fb

Ila Qosolka Jimcaha Sheeko Si Aad Ah Kaaga Yaabin Doonto Welibana Dhamaadka Si Xad Ah Kaga Qoslin Doonto.

Published: March 14, 2014, 12:53 am

Sheekada Nasashada Isbuuca Waxaan kasoo dhex qabanay keydka madadaalada kobciyemedia.com…

Nin dhalin yaro ah baa is dili rabay waxaa arkay oday da’a ah odaygii baa weydiiyay waxa uu isku dili rabo markaasuu ku yiri adeer waa arin aniga iyo famil keyga na haysata marka xal baan u heli waayey sidaas darted baan isku dilaayaa.

Odaygii baa ku yiri bal aniga ii sheeg intaan kaa wenahay baan kaa waayo aragsanahay aduunkaana waxaan xal loo heynin malaha e bal imaqashii qisadaada wiilkii baa soo booday wuxuu yiri waxaan guursaday islaan laga dhintay oo wadato gabar qaan gaar ah oo aabahay markaan u sheegay wuu iga aqbalay.

Balse markaan islaantii guursaday ayuu isagiina gabadheedii guursaday marka inantu waa inanteydiii oo xaaskaygaa dhashay marka saas ayaan ku noqon abahay sodogiis marna inantedii baa aayadey noqoneysa oo aabhay baa qaba markey islaanteydii dhashay wiilka ey dhashay marna waa wiil kayga oo anaa dhalay marna waa adeer key oo aayadey buu la dhashay isla wiil kaygii aabahay mar awoowe ayuu u yahay ileen anaa dhlee marna waa seedigiis oo xaaskiisa ayuu la dhashay.

Aabahay islaantiisii markay dhashayna wiilkii marna waa walaalkey oo aabahay ayaa dhalay marna waxaan u ahay awoowe ilaan xaaskeyga gabadheedaa dhashay walaalkeey gabdhayda adeerkeed waayey marka wiilkii baa saas ku noqday hooyadiis adeerkeed ileen waa walaalkeye.

Wiilkeygi baa hadana baa abti ii noqonaayo ileen waa walaal key abtigii hadana xaaskeygii baa ayeeyo ii noqoneyso oo waa walaalkeey ayeeyadiis.

Markuu intaas marsiinaayey baa odaygii soo booday oo ku yiri bes waan ku wareeray ee bisinka noo qabo aan is wada dilnee………………………………..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply