fb

Ragoow Wax Ka Ogoow Su’aalaha Aay Dumarka Necebyihiin..

Published: March 7, 2014, 7:13 pm

Dumarka kama helaan raga weeydiinayo su’aalahaan aan hoos kuxusi doono, runtii waxaad arkeysaa raga qaar oo kacabanayo hadalada aay kula hadli lahaayeen lamaanahooda xattaa hadii aay tahay xaasaskooda.

Tiro iyo cadad maleh dad ayago is jecel haddana hadalkii isla fahmi waayay taas oo sababto aakhir in lagu kala tago,

Hadaba hadii aad tahay nin rag ah wax kabaro hadalada iyo suaalaha aaysan dumarka jecleysan in aay kala kulmaan lamaanahooda.

Waxaa macquul ah inta badan ee qodobadaan aan halkan kuxusi doono markii aad aragto adiga nafsan ahaantaada inaad igu raacdo fikradeyda, inkastoo qodobada qaar adigoo horay u ogaa haddana aad kudhaqantid, balse hadda kadib haalkan hakugu ekaato inaad kusii dhaqantid.

1 Imisa Sano Ayaad Jirtaaa.

Oh waan kaxumahay miyeysan doqnimo kugu aheyn hadii aadan horay u ogeyn in dumarka da’dooda aay tahay qaas aay lawadaagaan qoyskeeda oo keliyah, haddaba ragoow kafogoo inaad dumar da’deeda weydiiso adigoo xasuusanayo 3 dumarka lama weeydiiyo xikmadii oraneysay.

2 Culeyskaaga Waa Meeqo.

Waa mida xigto aay jaceylyihiin raga qaar markii aay da’da dumarka ogaadan haddana iney wax ka ogaadaan culeyskeeda, adiga uun baa kujabayo maahee haka sugin iney kuusheegto culeyskeeda, waayo majeclo waxyaabahaas in laweeydiiyo ama looga sheekeeyo.

3 Saaxiibteydii Horaa Kaafiicneyd. 

Qofka aad markaas xiriirka lawado majeclo inaad ugu sheekeyso qoftaadii hore, waxaa laga yaabaa adiga nafsad ahaantaada xattaa inaadba ilowdid jaceylkaagii hore oo aad xaqiiqsato jaceylka hadda kuhaayo mid katan weyn inuusan weligaa kusoo marin kuna soo mari doonin, mar welibana agtaada waxaad kufaraxsantahay jaceylka aad hadda haaysato, taas ayaa xaqiiq ah inkastoo dadka qaar aay dhahaan jaceylkii hore ma iloobi karo haddana waxaa xaqiiqo ah in hadda midka aad dhex mushaaxeysid haduu dhab kaa yahay aadan tabeyn jeceyl kale inta noloshaada kahadhsan.

4 Dharkaan Qof Cayilan Ayee Kaadhigayaan.

Dumarka majeclo in markii aay lamaanahooda usoo labistaan ayadoo is moodo inuu amaani doono, haddana uu ninkii kahor keeno arooy dharkan qof cayilan aye kaadhigeen, kkkkkkkkkkkkkk, runtii midaasi waxey niyad jab ukeeneysaa lamaanahaada mana jeclo waxyaabahaas iney kala kulanto saaxiibkeed.

5 Waan Kafiicanahay Aabahaa.

Akhristoow miyaadan ogeyn in aay dumarka aad ujeceylyihiin aabahood, wiilasha badankood waxey jeceylyihiin hooyo, gabdhaha badankoodna aabo, adiga akhristoow midkaa tahay hadda xasuuso bal kee jeceshahay labadaada waalid, Haa waa xaqiiq inaad labadaba jeceshahay leyskuma haaysto ee kee telka kawacdaa ama aad isdhihi kartaa waad ubadantahay.

FG: Qormadaan sanadkii tagay ayey kobciyemedia.com ka baxday akhriste ayaa naga soo codsaday inan dib ugu soo celino

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply