fb

Gabaryahay sidee Ku Kasban kartaa Kalgacalka Sodohdaa??!!

Published: March 12, 2014, 1:40 pm

Waxey noqotay maalmahan dambe mid la hadal hayo xiriirka ka dhaxeeya gabadha la qabo iyo sodohdeeda waxeyna noqotay mid warbaahinada qaar ay buun buuniyan hooyada iyo gabadha wiilkeeda uu qabo lagana sameeyo aflaan iyo sheekooyin aan fariin wanaagsan gudbuniyen buun buunintaa ayaa gaartay heer gabadha caruusada ay ka fakarto sidii ay ula dhaqmi laheyd sodohdeeda oo ay kaga dhiganto in ay goob dagaal u sahay qaadaneyso.

Hadaba gabadha muslimada ahay ha u arkin xumaan jaceylka nikaaga u jecel yahay waalidkiis maxaa yeelay waa mid uu eebe ku galadeeystay maadama ay yihiin dadki soo barbaariyay qofka aad ka doortay dadka oo idil  nololna aad la wadaagtay naftaadana u hebeeysay, waa in aad ku baraarugsanata in ay yihiin dadki kuso barbaariyay  shaqsiyad wanaga iyo kartida aad ku xulatay la’aantoodna heerkaas uusan gaari laheyn,

ma suureysatay gabadha muslimada ahey suurta galnimada  nolasha ay ku dhismi karto amarka alle oo la jabiyo  sida xiiriirin la’aanta ahelka ama in uu caasi ku noqdo waalidkii isagoo raadinaya raali galintaada inanyahay hadaad rabto in aad rabigaada raali galiso farxad aduun iyo aakhirano aad hesho una kasbato in uu dhismo gurigaada kula dhaqan sodohdaada siyaabahan soo socda:

  • ha iloobin waajibka kaa saaran qoyska seeygaada , soo booqo oo kala qeyb gal munasabadaha qaar, ixtiraam waalidiinta iyo qaarabada seeygaada gaar ahaan mudnaanta 1aad sii hooyadiis ,aabahiis iyo walaladiis si uu ninkaaga kuu jeclaado.
  • kusoo dhawee qoyska seeygaada soo dhaweyn tan ugu diiran,  isku day munaasabadaha qaar marki aad kala qeyb galeyso in aad wax u hadiyeeyso.
  • kaa saar niyadaada oo iska ilaaw aragida qaldan ee aad ka aaminsan tahay sodohdaada xitaa hadii aad qalad ka dareento ula dhaqan sidii aad hooyada ula dhaqmi laheyd
  • xumaan waliba oo idin dhexmarto ha ugu sheekeyn ninkaaga
  • hadii aad aragto seeygaada oo ka gaabiyay xaquuqda ay hooyadii ku laheyd ku dhiira gali  in uu u baari noqdo
  • ha ka dhex galin ama haka hadlin waxyaabo uu ninkaaga ugu tala galay hooyadii in aad kusii dhiiri galiso mooyane mar waliba in uu ku dadaalo in uu hooyo xiriiriyo wax wanagsana oo farxad galiyo uu u sameeyo.
  • gabadha caqliga badan waa gabadha ninkeeda ku kasbato dhaqanka wanaagsan ay kula dhaqanto qooyskiisa gaar ahaan hooyadiis
  • ilmahaaga ku tarbiyee oo bar iney ixtiraaman ayeeyadood una baari noqdaan kuna abuur qalbigooda kalgacalka sodohdaada
  • u tanasul seeygaada hooyadii hadeey ay dhacdo in ay iska horyimaadan rabitaankaada iyo sida kaa duwan ay iyada wax u rabto waana hubaal hadii ay dareento ixtiraamka iyo weyneynta aad weyneyneyso iyana ay kuu tanasuli doonto kuuna ixtiraameyso gabadheeda curada oo kale

Ugu dambeeyntii gabadha muslimada ahey mar waliba ugu yeer “Hooyo”   waxaadna  ogaata sodohda in ay tahay hooyadaa ay qof kuu hadiyeeysay hadiyada ugu qaalisan ee dunida oo ah seeygaada.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply