fb

RUN MISE BEEN? (Qaybtii 4aad ee Sheeko taxane ah)

Published: March 7, 2014, 11:44 am

Bashiir gabadhii ugu horeeysay ee uu xiriir la sameeysto waxaa la dhihi jiray Khadiija, wuxuu ku bartay saaxiibkiis Cabdullaahi oo ay Khadiija Ilma Adeer ahaayeen, guryahoodana ay iska soo hor jeedeen, markuu Bashiir yimaado guriga saaxiibkiis Cabdullaahi waxaa inta badan loo sheegi jiray inuu aaday guriga adeerkiis, markaana uu Bashiir ugu tegi jiray, Khadiijana ay Shaah ugu keeni jirtay walaalkeed iyo saaxiibkiis.

Xiriirka Bashiir iyo Khadiija wuxuu ku billowday si aan ku talagal aheyn oo lama filaan ah kadib markuu Bashiir uga tegay Miiski Qolka fadhiga waraaq uu ku sawiray wadno dhiig ka da’aayo oo Fallaar ay ku surantahay, markaana ay Khadiija oo soo ururin laheyd Koobabki ay ugu keentay Shaaha ay aragtay Warqada una qaadatay inuu ayada meesha ugu reebay Bashiir, wixii ka dambeeyay Khadiija waxay sugeysay fursad ay ugu gudbiso jawaabteeda ah ogolaanshaha.

Waxay fursadi noqotay habeenki ugu horeeyay ay Khadiija salaanto gacanta Bashiir, kadib markii ay wacday ayagoo sii baxaaya, Khadiija waxay Bashiir ku salaantay waraaqdi jawaabta aheyd oo uu isla markiiba jeebka gashaday, markii ay soo bexeen walaaca ay warqadaas ku abuurtay habeenkaas, wuxuu saaxiibkii Cabdullaahi oo ay Shaneemo u wada socdeen ka codsaday inuu fasaxo oo Filinka kaligii iska galo, asagoo u sheegtay inuu Madaxa xanuunaayo uuna rabo inuu iska jiif tago, laakiin jiijiid badan kadib waa la fasaxay, Bashiirna markuu hubsaday inuu ka soo fogaaday ayuu warqadii furtay asagoo la sugi waayay intuu gurigiisa ka tago.

Warqadda waxay Khadiija qortay taariikhda ah 7-7-77 oo ah July 7. 1977 oo aheyd maalin Khamiis ah, habeenki Jimcaha soo gelaysay ayay gacanta usoo gelisay Warqadda, Bashiir intaanu akhrinba wuxuu ku dheygagay taariikhda warqada, kadib ayuu akhriyay.{Bashiir waan arkay wadnihi aad iiga tagtay ee dhiigu ka da’aayay, hadduu dhab kaa yahay anigana kula mid ayaan ahay diyaarna waan kuu ahay, waxaan kaa sugaayaa jawaab habeen dambe} Bashiir mar labaad iyo seddexaad ayuu akhriyay warqadi, wuxuu dib u daartay cajalad maskaxdiisa uu ka daawado muuqaalkeedi iyo dareenkeeda sidduu ahaa intuu tegaayay gurigooda, waxaa usoo baxday inay xiisa gaar ah uga muuqatay siddeey Shaasha ugu keeni jirtay iyo siddeey Ina Adeerkeed ugu khasbi jirtay hadduu diido Shaaha inay u keento ayna dhihi jirtay (haddaad rabin Shaaha, Bashiir ayaa cabaayo).

Habeenki jawaabta laga sugaayay Bashiir wuxuu noqday kii ugu horeeyay oo uu xiriir mustaqbal la yeesho Gabar, Khadiijana waxay noqotay mid uu gabdhaha ka baadi goobo ayadoo kale, baadi goobkaas oo gaarsiiyay inuu Haboon ka dhur sugo ayadoo ay ula muuqatay inay tahay Khadiija oo yar.

Dhowr habeen markeey wada sheekeysteen Bashiir iyo Khadiija, fursadna ay u heleen inuu wax u akhriyo ayna sheekeystaan ayaa waxaa dhacay habeen uu ka soo baxay guriga Khadiija inuu jiiro uga hor yimid Wiil la yiraahdo Cali Nuur oo ay Ilma habreed yihiin Khadiija, markuu Cali Nuur istaajiyay Bashiir ayuu ku yiri “saaxiib gabadhaad la sheekeysaneyso rag ayay u doonan tahay ee miyaadan ogeyn?” Bashiir oo yaaban isuna diyaariyay dagaal ayaa yiri….LA SOCO QAYBTA 5AAD IYO MAALINTA SABTIDA EE BERRITO AH

F.G: Akhristayaasha Sharafta leh waxaynu u sheegeynaa in Sheekadan RUN MISE BEEN ay Bogga Kobciye kusoo bixi doonto sidii Todobaadyadii lasoo dhaafay ay ahaydbo, Labada Maalin ee Jimcaha oo Maanta ah iyo Sabtida oo Berrito ah. La socod haboon. Aad baana idinkugu mahad naqaynaa.

 

W/Qoray: Ahmed Hayow

Email: Xaayoow09@hotmail.com

 Facebook: https://www.facebook.com/ahmed.hayow1?fref=ts

W/Tifaftiray: Mohamed Dhaaleey

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley 

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply