fb

Qabso Afartan Furo Oo Aad Ku Furan Karto Naxariista ALLE SWT…!!!!

Published: March 5, 2014, 12:00 am

muran kuma jiro in qof waliba raadinayo naxariista Alle SWT sidaas darteed buu qof waliba jecelyahay inuu helo naxariista Alle swt,

hadaba waxay sheegeen dadkii saalixiinta ahaa in 40 miftaax jiraan oo lagu furto albaabka naxariista waana kuwan.

1.     Rumaynta Alle swt.

2.     cibaadada Alle oo loo guto si wanaagsan.

3.     Alle oo laga cabsado.

4.     salaada oo la oogo.

5.     Zakada oo la bixiyo.

 

6.     Illaahay oo loo daacad noqdo.

7.     Rasuulka oo loo daacad noqdo.

8.     wanaaga oo dadka la faro xumaantana laga reebo.

9.     Quraankoo lagu camal fallo.

10.                        quraanka oo la dhegaysto oo lagu raaxaysto.

11.                        Ducada oo la badiyo Rabbi bariga.

12.                        Istiqfaarta oo la badiyo.

13.                        macaasida iyo dunuubtoo la iska ilaaliyo.

14.                        toobada.

 

15.                        dulmiga iyo gefka ood ka ilaaliso walaalahaa , cafisna waydiisato marka aad  ku khaldanto.

16.                        Qofka hindhisa oo aad u ducayso.

17.                        khilaafka iyo muranka ood ka fogaato.

18.                        inaad sabirto marka masiibo kula kulanto.

 

19.                        kuwa is khilaafa oo aad heshiisiiso.

20.                        In qalbigaaga ay ku waynaato Cabsida Alle.

21.                        Misaajidka oo aad sii fadhido adigoo salaad sugaya.

22.                        in aad jecelaato muslimiinta .

23.                        Tarbiyad fiican oo caruurtaada aad siiso.

24.                        Sadaqada oo aad Illaah dartii u bixiso.

25.                        inaad fadhiisato meelaha cilmiga laga marinayo iyo dikriga Illaahay swt.

 

26.                        Dadka oo aad u naxariisto iyo noolaha oo dhanba.

27.                        Xajjka oo la tago  iyo Camaldiisa oo si fiican aad u soo gudato.

28.                        Labada wada nool ninka iyo ooridiisa oo salaatulayl isu kiciya.

29.                        in la isu debecsanaado marka wax la kala iibsanayo.

30.                        Saamaxaada oo la ogaado.

 

31.                        Khayrka oo lagu hadlo.

32.                        sharka oo laga dhawrsoonaado lagana aamuso.

33.                        Waalidka loo samo falo.

34.                        Masaakiinta oo la caawiyo.

35.                        Dikriga Alle oo la badiyo.

 

36.                        Xalaasha oo la dheefsado.

37.                        Riximka ama qaraabada oo la xidhiidhiyo.

38.                        Qofkii ku xumeeya oo la iska cafiyo.

39.                        Daynta oo laga dhaaafo cidii aad ku lahayd.

40.                        Soonta oo la xafido waqtigeeda.

41.                        Geerida oo la xasuusnaado.

Ilaaa mar kale aynu ku kulmayno cashar kale oo ku saabsan side u helnaa naxriista Alle.

Halkaas ha inoo joogto.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply