fb

Qormo Aad U Xiiso Badan Lana Magac Baxday “Daryeel Hooyo iyo Dayac Aabo:.

Published: March 11, 2014, 1:40 pm

“Macalinow, waxaan ku sameeyo waan garan la’ahay gabadhan,” ayeey tiri Fartuun. “Si walba waan ula hadlay. Oo waan u waaniyey. Oo waan ugu nasteexeeyey. Waxaan u sheegey haddii ay iskuulka aadaab fiican ay ku yeelato oo buundo fiican ay ku keento oo aysan macalimiintu ka soo dacwoon in aan wax walba u samaynaayo.”

Fartuun waa hooyo Soomaaliyeed. Waxay joogtaa iskuulka gabadheeda Safiya ay dhigato. Waxay la hadlaysaa macalinka gabadheeda. Waxay ka wareysanaysaa xaaladda waxbarasho ee gabadheeda ay ku sugantahay.

“Dhibka ugu weyn oo ay qabto Safiya waa hadal badni iyo muran badni,” ayuu yiri macalinka. “Waa labo dhib oo ardayga hoos u dhiga waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa. Safiya aamus lugama karo. Waxay rabtaa qof u dhow iyo qof ka dheerba in ay la sheekeysato. Markii aad ku tiraahdid meel gooni ah fadhiisana wey kula murmaysaa. Meeshii aad hal daqiiqo kala hadli laheyd, waxay kugu qaadanaysaa toban daqiiqo in aad la hadashid.”

“Sheekada badan iyo muranka badan waa dabeecad ay leedahay,” ayeey tiri Fartuun. “Si aan uga gooyo garan maayo. Maalin walba ayaan kala hadlaa in aysan dadka ka waaweyn ku soo af-celin.”

“Haddii ay xattaa waxbarashadeeda ka adkaan laheyd wax dhan bey ahaan laheyd,” ayuu yiri macalinka. “Safiya se casharada guriga loogu dirana kama soo shaqeyso kuwa fasalka dhexdiisa lugu sameeyana kama shaqeyso. Fasalka waxay ku haysataa buundo aad u hooseysa.”

“Macalinow wallaahi wey i wareerisey gabadhan. Oo madaxa ayeey iga cuntay. Waxaan ku sameeyo ma aqaani,” ayeey tiri Fartuun. “Waxaan u sheegaa maalinwalba in ay caruurta ugu weyntahay oo iyada looga baahanyahay in lugu daydo. Waa 14 jir. Annigu intaa markii aan la ekaa reerka oo dhan baan daryeeli jirey. Oo u shaqayn jirey. Oo u adeegi jirey. Hooyadey, Aabahey iyo dhamaanba walaalahey oo dhan aniga ayeey igu tiirsanaayeen.”

Fartuun ereyadan markii ay dhahaysey wejigeeda waxaa ka muuqdey ciil iyo caloolyow. Waxay ahaayeen ereyo kal iyo laab ka soo baxaayey. Oo aan sharax iyo sheeko dheer aan midna u baahneyn, fahamkooduna uu fududaa.

“Caruurta intaan marka ay la egyihiin, badanaa hooyo waxba kama maqlaan,” ayuu yiri macalinka. “Oo wey isku taagtaagaan. Aabo ama walaal ka weyn ayaa wax ka qaban kara, sababtoo ah qof nin ah oo ay ka baqayaan ayaa haboon in uu daba socdo.”

Intaas markii uu yiri macalinkii ayaa Fartuun indhaheedii halmar casaadeen. Ka dibna waxaa ku soo joogsadey ilmo. Isla markiibana wey ilmeysey.

“Wax kale lama ooyayo,” ayeey tiri Fartuun iyada oo ilmada iska titireysa. “Waxaan la ooyayaa , caruurtan aniga ayaa hooyo iyo aabo u ah. Aabahood si walba wax ugu sheegey lagama yaabo dan ay leeyihiin caruurtaas in uu u soo dhameeyo. Haddii ay noqoto dugsiga, anigaa geeya. Oo macalimiintooda la soo hadla. Haddii ay noqoto cisbitaalka anigaa geeya. Oo dhaqaatiirtooda la soo hadla, daawooyinkoodana u soo qaada. Haddii ay noqoto waxbarashada iskuulkooda, anigaa daba orda. Oo marwalba ka war haya. Haddii ay noqoto wakhti in la siiyo caruurta, aniga unbaa siiya. Aabahood waa la noolyahay, lamana arko. Subixii ayuu u soo shaqeeyaa, inta kale wakhtigiisana waxaa qaba shirar iyo sheeko. Maalinwalba waxa uu ku leeyahay odayaal baan la shirayaa. Siyaasiyiin ayaan la shirayaa. Dad muhiim ah ayaan la shirayaa. Oo tollow, yaa caruurtiisa ka muhiimsan?”

“Aad iyo aad ayeey muhiim u tahay,” ayuu yiri macalinka. “In caruurta wakhti la siiyo. Oo guushooda waxbarasho ayeey ku xirantahay. Haddii aadan caruurtaada wakhti aadan siinin, cid kale ayaa wakhti siin doonta. Caruur walbana wakhtiga ay ka helaan waalidkooda ayeey kaga hormaraan caruurta kale.”

Macalinku markii ugu horeysey oo uu hooyo sidan oo kale u murugeysan oo u mashaqaysan uu la kulmo ma aheyn.

Hadda ka hor ayuu la kulmey hooyo shan caruur ah leh oo iskuulka oo dhan caruurteeda laga joogi waayey dhibkooda. Iskuulka ayaa waxay ku noqdeen laf-dhuun gashey. Macalin aan ka caban caruurtaas ma jirin. Saddexdii sano oo hooyadaas caruurteeda ay dhiganayeen iskuulkaas ma uusan arkin macalinka caruurtaas aabahood.

Maalin ayaa inta ay is-heyn weydey waxay tiri, “caruurtan aabahood waxaan ku kala tagney siyaasad. Waxa uu ka doortey gurigiisa iyo caruurtiisa in uu wakhti geliyo siyaasad in uu wakhti geliyo. Kelligey ayaa ku rafaadey caruurtan. Ma banaankaan uga soo shaqeeyaa? Ma waxbarashadoodaan daba ordaa? Ma gurigaan uga shaqeeyaa? Tollow waa yaabe, Caruurta ma waxaa loo dhalayey in aan wakhti la gelin barbaarintooda. Wallaahi waa cajiib!”

Hadaladan markii ay ku hadlaysey hooyadan waxaa korkeeda ka muuqdey rafaad ragaadiyey. Daal badan iyo dayac badanna waa laga dheehan karayey wejigeeda iyo wejiyada caruurteedaba. Xafiiska iskuulka ayeey fadhidey. Oo waxaa loogu yeerey dacwo laga qabo caruurteeda.

“Caruurtaada ma heyn karno Nadiifooy,” ayuu yiri maamulihii iskuulka inta warqadii ceyrinta u soo baxshey. “Macalimiin iyo arday cid walba waxay ka dacwoonaysaa caruurtaada. Waxaaba kaaga daran alaabtii iskuulka xattaa wey jajabiyeen.”

“Meel kale oo aan geeyo caruurteyda ma haysto,” ayeey tiri hooyo Nadiifo iyada oo walbahaarsan. “Fadlan, asxaan ii sameeya. Oo ii dulqaata. Garab-gal iyo gargaar baan idiinka baahanahay.”

“Inta aan digniin siin karno waan siinney caruurtaada,” ayuu yiri maamulihii iskuulka. “Adiguna intaas waan kula socod siineyney. Wax is-badal ahna maanan arkin ee waxaan kaa rabaa warqaddan in aad ii saxiixdo.”

Hooyo Nadiifo iyada oo ciilka iyo carada ka buuxo wejigeeda aadan eegi karin ayeey inta saxiixdey warqadii ka soo baxdey xafiiska iskuulka.

Maalintii uu la hadlaayey macalinka hooyo Nadiifo maalintii ku xigtey iskuulka waxaa ka jirey kulanka macalimiinta iyo waalidka. Arday walba xaaladiisa waxbarasho ayaa looga waramayey waalidkiisa. Dabadeedna waxaa laga hadlayey sida ay waalidka iyo macalimiinta wax iskula qaban karaan. Oo ay iskula shaqayn karaan. Si ay waxbarashada caruurtooda kor ugu soo qaadaan.

Waalidiinta kulankii macalimiinta yimaadey aad bey u yaraayeen. Haddana, intuba waxay u badnaayeen hooyooyin. Aabayaasha yimaadey waxay ahaayeen fara-ku-tiris.

Haddii aad fiirisid midig iyo bidix, dadka macalimiinta su’aalaha weydiinaya oo la sheekeysanaya dhamaanba waxay ahaayeen hooyooyin.

“Macalin iiga waran ninkii Zakariye ahaa,” ayeey tiri hooyo Xaliimo oo aheyd waalidkii ugu horeysey oo u yimaada macalinka.

“Zakariye waa nin maskax fiican. Oo waxbarashada ku fiican,” ayuu yiri macalinka. “Balse, hal dhib oo weyn ayuu leeyahay; Waa xaga akhlaaqda. Sida uu u jooga ayuu dagaalamayaa. Markaasuu caytamayaa haddana, cay aadan maleyn karin. Marmarka qaar baan waxaan is-iraahdaa hooyo iyo aabo culumo ah ayaaba dhalaye, xagee ayuu ka bartay cayda iyo af-xumada?”

“Macalin dhibka jira aan kuu sheego,” ayeey tiri hooy Xaliimo. “Zakariye iyo aabihiis is ma arkaan. Odeygu subixii ayuu shaqeeyaa. Galabtiina Masaajidka ayuu cashar ka akhriyaa. Sabtida iyo axaddana subixii sida uu u jarmaado buu habeenkii yimaadaa. Intaas dad kale ayuu wax barayaa, wiilkiisii u weynaana wax uu ka barto ma lahan. Zakariye hadda waa 13 jir. Wuxuu marayaa wakhtigii ugu xumaa. Waxa uu u baahanyahay in la dabo socdo. Oo wax la baro. Oo lala saaxiibo. Anigu ma isagaan wakhti geliyaa. Ma kuwa ka yar-yar baan wakhti geliyaa. Wallaahi waa yaab, waxaan sameeyo garan maayo.”

“Akhlaaqdu waa muhiim,” ayuu yiri macalinka. “Qofku haddii uusan akhlaaq laheyn, waxbarashadiisu waxba tari meyso. Zakariye waa in la ogaado waxa uu ka fiirsado TV ga, meelaha uu galo kumbuyuutarka iyo saaxiibada uu la socdo. Zakariye hadda haddii aan hadda gacan bir ah lugu qaban halis ayuu ku jiraa. Saan-saantiisa saan-saan fiican ma aha.”

Hooyo Xaliimo iyada oo ka welwelsan warkii uu macalinka u sheegey ayeey ka soo baxdey iskuulkii. Waxay go’aansatey in ay Zakariya kala tagto qurbaha. Oo ay Soomaaliya geyso maadaama iyada kelligeed uu culeyskii caruurta saarmey.

Dhibka hooyo Fartuun, hooyo Nadiifo iyo hooyo Xaliimo haysta dhib iyaga si gooni ah u haysta ma aha. Balse waa dhib badanaaba hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay la wadaageen.

Ugu dambeyntii macalinka ayaa is-weydiiyey haddii aabaha uusan caruurtiisa wakhti la qaadan, maxaa laga fili karaa mustaqbalkooda in uu noqdo? Alle unbaa u maqan soo ma aha.

Daryeel Hooyo iyo Dayac Aabo
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
Xiddig@gmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply