fb

Tallooyin Aad Iskaga Daweyn Karto Ama Kaga Hortagi Karto Hergabka “Durayga”..

Published: March 6, 2014, 12:00 am

Hadii hargab ama duray ku hayo, waxaa jira qaabab badan ood iskaga dawayn karto adoon dhakhtar tagin. Hadaba qaar ka mid ah qaababka durayga la isaga dawayn karo adoo gurigaaga jooga baan halkan kusoo gudbinanaa. Hadii aad sida saxdaa u isticmaashona waad ku guulaysan insha allah.

● carabkaaga sifiican ugu caday dawada ilkaha maalin walba, sidani waxay kaa ilaalinasaa hargabku inuu kugu dhaco. Sidan waxaa yidhi oday da’diisu 83 sano tahay, wuxuuna sheegay in uusan hargab ku dhicin ilaayo intuu sidan bilaabay oo hada laga joogo 27 sano.

●xabad liindhanaan ah labo u qaybi, milix yar dusha kaga daadi. Ku dhibci sankaaga liindhanaantii aad milixda ku daadisay, inyar bay ku xanuujinasaa laakiin wax wayn bay ka tartaa hargabka.

● 5 xaboo toon ah midiiba 2 qaybood u kala jeex, ku shub koob caano ah oo kari kadib miir ama shaandhee cabna. Maalintii 2 jeer cab. Sidani xitaa waxay aad u caawinasaa qofka burukiitada qaba.

● Isku dar koob malab ah iyo koob badhkii oo saliid saytuun ah, qaado ilaa labo qaado cab markiiba. Waxay qoynasaa dhuunta oo qufaca baad kaga roonaan.

● Biyo badan cab, iyo cabitaanka kululba.

●hadaad qufacasid oo cunuhu ku xanuunayo, calasho dhagayare.

● Hadaa qucafasid oo cunuhu ku cuncunayo, qaado subag ah sonkor yar ku dar markaa cab.

● Caano ama maraq fil-fil ku kari oo cab, laba koob maalintii ilaa habeenkii.

Talooyinkan qaar ka mid ah waxaan ka soo qaatay buug ay qortay: Miriam Wicklund oo la dhaho: Kjerringrd for bedre helse.

WQ: Layla Ahmed (Istaahil)

Source Khadija Home


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply