fb

Hadii Aadan Muddo Badan Farxin Sidee Ayaad Kusoo Ceshan Kartaa Farxadaadii Ama Aad Ugu Noolaan Kartaa Farxad…

Published: March 6, 2014, 11:48 am

Umadaha soomaalida waxey u bateen dad ku dhex nool mowjadaha murugta iyo farxad la’aanta, intooda badan waa dad aad u fikira waxaad arkeysaa wiil aad u da’yar oo hadana murugo iyo fikir ku nool asagoo ku jiro da’dii farxada uu ku noolaan lahaa qoysna yagleeli lahaaa.

Hadaba manta anigoo ah kalafoge waxaan halkaan kobciyemedia.com idiin kugu soo gudbinayaa qodobo gaagaaban oo qofka ku heli karo farxad ama iloowsiinayo murugta.

Qodobka Koowaad Isku day inaad caawiso dadka kaa awood liita, caawi dadka faqiiriinta ah ee tuugsanayo waxbana haaysan hadii aad labo shilling haaysato isku day inaad hal shilling siiso dadka masaakiinta ah oo aad caawiso qalbigaga waxey u horseedayaan farxad iyo nuur.

Qodobka Labaad asxaabtaada ama dadka aad sheeko wadaaga tihiin markaad wakhti fiican isku heshaan ka codso iney kaaga sheekeeyaan wakhtiyadii ugu farxada badneyd intey noolaayeen, in badan oo aad maqasho sheekooyin ku farxad geliyo taasina waxey kaa yareysaa murugta ku haayso.

Qodobka Sadaxaad Markii aad dareento farxad la’aan haku dhaqaaqin dhageysiga heesaha ama daawashado aflaanta anshaxa xun si aad iskugu madadaaliso waayo intoodaba markii aad daawashadooda dhameysid waxa kugu bilaabanayo murug balse isku day inaad soo weysasato salad suno ah tukato kadibna qur’aanka kareemka akhrisato ama dhageysato waa hubanti in qalbigaga is furfurayo lakin marka hore haka caajisin nafta ku dhib.

Qodobka Afaraad Isku day inaad wakhti siiso caruurta ha noqdeen kuwa aad dhashay ama kuwo kale waayo caruurta waxey ka sameysan yihiin farxad maba garanayaan murugta la ciyaarida iyo la sheekeysiga caruurtana waxey ku iloowsiiyaan murugadii aad dareemeysay.

Qodobka Shanaad naftaada ku dhiiro geli waxyaabaha wanaaga leh oo idil waayo ALLE aad u dhawaato qalbigaga waxad usii dhaweysay farxad iyo nuur aan dameyn, sidaa awgeed ku dadaal salaada iyo dikriga ALLE hana fududeysan arinkaasi.

Intaasi ayaan kusoo koobeynaa manta sida qofka uu farxadii ka luntay uu dib ugu soo ceshan lahaa inkastoo aay jiraan qodobo kale oo dheeri ah balse waxaan maskaxdeyda kazoo dhex xulay qodobo aan is dhahayo waa u muhiim qofka doonayo inuu farxad ku noolaado, Xusuusnoow qofka farxada aay ka bilaabato oo abuuri karo waa adiga hadii aad asxaabtaada murugo ku qaabisho ayagana wey murugoonayaan hadii aad farxad ku qaabishana wey kula farxayaan…

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”…


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply