fb

Damqashiyo il naxariis igu daawo gabadhyahay! Dhambaal jacayl! Qalinkii:Abwaan Xasan “Timacadde”

Published: March 10, 2014, 11:03 am

Anigoo kula jooga ayaan ku tabayaa! Anigoo kula hadlayaan kuu hiloobayaa! Ma aqaan! Ma garanayo siday ku dhacdaye waxaad igu beertay dareen aad u xooggan oo aanan garanayn qaab aan u cabbiro ama usoo bandhigo! Haa waan kala fognahay, isuma dhawin! Hadana daqiiqad qudha kama baxidid qalbiga, wuu ku xusaa, ku xusuustaa, had iyo jeer wuu kaa fikira kuna raaxaystaa inuu markaa adiga diiradda ku saarayo qalbigu.

Ma aqaan sidaan durba edegta jacayl kuugu galay gabadhyahay! Waxaan hubaa un inaad tahay mucjiso la yaab leh! Inaad tahay muuqaal qurxoon oo naftu naawishay! Inaad tahay higsi iyo ilays ii baxaya! Ma aqaan wax aan kugu misaalo! Kaliya un waxaan hubaa qof aan kugu doorsan lahaa inuusan joogin dunidan! Helitaankaaguna ii yahay farxad iyo naruuro aan dhammaan oo wadata hididiilo nolol farxad leh.

Haa waan ku jeclahay, ma garanayo in aad sidoo kale tahay iyo inkale! Laakiin jeclaan lahaayaa inaad qalbigayga arki karto! Oo daalacan karto xusuusta iyo xiisaha kuugu keydsan iyo kalgacalka kuugu beeran!

Sideen idhaahdaa dareenkan I waalay? Sideen u maareeyaa naftan adiga kuu xidhan? Sideen u maamulaa maskaxdan adiga kugu waalatay?
sideen .sidee.. su’aaluhu badan!

Subax walba waxan  doonaya inan arko fariimahaaga! Waxaan doonayaa inaan daawado muuqaaga lagu xardhay laabta! Waxaan doonaya un inaan kula hadlo! Waxaan ahay mid ereyga qudha ee aad ku tidhaa qalbigiisa ku sii shidayo dhinbilo jacayl! Waxaan tamar ka qaataa hadalkaaga! Waxaan ahay naf kuu nugul naf ku naawishay ¦.naf kaa dooratay dumarka dunida oo dhan!

Waxaad tahay hillaac ka baxaya meel aad iiga fog! Hadana iiga dhow meel kasta oo ishu qabanayso!

haa, haa ¦kuma hilmaami karo, kuuma cadhoon karo wax walbood igu samayso! Kaama fogaan karo waayo dareen iga awood badan baa igu kaa nabaya!

haye aramidu u dheer tahay ..Ma addoonsanaysaa??!!

waan ka xumahay, isma lahayn wax badan qor laakiin sow ma ogid inaad adigu maskaxda maamushidba? Anigoo ku jecel, ku jeclaa, kuna jeclaan doona abid intaan noolahay ayaan waxan ku leeyahay:

Dal Fog baan ku noolahay,

Misna doonta caashaqa

Dacal baan ka saarnahay!
damqashiyo il naxariis

Igu daawo gabadhyahay!

Alle waxaan ka baryayaa inuu isu kaaya calfo inagana dhigo kuwi lagu hodmo oo awlaad baarri ah kala hela nolol wacanna ku noolaada. aamiin.
Salaama Alla!
naftii aan jeclaadaay,naruuriyo barwaaqiyo nabad iigu noolow!!!!

___________________________________________

Address:

Xassan cabdullaahi Xaashi “Timacadde”

Hassanhashi2010@hotmail.com

+251915192625

Jijiga D.D.S.I


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply