fb

Oday Xikmad Badan Iyo Qiso Cajiib Ah Uu La Kulmay Xili Uu Badbaadinayay Dib Qallooc…!!!

Published: March 5, 2014, 12:00 am

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado waxaana raacay nin saaxiibkiisa ahaa .

Odaygii wuxuu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha qulqulaya quruxdooda waxaanu sanka la raacayey saxansaxada & udgoonka ka soo baxaya biyaha xareeda ah ee soconaya iyo dhirta ku hareeraysan ee uduga iyo ubaxa badan.

Wuxuu si kediso ah u arkay Dibqalooc ama Hangarale biyuhu sitaan waxaanu doonay inuu badbaadiyo dibqalooca laakiin maxaa dhacay?

Odaygii gacanta ayuu u fidiyey dibqaloocii laakiin dibqalocii ayaa qaniinay ! wuxuu la soo noqday gacantiisi isagoo qaylinaya oo dareemaya xanuun badan,

Hadana mar labaad wuxuu u fidiyey gacantii kale si uu u  soo badbaadiyo hadana gacantii kale ayuu ka qaniinay odaygii ayaa la soo noqday gacantii kale isagoo qaylinaya oo gacantu aad u xanuunayso.

Hadana kama quusane wuxuu ku dedaalay inuu soo badbaadiyo dibqaloocii waanu ku guulaysatay !

Ninkii  la socday ayaa waydiiyey : oday dibqaloocan aad isku mashquulisay oo ku dhaawacay dhowrka goor maxaa kugu kelifay waaba cadaw ku cunayee inaad noloshiisa badbaadiso mar, laba, iyo mar sedexaad?

Odaygii xikmada badnaa wuxuu yidhi {intuu garabka saaxiibkii gujiyey saxiib dhaqanka Dibqalooca waa inuu wax qaniino anigana dhaqankaygu waa inaan debecsanaado oo naxariisto oo dulqaato, markaa ma ogolaanayo in dulqaadka iyo naxariista iyo debecsanaanta ay ka adkaato qaniinyada iyo cadhadu , maxaadse adigu u rabtaaa inaan dabeecadiisa ku raaco cadhada ah oo dabeecadayda aan bedelo?

Xikamda Qisadan ku jirta

§  In aan lagula dhaqmin dadka dhaqanka xun dhaqankooda oo kale.

§  In wixii xumaan ah ee cid kale kuu gaysato lagaga jawaabo wanaag.

§  In dulqaadku uu yahay ka badbaadinaya dadka kale ee kula dagaalamaya.

§  In cidii ku qaniinta gacantaada aad ku siiso cuntada .

§  In cidii qodax kuu daadisa adigu aad gogol u fidiso.

§  Isku soo wada duubo odaygan xikmada badani wuxuu ina baray cashar la yidhaaho (cidii ku xumaysa wanaaji ,cidii sun ku siisa subag waraabi}

Akhriste is waydii dulqaadkaagu ma yahay mid aad cafido cidii ku xumaysa mise waxaad jeceshahay mar kasta inaad ka aargoosato.

Bal aan isku dayno dhamaanteen inaan dabeecadeena wanaagsan kula dhaqano cidii ina xumaysa.

Waa inoo mar kale iyo qiso dhab ah.

W/Q Hussein Jama Guudcade


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply