fb

Gabar dhalinyaro ahayd oo maanta si xun loogu dilay Magaalada Muqdisho

Published: March 10, 2014, 11:18 pm

Rag bistoolado ku hubeysan, ayaa waxay maanta si arxan daro ah ay Magaalada Muqdisho ugu dileen mid ka mid ah gabdhaha ku dhaqan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Xafsa C/nuur Maxamed, ayaa waxaa lagu dilay agagaaraha gurigooda oo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay rasaas la dhaceen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggaan, ayaa madaxa rasaas kaga dhuftay Xafsa C/nuur Maxamed, xilli la sheegay in ay gurigooda ka soo baxday, ayna ku sii jeeday Xarunteeda shaqo.

C/nuur Maxamed oo ah aabaha dhalay gabadha la dilay, ayaa wuxuu sheegay in gabadhiisa ay ka shaqeyneysay Waaxda Xisaabaadka Guud ee Dowladda Soomaaliya.

Aabe C/nuur, ayaa wuxuu sheegay in gabadhiisa loo dilay iyadoo ka shaqeyneysay Waaxda Xisaabaadka Guud ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Aabahaan, ayaa wuxuu argagax ka muujiyay tallaabada foosha xun ee maanta lagu dilay gabadhiisa, iyadoo aysan jirin buu yiri dad ay dhibaato u geysatay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply