fb

Qiso Gaaban Wuxuu Diyaar U Yahay Inuu Alifo Qorshe Uu Ku Hormariyo Noloshiisa

Published: March 8, 2014, 12:00 am

Caawa xilli dambe ayuu soo hoyday, kadib wakhti badan oo uu albaabka garaacayey oo waliba uu shiid iyo dhagaxaan ugu daray, waxa ka furtay walaashii ka yar oo karahsan, hiifaysa, haaraamaysaa,

hoosna u gunuunucaysa. Waxa uu inantii ku canaantay inay hore uga furi wayday. Markii uu albaabka sidaa uga soo galay ayaa uu la kulmay hooyadii oo habaartamaysa “bal dibjirkaa xun eega, xilligaas uun buu shiid nagu wada kiciyaa, Wax allaala wax uu soo kordhiyana lama yaqaan, sammada loola baxa baasi”.

Isaga oo aan garawsan doodda hooyadii ayuu ku dhaafay yuus iyo yooyootan qolkiisana hore u sii xuluushay. Waxa uu ka soo baxay isaga oo macawis yar iyo dacas gashan. “cashadii meeday?” ayuu isaga oo cadho madax marsan ku tiraabay. “Jabacadda daboolan bal ka eego” ayey walaashii ugu jawaabtay. Bariis yar oo qaboobay laakiin malaha markuu diirranaa aad u macaanaa ayaa uu afka ku jiiday, kadibna xaggaa furaashkiisa u dhaqaaqay.

Wax helayba hore indho isuguma geyn. Waxa u bilaabmay galgalad iyo is rogrog waxana ay isku soo fakadeen fikir, faalayniyo falanqayn. Waxa uu xisaabiyey halka uu wax marinayo, hannaanka uu nolosha u wajaho iyo halka uu ku wado. Waxa uu is tusay da’da uu jiro iyo sida aanay waxba ugu soo kordhin, qayrkii waxa ay qabsadeen ee bulshadu ku tixgaliso iyo halka uu isagu ku jiro dhalanteed, dhayalsi iyo dhacdiid u jiif.

Waxa uu naftiisa kula shawray “ma yarid oo nin weyn oo gadh iyo gafuur leh baa aad tahay, maanta haddii uu reer yagleeli lahaana carruur arlada ku soo kordhin lahaa. Himilo, hiigsi, hayaan iyo hindise nololeed ma lihid. Shaqo kuma fooganid haddana ma fadhiisatid, camal ma haysid mar walbana mashquul baadtahay.

Jaamacad baad dhigataa waxba aanad ka ogayn meel ay wax dhigistu ka marayso. Habeen walba waxaad soo hooyataa xilli diiggu ci’ u diyaar yahay. Reerkana waxaad ka sii siddo mooyee waxba kuma soo kordhisid.”

Isaga oo jiifa oo wali dhex mushaaxaya tashi xooggan oo uu nafta kula jiro ayuu dhinaca kale isu rogay, hadalkiisiina ku ladhay “horta xaqa hooyadu kugu leedahay sawdiga og. Iska daa xaq aad ka jawaab celiso’e dhib iyo hagardaamo kaama waydo. Maxaa kuu diiday inaad xilli hore iska soo hoyato? Saw fiid hore ba jaamacadda kama soo baxdid? Waxa aad intaa ku maqan tahay hadal iyo laqwi uun saw maaha?

Markii uu su’aalahan is weydiinayey waxaa qalbigiisa ka hugmayey dareen murugo huwan.

Waa kan sii dhex muquurtay tooyasho horleh oo uu nafta ku harqiyey: “haddii aad sidan wax ka beddesho tolaw ma ku dheefaysaa? Wakhtigaaga intiisa badan waxaa kaa cuna sheeko, meel fadhi iyo ciyaar daawasho’e horta iyaga kuwan ciyaaro ah maxaa kaasoo gala? Ciyaartiiba waxa kaaga luma labasaacadood marka ay dhammaatana kalama soo kacdid wax faa’iido leh.

Murankoodu ma dhammaado, cid isu garawda arki maysid, or iyo qaylo ayaa dhuunta ku qallajisa. Nin aan ku ogayn wax aad ku sugan tahay ayaa aad u sacab tuntaa, u dabran tahay, u dooddaa, u abtirisaa, da’diisa iyo hayntiisana ka war qabtaa, ku dayataa oo si indho la’aan ah u canjishaa dhaqankiisa. Bal haddii wakhtiga halkaa kaaga baxa aad ku beddesho wanaag, wax korodhsi, wacdi qaadasho, wax akhris iyo wax qoris qayrkaa ma gaadhi lahayd?

Maalin walba marka ay cadceeddu soo baxdo iyo habeenkii oo dhan maxaad ku shuqlan tahay? Waxba, khasaare uun. Waxa aad soo toostaa barqada, xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Xagga ay qayrkaa salaadda subax u ambabaxaan uguna foofaan hawlahooda iyo qadhaabka goobaha shaqo, taasi miyaa aanay ahayn ta dhaxalsiisay inay dabbaraan dhammaan baahiyahooda nololeed iyo ta qoysaskoodaba.

waxa aad wakhtiga ku soo riddaa ka sheekaynta makhaayadaha iyo muran ma dhalays ah, ilaa inta salaadda duhur laga soo baxayo wax kale uma hollatid. Marka aad soo qado tagto ayaad hurdo u qalqaalataa. Si fool adag ayaa jaamacadda laguugu kiciyaa casar oo la tukanayo. Maba tukatide, cagajiid baad ku tagtaa. Marka aad ka soo rawaxdana guriga toos uma abbaartide haasaawe hor leh ayaa aad u jilba duubataa, maalinta ay ciyaar shaydaan jirtana wakhti badan baad ku karash-garaysaa….”

Isaga oo caawa meel la qabtay ma ogiye qirsan in duco waalid meel lagu gaadho laguna tanaado ayuu xasuustay “gondaha hooyada ayey jannadu taallaa ee orod oo iyada la joogoo u samafal waajihaade’’ sawkii rasuulku SCW ku lahaa ninkii yidhi aan jihaadka kuu raaco. Iyo ninkii hooyadii muddada tunka ku siday ee lagu yidhi “kaama dhawa xataa hal mar oo ay ka naxday qaydkoo ka furtay”. Adna iskadaa inaad dab ku dhajisee dhibtaadaba kama gama’do. ILLAAHAW noo dambi dhaaf.”

Waxa uu talo ku gooyey in uu taagan yahay waqtigii uu u xadhko xidhan lahaa unkidda iyo alifidda qorshe u hor kaca wax ka baddalka nololeed.

Cabdishakuur A. Cabdiraxmaan “Raage”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply