fb

Qeybtii Koowaad Sooyaalkii Faneed ee Hoobalkii Maxamed Saleebaan Tubeec.

Published: March 13, 2014, 12:48 am

Allah ha u naxariistee waxa maanta 11/3/2014 ku geeriyooday magaalada Rotenberg ee dalka Jarmalka boqorkii codka Soomaaliyeed, hoobalkii,

Maxamed Saleebaan Tubeec. Marxuum Tubeec waxa uu u geeriyooday xanuun uu waayadii u dambeeyayba u jiifay, waxaanay dhakhaatiirtu u sheegeen inuu u baahan yahay qalliin ku kacaya lacag aad u badan.

Muddo iminka saddex toddobaad laga joogo ayuu Allah ha u naxariistee marxuumku farriin cod ah u soo gudbiyay bulshada Soomaaliyeed iyo dawladda Soomaaliya, waxaanu ka codsaday in ay ka caawiyaan kharashka qalliin lagu samaynayo si uu u caafimaado. Farriintaas oo sidoo kale dood iyo xujo ahayd, waxa uu marxuumku ku sheegay: “Fannaankiinnii baan ahay, waxaan ahay ninkii aad u bixiseen ‘Boqorka Codka’, maanta ayaan aad idiinku baahanahay ee iga caawiya xaaladda aan ku suganahay.” Hase yeeshee farriintaasi jawaab ma helin, qaddarka Alle na kuma simin ee waxa yimid xaqii.

Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec waxa lagu xusuusan doonaa kaalintii mudnayd ee uu ku lahaa shaacbixinta fanka casriga ah ee Soomaalida iyo codkiisii aan erayadu cabbiri jirin ee yar iyo weyn la majeeran jiray.

Kobciye ahaan, annaga oo dareenka tacsidan la wadaagayna ehelkii iyo ummaddii uu marxuumku ka baxay, waxaannu qormadan iyo qormooyinka xiga ba ku halaanbayn doonnaa kaalintii faneed ee Allah ha u naxariistee boqorkii codka, Maxamed Saleebaan Tubeec.

GUUDMAR – BAADISOOC FANEED

Heesihiisa:

Maxamed Saleebaan intii uu ku jiray saaxadda fanka waxa uu qaaday heeso badan oo kala duwan ujeeddo ahaan iyo fan ahaan inta ba.

Ujeeddooyinka doorka ah ee ay heesihiisu iskaga tallaabeen waxa ka mid ah: waddani, jacayl, Nebi-ammaan iyo wacyigalin kale oo bulsheed – kuwaas oo ku kala tagganaa dareennada ay ka curteen ama ku jihaysnaayeen.

Fan ahaanna, heesihiisu waxay ku teedsanaayeen laamaha faraha badan ee fanka Soomaalida. Tusaale ahaan, waxa uu ku heesay badiba codadka kala duwan ee heesaha qaraamka loo yaqaanno sida: aroor, laac, carwo, nugul, subcis, i.q.k.

Allah ha u naxariistee fannaanku kuma heesi jirin oo qudh ah afka Soomaaliga, waxa se xusid mudan inuu qaaday heeso badan oo Carabi ah. Heesaha uu afka Carabiga ku qaaday ayaa ahaa kuwo 1970nnadii qarnigii tegay aad looga xiiseeyay golayaashii madadaalada ee dalka Suudaan.

Maxamed Saleebaan waxa uu la heesay fannaaniintii ugu hormoodsanayd ee fanka casriga ah ee Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, dhinaca hablaha waxa uu heeso la qaaday Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”, Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”, Khadra Daahir Cige, Hibo Maxamed Hudoon “Hibo-Nuura”, Aamina Feyr, Maryan Mursal Ciise, Saynab Cige Maxamed, Marwo Maxamed, i.q.k.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1955 ilaa 1990, Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu qaaday in ka badan boqol heesood oo tisqaaday isla markaasna ku xardhan quluubta in badan oo ka mid ah dhegaystayaasha fanka Soomaaliyeed.

Heesahaas waxa laga xusi karaa:

Hooyoy la’aantaa, Guur hayga filannin, Amraneey, Amaano, Alla may dedaasho, Tii keli ahayd, Jabaq, Cajab, Waa cudur jacaylku, God madow, Hoobal, Caloolyow, Haatuf, Dulqaado, Minankiinnii, Muxibbo, Nasteexo, Haweeya, Amarkan iyo yaabkan, Waqti, Deeqa, Neyruush, Guryosamo, Waan daalee i daaya, Aammiinta ducada, Nin dhergiyo nin dhawr qaday, Jaawe geel, Gufaaco, Taladaan la ruugin, Riyadii xalay, Cimrigiiba jacayl, Wayga dhab caashaqu, Shafeec, Waxaan ahay nin caan ah, Laba aabbo wada dhalay, Geela, Hohey hurdo habar ma koriso, Ruun, Malyuun hibo la siistaa, i.q.k.

Heesaha waddaniga ah ee uu qaaday Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec waxa ka mid ah: Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqay, Daafi qurunley, Sannad waliba hoodiyo, Geesiga dhulkiisa, Alla maanta ayaanta, Qof waliba wuxu qaban yaqaannaa loo soo qaddimayaa, i.q.k.

Midhaha:

Halabuurrada midhaha uu ku heesay u sameeyay waxa ka mid ah: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Maxamed Cali Kaariye, Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed”, Yuusuf Maradoon, Xasan Qawdhan Yuusuf, Cabdiqaadir Cali Cigaal, Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, i.q.k.

Codadka:

Heesaha uu Maxamed Saleebaan qaaday waxa baadisooc u ahaa alxaan heerkoodu sarreeyo oo ay allifeen halabuurrada ugu foolaadsan ee codadka hees faneedda Soomaalida. Curiyayaashii alxaanta heesihiisa waxa laga xusi karaa: Maxamed Cali Nahaari, Rashiid Bullo, Xuseen Baajuuni, Cabdillaahi Qarshi, Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, Xasan Sabriye Afrax “Xasan Great”, Jaamac Saleebaan Tubeec, Cabdikariin Faarax Qaarey “Jiir”, Jiim Sheekh Muumin, Aweys Abuukar Goobbe i.q.k.

SOOYAAL-NOLOLEED

La soco qaybo kale oo xiise badan…………………………..

W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply