fb

Tartanka Lamaanaha Caashaqa” Labadaan Jaceyl Keebaa U Codeyn Laheyd Iyo Weliba Labo Qiso Oo Cajiib Ah.

Published: March 10, 2014, 12:00 am

Waxaan idiin soo bandhigayaa labo qiso oo aan soo gaabin doonaa waxaana lagaa doonayaa inaad u kala codeyso labadaan lamaane keebaa jaceylkiisa ku guuleystay oo jaceylla taaban karo lamaanihiisa u dhaafay.

Qisada Koowaad.

Waxey ahaayeen labo lamaane ah oo labadoodaba si xad dhaaf ah isku jeceyl midba midka kale sikin ma uusan moogaan jirin, waa labo lamaane oo isla soo maray qiso layaab leh oo aad u dheer, waxeey ku heshiiyeen ineey is guursadaan oo aay noqdaan labo lamaane oo isku dhaxo, guurkii labada dhinac ee qoysaskooda waa lagu heshiiyay.

Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah ineey mooto isla soo raacaan asaga wuxuu gashtay koofiyadaha mootooyinka lagu wado, ayado oo yara xishooneyso ayuu usheegay ineey gadaal kasoo korto aayna tahay qof ku mehersan aaysan xishoon meel dheerna aaysan aadeen ee uu carwada lee ugu soo iibin rabo hadiyad.

Waxaa lasoo qabsaday wadadii weyneyd ee baabuurta “High Way-ga” mootada ayaa si xowli ah kusocotay wuxuu damcay inuu qaboojiyo, kadib wuxuu dareemay fariinka inuu go’ay mootada uusan istaajin akrin wuu naxay, lamaanihiisa oo lasaarneyd ayaaku tiri macaane waa ku baryaa mootada qabooji si xowli ah ayey kusocotaaa meelihii lagugu talo galayna waad istaagi la’dahay shil miyaad na gelin rabtaaa……….

Intaas markii aay dhagahiisa kusoo dhaceyn wuxuu dhahay inaan qaboojiyo marabtaa haaa ayey kutiri wuxuu dhahay koofida madaxeyga ku jirto madaxaga geli waa koofiyadaha qofka mootada wado ka ilaaliyo inuu madaxa ka dhaawacmo koofidii ayey madaxa gashatay, wuxuu dhahay si xoog ah iigu dhag ina dheh waan ku jeclahay weey ku dhagtay, waan ku jeclahay markii aay afkeeda kasii dhamaaneysay mootadiina shil ayey gashay ayadana wax magaarin ALLE kasokoow waxey ku badbaaday koofidii aay madaxa gashatay, kadib ayeey ogaatay sababta uu koofida ugeliyay in mootada shil kusocotay.

Qisadii Labaad.

Waxaa jiray gabar indhoole ah iyo wiil aad u jeceyl gabadhu waxey aheyd gabar aad u qurux badan, wiilkana si daacad ah ayuu u jeclaaday weliba jaceyl gaarsiiyay illaa xad marna ismuu dhihin maxaad ka jeceshahay gabadhaan indhaha la’ ayadana had iyo jeer waxeey dhihi jirtay anoo indho la ayaad I jeclaatay illaah ha I tuso heer aan ku arki karo.

Wiilkii hadalkaas ayaa ka badbatay gabadha si xad dhaaf ah ayuu u jeceylyahay wuxuu u balan qaaday inuu maalin indha fiiq geyn doono, meel tuulo ah ayey ku noolaayeen oo gobol ah gabadhii ayuu qaaday caasimada ayuu geeyay.

Gabadhii dhowr isbitaalba wuxuu geeyo markii danbe qarash faro badan ayuu bixiyay isbitaal qaali ahna wuu geeyay, gabadhii ugu danbeyn waxaa lagu guuleystay ineey wax aragto.

Wiilkii indhaha u fiiqay ee jecleyd ayey tiri inaan arko ayaan doonayaaa, wiilkii oo qolka bukaanka jiifo ayaa la dul geeyay, waxey aragtay wiilkii oo indho la aad ayey u qaracantay waxey tiri indhoole ayaad aheyd maxaa beenta iigu sheegtay, intuu soo fadhiistay ayuu gacanteeda gacantiisa ku raadiyay ayuu ku dhahay indhaha aad waxa ku aragto waa indhaheyga adigu waxaa jecleyd inaa I aragto sidaa awgeed dhaqtar kasto aan u tagay wax waa lagaa qaban waayay illaa dhaqtarkii u danbeeyay uu iga ogolaaday in indhaheyga laguu geliyo waayo xad dhaaf baan kuu jeclahay wax walbo aad jeclaato inaad heshana waan jeclahay inaan sameeyo, sidaa awgeed waxaan ku qasbanaaaday inaan indhaheyga kuu badalo.

Intaas ayaan kusoo koobayaa labada qiso dhanka codeynta ninkii ku guuleystay jaceylkiisa waxaan u dhaafay aqristayaasha sharafta leh ee shabakada kobciyemedia.com

FG: Horay ayey kobciyemedia.com ugu baxeen qisooyinkani hadana wa ku celis

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply