fb

Mucjisooyinka Waayaha QiSo Cajiib Ah Oo Kugu Filan Cibro Qaadasho & Qalinkii WaaSuge”. !!

Published: March 6, 2014, 12:00 am

Maalinba Wax Baad MaQashaaye Bal Maantana Maxaan Idiin Sidaa Saaxiibada Qeymaha Lahow.

Aduunyadu waa maalmo qura balse macno fara badan leh waxaa hareeyo mowjadu kale ceyn ah kuwaas oo dhamaanba saaameeya aadanaha ku dhax nool, hadaba aqristoow bal ila aqri qisdaan cajiibka badan.

! BILOW: Ma fogeyn markii aya aalada hawada ama internetka iska barteen jimcaale iyo ruun oo waxay aheed daba yaaqadii sanadkii na gudbey ee ‘2013’ balse waxa aay noqdeen laba qof ee isku yeeshey saamayn baaxad wayn taasina waxa aay sahashay in la iska sal gaaro qofka qofka kaleeto taariikh ahaan.

Maxumeyn ujeedkooduna waxa uu ahaa is hubsada si aad haasaawahiina uga mira dhalisaan, ajandahaan ugubka ah ee dareenka hawada ahi udub dhaxeedka u yahay waxaa hormood ka ahaa jimcaale oo ruun mar walba u sheega inuu u qaaday jaceyl dhab ah, waxuu ku cataabayaa mar hadaan ku heli lahaa waa hodmi laa.

Inkastooy ruun isku deydey in aay ka bad baado jaceylka ka beerma hawada oo maalmahaan danbe dadku aad u hadal hayaan kuma aaysan guuleysan muuqifkeedi ee waa looga itaal roonaadey fakarkeedu qunyar socodka ahaa ugu danbeytiina waxaa loo dhaadhac yeeley aqbalaada arjigaan soo noq nqonaya malmahan.

Hagaag: halkaa aanu ka anba qaado xariirka ka dhaxeeyey ruun iyo jimcaale kadiba wada hishiiskoodi waxa aay ku kale nool yahiin laba dale e dhaca Africa iyo yurub balse marka la is doonayo waxaad moodaa in aanba la dareemin dhulka baaxada wayn leh ee u dhaxeeya hadba dalalka lagu kale nool yahay oo la saqirto.

Aqristaha kobciyemedia.com xaalku waxuu taah iyo taleefoon la isu diro ahaadaba waxaa kordhey isu baahnaashadoodi midba midka kale waxuu ku dhiira galiyaa samir waxa inoo haray baa yare, laakin waxaa jirey oodin iyo een u gaara jimcaale balse aaysan ogayn ruun.

Aan kuu sii bayaanshee sababtu waxa weeye in jimcaale lahaa xaas kale oo ku mahersan balse wali aan u guri tagin, in kastoo ahaa abaabul dhanka waalidka ah hadana jimcaale aad buu soo dhaweeyey oo wax dhib ah kuma qabin maherka dhax maray asaga iyo ina adeertii maymuuna. !

Waxaa intaas kuu sii dheereed in ruun iyo maymuun isku meel joogaan waloow magaaladu u kale duwan tahay, xaalku intaas ha inoo jooge bal aan dib u milicsano halka uu salka dhigi doono jaceylkii hawada. ?

Ruun waxa aay ku gacan sareeysaa jaceylka hawada oo si dhab ah ayuu u haleeley nafteeda haatan waxa aay codsaneysaa sidii dhab loogu kulmi lahaa, waxa aay ka baaran dageysaa qaabka ama wadada ugu sahlan oo aay kula kulmi karto jimcaale, waxaana dhacdo in inta badan la,isu soo hadal qaado arimaha safarada.

Jimcaale waxaa usoo gaba gaboobey dibad yaalkii oo markaan waxaa saaran cadaadis ku aadan guurkiisii aad buu ula dhacsan yahay waxuuna bilaabaya ol olo ku wajahan arooskiisa, waana sababta uusan inta badan maalmahaan waqti ugu haynin ruun oo ayadu ah qabaar moog isla markaana qorshaheeda kooraha saartay.

Waxuu xaalku sidaas ahaadaba waxaa la gaaray gaba gabadii iyo guurkii ‘Jimcaale Iyo Maymuun’ waxaana bilaabatay sida caadada aheedba in laysu soo digo oo dad badani kasoo qayb galaan xalfadii arooska ee loo qabanayey lamaanaha kala maqan balse haatan isu ula guranayo, dabcan dadkii nasiibka u yeeshay helida warqadahii casuumaada waxaa ka mid ah ‘Ruun’ oo aanba filayn xaaladaan iyo xujadaan jawaabta lahayn.

Waxii la is diayaariyaba waxaa la soo wada xaadiray hoolkii arooska waxaana bilaabatay xafladii iyo qoob ka cayaarkii, intii garaneysay iyo intii ku soo daba dugaashayba waxaa loo hambalyo geynayey maymuuma xili aad loogu wada duceeyey in arooskoodu noqdo ‘Naggi,naq iyo waliba raasimaal aan ebedkii rafaad arag.

Gaba gabadii xaflada waxaa isku daba dhacay farxadii waxaana eheladii jimcaale qaar ka mid ah dibada usoo saareen sawiaradiisa si dadka u martaaqiyaan qofka dhab ahaan u calmaday maymuun, dadkana uga bartan balse waxuu ahaa waran loola bareerey ruun oo mar qura korantadu ka tagtay maadama aay indhaha saartay qaar ka mid ah sawiradii hadiyada loogu soo direy ayada oo ahaa jaceylkeedii hamigeedii iyo waliba rajadii aay ifka ka sugaayey, ayadoo wal walsan aadna u naxsan bey yara dibada u baxdey waxa aayna wacdey telkii jimcaale si aay iskugu hubiso mindida meesha xun ka haleeshay balse nasiib daro waqti taleefoon lagu qabo ma haayo jimcaale oo waxuu mashquul ku ahaa faaqidaada arooskiisa iyo wacitaanka hadba qofkii mudan.

Ruun lama filaan ayeey uga soo carartay goobtii farxada hal haleel ayeey gaariga ugu soo dhacdey soona xawaara ka xeeysay waxa aayna baroor iyo ooyin aan cidi la ogeyn la dul fuushay sariirteeda ilaa iyo xad.

Jimcaale oo goor danbe u heley fursad inuu ka jwaabo wacitaankii ruun ayaa asaga oo aan ogayn in laga war qabo soo wactamay waxuuna bilaabay sidii caadada u aheed hadal macaan iyo erayo kicin jirey dareenka dhabta ah ee ruun, balse waxaa loogu jawaabay illin qubata iyo waliba habaar iyo waxaan kuu daayey nabsi.

Sidaas ayaana lagu kala tagay oo qofba taleefoonkiisi meel ugu tuurey, qisadiina ku idlaatay saaxiib xor u noqo fakarkaada iyo waxii talo ah oo aad siin laheed ruun iyo dhamaanba dadka jaceylka beenta ah ku abuura dadka, hadii aay ahaan laheed wiil ama gabarba.

Ugu danbeeytiina u duceey walaashaa ruun. ! Qalinkii waasuge isbuucaan intaas ayaan kaga hari roonaa inta aan ku kulmi doono mid la mid ah qisadaan waa bahda KobCiye.Com Iyo Saaxiibkii WaaSuge oo idin wada leh ‘Wanaagu Marnaba Ma Dheeliyo’. !!

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Ruun

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply