fb

Qiso Cajiib ah: Maalintii dambe isla goobti uu xayawaanka ku dulmiyay ayuu mucjiso kula kulmay!

Published: March 9, 2014, 3:00 pm

Ninkani ayaa Qisad ka sheekeynaya wuxuuna Yiri:- maalinkasta markaan shaqada tagayo waxan raaci jiray taxi, si aan goobta shaqada ugu gaaro.

Hadaba maalin maalmaha kamid ah aniga oo saaran taxiga isla markaasna aan wada sheekaysanano ninka wada(darawalka) baabuurka ayaa waxan wadada dhinaceeda ku aragnay ey yar, markaas ayuu ninkii gaadhiga watay ku duway eygii yaraa kadibna lug ayuu ka jiidhay .

Eygii yaraa lugtiisu way go’aday! markaas ayuu ninkii qosal ku dhuftay isaga oo ku faraxsan waxa uu sameeyay!

Walaahi todobaadkii ku xigay markaanu marano halkuu maalintii eyga ku jiidhay ayuu taayir ka qarxay baabuurkii dabeeto waxan u soo daa dagnay si aanu u hagaajino! ninkii dirawalka ahaa gaadhigii ayuu kor u dalacay markaas ayuu isaga oo hagaajinaya gaadhigii gacanta kaga dul dhacay!

Waxanu maqalnay qaylo xad dhaaf ah markaas ayaanu u nimid waxananu isku daynay inaanu ka dul qaadno gaadhiga mudo yar ka dib waanu ka dul qaadnay!

Balse gacantiisa biro ayaa galay , isbitaalkii la geeyay dhakhtarka joogay wuxu kula taliyay in laga jaro ugu danbayna waa laga gooyay gacantii!

¤ subxaanalaah walaal haduu ilaahey qofkii xayawaan dulmay uga aaray maxaad u malayn qofkaqof kale dulma.

¤ ilaaheyna wuxu dhahay:

• qofkii ladulmoow waan kuu gargaari ‘ waan kuu gargaari , waan kuu gargaari xataa waqtiba ha kasoo wareegee.

• ilaahey swt wuxu dhahay. ( ? ???? ?????)

• ilaaheyna cidna madulmo.

• Adiga markaad qof dulmiso adigu gurigaaga ayaad tagaysaa waad iska seexanasaa isna hurdo ku ma soo dhacaso gacmahana kor ayuu u taagaya ilaaheyna wuu kuu baryayaa ducada qofka la dulmayna waa mustajaab.

• adiga hadaad xoog wayn tahay dadkana aad dulmi karto ogow adigana cidkaa xoog iyo awood badan jirto oo ah ilaahey.

• ilaaheyna ha inaga raali noqdo sidu khayrku ku jirana ha ina waa fajiyo.

• ilaahey qofkasta oo muraad leh ha u ajiibo.

• qof kasta oo dhibaato ama murugo hayso ilaahey ha dul qaado.

• qofkasta oo muslim ah oo xanuunsaya ilaahey caafimaad dag dag ah ha siiyo.

• ilaahey ayaynu ka magan galnay inaynu dadka dulmino inagana la ina dulmiyo.

• ilaahey qofkasta oo la dulmay ha u gar gaaro hana inaga dhigo ahlu jano.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply