fb

Funaanada ay Man United xiran doonto xagaaga dambe oo muran ka dhalisay aduunka (Sabab)

Published: March 10, 2014, 10:27 am

Muuqaal laga helay shirkada Mareykanka laga lee yahay ee Chevrolet oo muujinayay funaanada ay Man United ku ciyaari doonto xagaaga soo aadan ayaa dood ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

Funaanada Man United ayaa laga tiri doonaa magaca AON marka uu dhamaado xagaagan waxaana ay United funaanadeeda ku qoran doontaa Chevrolet.
Muuqaalkan cusub ee funaanada United ayaa dhexda kuwadata shaabad muujinaya caalamada diinta Christian-ka  taas oo dadka ka faalooda ciyaarta kubbada cagta ay aaminsan yihiin ay yareyn doonto qiimaha funaanadan ay ku leedahay meel badan oo dunida muslimka ka mid ah.
Inkastoo shirkada Chevrolet aysan wali si rasmi ah u sheegin in funaanada sidan loo dhaafi doono hadana United oo ah kooxda ugu shacbiyada badan qaarada Asia oo ay muslim badan ku nool yihiin ayaa lumin karta macaamil badan hadii ay xagaaga dambe ku ciyaarto funaanadan.
Man United ayaa sanad walba ka qaadan doonto shirkada Chevrolet aduun dhan £25million.

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply