fb

Muslimiinta oo ka digay Filim dhawaan lasoo saarayo!! (Muxuu yahay bal Wax Ka Ogoow)

Published: March 10, 2014, 10:40 am

Dalal iyo Hey’ado Muslimiin ah ayaa aad uga carooday Filim cusub oo la filayo inuu dhawaan soo baxo, kaas oo loogu magac daray NOAH, loolana jeedo Nabi Nuux (NNKH).

Hey’adda way nee Al-Azhar oo Masar ku taala ayaa codsatay in la joojiyo Filimkan lagu jilayo Shaqsiyadda iyo Magaca Nabiga Alle ee Nuux.

Bayaan ay Hey’addu soo saartay oo Nuqullo ka mida ay Warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in Filim kasta oo lagu matalayo Nabiyada Alle, Saxaabadii Rasuulkeena Muxamed iyo wax kasta oo Sharafta Islaamka wiiqaya ay yihiin kuwo aan habooneyn in lasoo bandhigo.

Filimkan waxaa Jilaaga Koobaad ka ah Raasil Karu, waxaana lagu waday in Bishan dhexdeeda lagusoo bandhigo Goobaha Aflaamta lagu sameeyo ee Mareykanka, inkastoo arrinta ay iminka Dad badan oo Muslimiin ah ka ashtakoonayaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply