xishooda inuu dadka wax ka barto oo ka faa’iidaysto, isagoo ka baqaya in la dhaho hebel waxaas ma yaqaano.

● Qofkaan dantiisa aqoon, oo waxaan dani ugu jirin kaliya daba socda.

WQ: Layla Ahmed (Istaahil)


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply