fb

Raggu Marnaba Ma Jeclo Dumarka Leh Dhaqamadaan Inta Badan Haweenka Aay Ku Dhaqmaan.

Published: March 11, 2014, 9:27 am

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa haduu ALLE ogolaado dhowr siyaabood oo aaysan ragu jecleyn kuwaasi oo dumarka dhankooda si caadi ka ah.

Xaqiiqdu waxey  tahay in is fahamdarada noocaani ah aay sababi karto kala tag ama burbur qoys, hadaba si aaysan taasi u dhicin hadii aad tahay marwo baro qodobadaan kana illaali ninkaaga si uusan kaaga xiisin halkii uu kaaga xiisi lahaa.

Qormo kale oo xigto ayaanu kusoo qaadan doonaa dumarka waxey necebyihiin raguna aay iskaga dhaqmaan, balse maadaama aasaaska qoyska aay tahay hooyada waxaanu ku hormareynaa inaan dhisno marwada kadibna aan u noqono inaan dhisno seeyga guriga.

Marwayahay ogoow ragu majeclo dumarka qaababkaan ku dhaqmo.

1-    Cabashada joogtada ah ee dumarka ka timaado taasoo aay qaarkood u isticmaalaan ineey ku weeraraaan ninka raga ah ayagoo daciifnimo uga raadinayo, ragu dumarkaasi cabashada badan majeclo oo had iyo jeer halkuu guriga ugu soo xiisi lahaa wuxuu isleeyahay ti ayaa kaa horeyso dabadeed asxaabtiisa ayuu isku mashquuliyaa oo kusoo daahaaa, markii uu guriga imaado uusoo daahana qeylo iyo cabasho ayaa guriga ugu horeeyo, ragu majeclo dumarkaasi.

2-    Mida suaasha iyo koontoroolka badan, ragu majeclo mida suaasha badan ee calaamatul suaal ah ( ? ) taasoo had iyo jeer weeydiineyso maxaa mashquul ku tahay, beri intee aadeee, iyo naagta ninkeeda su’aasho hantidiisa iyo maantay intuu soo shaqeystay ragu majeclo midaasi adiga oo awoodo si kalgaceyl ah wax walbo inuu kugu sheegto maxaad suaal ugu dileeysaaa.

3-    Mida iska jiifto xiliga aay socoto hoowsha galmada ee aan far dhaqaajineyn ragu majeclo weliba waxey ka qaadaan waali xad dhaaf ah, taasina waxey sababtaa ugu danbeyn inuu naco lagalmooshaha xaaskiisa, dumarka qaar ayaan far nuuxineyn markii aay socoto howsha sariirta weliba neefta iyo riinka raaxada isku celinayo, ayagoo moodo wax laga xishoodo, balse xaqiiqdu waxey tahay ninka oo riinka iyo neeftuurka xaaskiisa maqlaayi inuu galmada sii wado, balse hadii aad tahay dumarka iska jiifo ee aan far nuuxin ogoow ragu majeclo waxeyna kaqaadaan xanaaq waalan.

4-    Ragu majeclo dumarka ku yiraahda ninkeeygii hore ayaa kaafiican sidaa iyo sidaa ayuu ii sameyn jiray, taasi waa tan raga ugu daran weliba hadalkaasi ma iloobaan illaa inta aay noolyihiin.

5-    Dumarka asxaabta ninkeeda ku hor qososho asaga oo joogo weliba fadhiyo oo ayada sheeko biloowdo taasina ragu majeclo.

6-    Dumarka maseyrka badan ee aan waxbo hubsan nimankooda kula ordo dagaal iyo caay dumarkaasi ragu majeclo, waayo mida caqliga leh ee ninka ku qaboobaayi waa mida isku kalsoon ee aaminsan ninkeeda iney dhan weliba ka haqabtiri karto, aad beyna u hubtaa inuu naag kale tabeynin.

7-    Mida faafiso arimaha sirta u ah qoyska taasina ragu aad bey naceyb daran ugu qaadaan, waa mida ninkeeda caawa arimaha sirta ah uu usheegto subixii gaarsiiso asxaabteeda iyo eheladeeda.

Hadaba akhristaha shabakada kobciyemedia.com waxaa intaasi inoogu eg dhowr qodob oo ka turjumayay tilmaamaha ragu aay ku nacaan dumarka, anagoo soo daabici doono goor dhaw dumarka tilmaamaha aay ayagana ku necbaadaan ragooda.

Inkastoo tilmaamamahaasi aay aad ubadanyihiin haddana waxaan kazoo qaadanay inta aan is dhihi karo waa muhiim.

FG: Qormadaan sanadkii tagey ayey kobciyemedia.com ka baxday akhriste naga soo codsaday awgiis baanu uso daabacnay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply