fb

RUN MISE BEEN? (Qaybtii 5aad Sheeko taxane ah)

Published: March 8, 2014, 4:51 pm

Bashiir oo yaaban isuna diyaariyay dagaal ayaa yiri “iima sheegin inay Rag u doonantahay, laakiin waa arki doonaa haday middaas jirto” Bashiir intaa kadib wuu iska dhaqaaqay asagoo qaba dareen weyn iyo digniin ah inuu foojignaanta badiyo.

Khadiija Ina Adeerkeed Cabdullaahi wuxuu guriga Adeerkiis ugu soo laalaabanaayay waxay aheyd inuu Adeer u dhiibo Gaari Tagsi ah oo uu rabay inuu wado, markuu helay muraadkuu lahaana wuxuu ku mashquulay Tagsiga inuu ku shaqeeyo, waayoo waxbarashadi wuxuu uga tegay fasalka 8aad markeey ka wada bexeen asaga iyo saaxiibkiis Bashiir oo Dugsiga sare sii watay haddana guriga ku yimaada madaxa Cabdullaahi oo Reerka ay ku barteen una sheegay inuu yahay Wiil fiican oo waxbarashadana ku fiican, siddaa daraadeed ayaa loogu aaminay inuu Khadiijo oo ah fasalka 8aad ku jirta ka caawino waxbarashada.

Khadiija Hooyadeed iyo Aabaheed waxay kala tageen goor hore, waxayna la joogtaa Aabbaheed, Hooyadeedna waxaa guursaday Nin kale oo ay u dhashay Carruur, waxayna degan yihiin Degmada Wadajir.

Habeenki xigay wuxuu Bashiir weeydiiyay Khadiija Wiilki jidka u galay, waxay u sheegtay in la yiraahdo Cali Nuur ayna wada sheekeysan jireen, laakiin hadda ay kala hareen, iyo inay dhashay Habaryarteed. Bashiir oo ku andacooday inaanu hore ula socon inay wiil kale xiriir leeyihiin ayay Khadiija ku qancisay inay iskala sheekeysan jirtay laakiin aaneey wax dan ah ka laheyn xiriirkiisa, balse marki ugu horreeyay ay asaga aragtay inay jeclaatay.

Markuu Bashiir ka soo tegay Khadiija asagoo aad u digtoon ayuu Cali Nuur uga hor yimid barteey xalay ku kulmeen, markan asagoo ka duwan siddiisi hore kana codsaday inuu u daayo Gabadha uu jecel yahay ugana soo horeeyay xaqna uu ku leeyahay, Bashiir erayadaas waxay taabteen laabtiisa isla markaana waxaa ka tan badiyay hadaladi ay Khadiija ku soo akhrisay oo ahaa inay wax dan iyo muraad ah ka laheyn Wiilka hor taagan, markaa ayuu ku yiri ” haddaad Xalay siddaan iila hadli laheyd waxbeey ahaan laheyd, laakiin Afkaad igula hadashay inaad ku adkeysato ayaa caawa kuu fiican” wuuna ka dhaqaaqay asagoo ka xun jawaabta uu siiyay Cali Nuur.

Bashiir weli qalbigiisa kama go’in muddadi Sanad ku dhawaadka aheyd ee ay wada socdeen Khadiija, siddeey hadalkiisa u dhageysan jirtay, qosolkeedi iyo ilka cadeynteedi, siddeey diyaar ugu aheyd inay qaadato talooyinkiisa oo ay ka mid aheyd inay soo booqato Hooyadeed wanaajisana xiriirka qoyska Hooyadeed, kuna dadaasho inay labada Reerood safiir u noqoto. Wuxuu Bashiir dhisay qofka uu noloshiisa ku aamini lahaa dhan walba. Khadiija waxaa ku dhacay isbedel weyn oo ay ka dareemeen Waalidkeed, waxay ula muuqatay inay Gabadhoodu lasoo baxday firfircoonaan iyo caqli ay ku xaliso xumaan ay ku kala maqnaayeen mudo fara badan, una furtay baal cusub labada Qoys ee Hooyo iyo Aabbe.Waxaa kale oo ay saameyn ku yeelatay Ardayda ay isku Fasalka yihiin oo ka dareemay isbedel xaga waxbarashada ah iyo mid xaga hadalka ah, markeey Khadiija hadleyso waxay u dhegeystaan siddeey u dhegeeysato Bashiir oo kale, Khadiija lafteeda ayaa isla yaabtay horumarka ay sameysay.

Cali Nuur si sahlan kuma harin, wuxuu ku mintiday inuu gacanta ku dhigo Khadiija oo markaan intii hore ka sii qiima badan, Ammaanteeda waxay gaartay Reeraha oo dhan taas oo Cali Nuur ku dhiirigelisay inuu Hooyadiis u adeegsado inay uga doonto walaasheed oo ah Khadiija Hooyadeed, taas oo noqotay fursadda uu ku heli karo, nasiib wanaagna uu ku helay inuu weydiisashada uga hor maro Bashiir oo qorshihiisu ahaa inuu doonto markuu Dugsiga sare ka boxo.

Labada Hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sugo intay Khadiija ka baxeyso imtixaanka Dugsiga Dhexe markaana loo gudbiyo Khadiija iyo Aabbaheed halkaana lagu bixiyo Khadiija. Arrinta doonashada Khadiija markii la gaaray ayuu waagu ku baryay Bashiir iyo Khadiija ….LA SOCO QAYBTA 6AAD EE SHEEKADA IYO JIMCAHA SOO SOCOTA INSHA ALLAH

 

W/Q: Ahmed Hayow

Email: Xaayoow09@hotmail.com

 Facebook: https://www.facebook.com/ahmed.hayow1?fref=ts

W/Tifaftiray: Mohamed Dhaaleey

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley 

 

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply