fb

RUN MISE BEEN? (Qaybtii 6aad Sheeko taxane ah)

Published: March 14, 2014, 10:23 am

Arrinta doonashada Khadiija markii la gaaray ayuu waagu ku baryay Bashiir iyo Khadiija oo diidmadeedi ay socon weyday, kadib markeey hal dhinac ka soo wada jeesteen Hooyo iyo Aabbe oo wada jira, kaalma kasta ay weeydiisatay Aabbaheedna way ka weyday, waxaana sabab u ahaa inuu ku ixtiraamaayay Khadiija Hooyadeed si aanu xiriirkoodu dib ugu xumaanin.

Bashiir howl wanaagsan oo uu Reerka u qabtay ayaad moodaa inuu ku waayay Khadiija oo uu Aabbaheed la safan lahaa haddii uu xiriirka hooyadeed aanu wanaagsanaan laheyn, walloow aanu Bashiir ka shalaaynin wanaagi uu kula talin jiray qofkuu damacsanaa inuu mustaqbalka ka dhigto, wuxuu u arkaayay Geed uu abuuranaayo si uu u harsado.

Khadiija waxaa calfaday Cali Nuur Habeenka arooskoodana Bashiir waxaa saarnaa buste weyn, asagoo ka xun in Beertuu abuuray uu miraheeda guranaayo wiilki u istaagi jiray jiirooyinka xaafada.

Biibito ay Dhalinyarada xaafada isugu yimaadaan Habeenki, ayuu Bashiir kula kulmay saaxiibkiis Yusuf oo markuu Isha saarayba gacanta ku soo dhegay, markuu bannaanka Biibitada ula baxay ayuu Yusuf yiri “Waxaad fiirisaa Wiilasha Dubnada ku cayaaraaya Miiska, midka u soo jeeda dhanka Albaabka Biibitada oo wata Shaarka leh diilimaha Cagaarka iyo gaduudka ah” isla markiiba Bashiir wuxuu Isha ka buuxsaday Wiilki loo tilmaamay, markaa kadib ayuu Yusuf intuu la dhaqaaqay oo ay fadhiisteen Derbi yar, ayuu u sheegay inuu yahay Wiilka saaxiibka la ah Haboon, isla markiiba Wadnaha Bashiir wuxuu billaabay garaac xoog badan, kadibna wuxuu Yusuf u raaciyay sidduu ku ogaaday oo aheyd inuu Wiilka laftiisa u sheegay inay wada socdaan Haboon asagoo ka codsanaayay inuu kala hadlo khilaaf soo kala dhexgalay aawgii.

Bashiir oo intaa aamusnaa ayaa yiri “Waa mahadsan tahay Saaxiib siddaad warbixinta iigu keentay” Yusuf ayaa hadalki uga dhexgalay “Sug saaxib weli kuuma dhameynine” wuxuu sii raacsaday “Markuu erga ahaanta ii dirsaday ayaan u tegay Haboon si aan u sii xaqiijiyo warka runtiisa, markaan kala hadlayna waxay igu tiri (Wiilkaas waa iskala hadli jiray maahane wax naga dhexeeyo majirin) markeey ku adkeysatay inay waxba ka dhexeyn ayaan ku iri wuxuu ii sheegay inuu ku jecelyahay wuuna ii soo kaa dirsaday, waxay tiri (waan ogahay taas oo mar kasta aan Suuqa u aado adeega ayuu ii sheegaa, laakiin dhowr Goor oo aan Niyada u dhisaayay ayaan wada kullanay, haddana waan u sheegay mowqifkeeyga)”.

Markuu Yusuf hadalka intaa marinaayo ayuu Bashiir Niyada iskala hadlay oo is yiri “Sheekadu u ekaa tii Khadiija iyo Cali Nuur” kadib wuxuu ku soo baraarugay Yusuf oo leh “Adiga ayaan Haboon ku weeydiiyay inay Xaafadda kugu aragtay iyo in kale, waxay igu tiri ( Bashiir mar mar wuu yimaadaa Xaafada laakiin nooma soo galo anaga) waxaan ku iri haddaad aragto waxaad ku tiraahdaa Yusuf ayaa kuu baahnaa, wayna iga ogolaatay,marka Saaxiiboow waxaan Haboon ka dareemay inay aad kuu xiiseyneyso ee haddii aad Xaafada tagto Salaanta ku dar inaad ayagana soo salaanto” .

Intaa kadib ayay Biibitadi kusoo laabteen Bashiirna wuxuu si fiican u fiiriyay wejiga Maxamud oo ah wiilki loo tilmaamay wuxuuna meesha iskaga tegay asagoo sawiri kara Maxamud.

Markuu Yusuf uga tegay Biibitadi ayuu Bashiir go’aansaday inuu ka faa’iideysto fursada inta ay dagaalsan yihiin Haboon iyo Maxamud, asagoo isku qanciyay hadalkey Haboon ku tiri Yusuf oo ahaa (inay dhowr jeer iskaga tagtay Maxamud laakiin aanay ujeeddo ka laheyn iyo rabitaan mustaqbal toona), Bashiir markuu miisaamay hadalkaas Haboon looga sheegay iyo midki ay Khadiija ku tiri markuu weeydiiyay Cali Nuur way iskula ekaadeen, laakiin wuxuu mudnaanta ku siiyay midka Haboon inay ku tiri Yusuf oo aaneey wax dan ah kala laheyn, balse Khadiija ay asaga ku tiri ayadoo rabtay inay asaga wax la wadaagto, halkaa waxaa Bashiir uga soo baxay fursad uu ku dhiiran karo inuu Haboon kula wareegi karo. Habeenki xigay maqribka kadib ayuu Bashiir aaday xaafadi xamar jajab …..LA SOCO QAYBTA 7AAD IYO BERRITO

W/Q: Ahmed Hayow

Email: Xaayoow09@hotmail.com

 Facebook: https://www.facebook.com/ahmed.hayow1?fref=ts

W/Tifaftiray: Mohamed Dhaaleey

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley  


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply