fb

Habkee Hooyada Soomaaliyeed Ugu Bar-baarin Kartaa Caruurteeda Tarbiyada Wanaagsan?

Published: March 13, 2014, 10:53 am

Waxeynu ognahay in ay habluhu yihiin udub dhaxaadka bulshada, ayna yihiin kuwo soo saara ilmaha wanaagsan iyo waliba ilmaha xun, hadaba wadadee ama habkee ayey ku soo saari kartaa caruur leh dhaqan ama dabci wanaagsan kuna  saleeysan  tarbiyada islaamka ?

Hadii aynu isku dayno in aan wax ka sheegno su’aasha ugu horeysa ayaa waxa ay tahay: ma tahay hooyadu qof wax ka garaneysa diinta islamka ? hadii ay jawaabtu tahay “Haa”

Waa wadada ugu fudud ee ay ku soo saari karto caruur leh tarbiyada wanaagsan ayadoo adeegsaneysa talaabooyinkan:

Ugu horeyn ilmaha yari markii uu soo hana qaado waxaa la doonaya kalimadda ugu horeysa ee aad bareyso in ay   ahaato  (ALLAAH)   oo aadan barin wax yaabaha xun-xun sida” Bax”

Markii uu u soo gudbo ilmaha yari da’da shanta sano ah waxaa la doonayaa in aad barto sababaha dunidan loo keenay iyo in uu yahay addoon ilaah, lana doonayo inuu allahiisa caabudo (waa in aad ilmaha yari u sheegtaa arimahaas malin waliba ugu yaraan labo illaa seddex sacadood) una sheegtaa inuu ixtiraamo labadiisa waalid.

Marka xiga waxaa loo baahan yahay  ilmaha yari in aad la sheekeysato  oo aad kaga sheekeyso Rasuulkena Muxamad(NNKH) iyo waliba saxaabadiisa (loomana baahna in aad mar waliba kaga sheekeyso dawaco iyo libaax  maxaa yeelay wax faa’iido ah oo ugu sugan ma jirto.

Intaa kadib  waxaa loo bahanyahay dugsi lagu barto quraanka kariimka ah in la geeyo caruurta.

Waxaana muhiim ah in ilmaha yari aadan ku cabsiin markii aad dugsiga u direeysid oo aadan kaga dhigin xabsi iyo waxyaabo laga cabsado waa in aad ugu nasteexeysaa.

Xilligani waxaa la doonayaa in aad barto la dhaqanka  ardayda ay wada dhigtaan dugsiga una sheegtaa in ay yi hiin walalihiis oo kale.

Waa in aad mar waliba u sheegtaa in uu ixtiraamo macalinkiisa una garadsiisaa in uu macalinku yahay aabihiisa  labaad uuna u ixtiraamaa sida waalidkiis.

Waa in aad ilmaha yari u sheegtaa in dulmiga ama gardarada  ay tahay dambi aad u weyn  una sheegtaa gardarada ciribteeda danbe  ama natiijadeeda ay tahay qasaaro.

Ilmaha yari la sheekeeyso xiliyada uu dugsiga ka nasanayo.

Waa in aad u sheegtaa in uu ixtiraamo dadka ka waa- weyn uuna u adeegsado erayo wanaagsan marka uu u yeerayo ama marki ay u yeeraan

Ugu dambeyn haddii aad adeegsato wadooyinkan waxaa hubaal ah in uu noqonayo ilmaaha yari  ilmo aad u waanagsan  kuna dhaqmo dhaqan wanagsan kuna tarbiyeeysan tarbiyada  islaamka insha’allah, inkastoo aynan ku e ken talaabooyinka ama wadiiqooyinka la adeegsado  balse ay jiraan habab badan oo loo adeegsado tarbiyada waangsan ee caruurta.

Hadaba hooyo fadlan isku day sidii aad ilmaahaga yari ugu tarbiyeeyn laheyd dhaqan wanagsan oo ku saleysan diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomalida.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply