fb

Daawo:- Qiso Cajiib Ah Ninkii Guursaday Asoo Ka War Qabin Hooyo 8 Carruur Ah Horay Usoo Dhashay.

Published: March 7, 2014, 10:52 am

Nin 37 jir ah ayaa xaaskiisa iyo canug 10 bilood jira oo uu dhalay ku dilay countiga Kisumu ee dalka Kenya ka hor inta uusan isaga qudhiisa is dilin.

Ninkani ayaa sidoo kale isla goobtaasi ku dilay haweeney ka shaqeyneysay gurigiisa, isagoo meydadkooda ku daadiyay war ka ag dhaweyd gurigooda, taasoo uu markii dambe isna isku tuuray.

Meydka ninkan oo lagu magacaabo Fredrick Muindi ayaa waxaa helay dadka deegaanka oo biyaha dhexdooda kasoo bixiyay.

Muindi iyo xaaskiisa oo magaceeda lagu soo koobay Eunice ayaa la sheegay in uu mudo dheer u dhexeeyay qilafaad xaga qoyska ah.

Dadka Qaraabada la ah ayaa sheegay in ay is guursadeen sanadkii 2013-ka isagoo aan ka war qabin in ay tahay hooyo 8 caruur ah dhashay oo uu ninkeedi hore dhintay.

Ninka mashaqadan geystay ayaa horay iskugu dayay in uu is dilo, isagoo isku tuuray wabiga Nyando, hase ahaatee waxaa markaasi badbaadiyay dad xoolo dhaqato ah.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka..

Dadka Deegaanka Oo Tilmaamayo Geedkii Uu Isku Marjiyay Si Uu Isku Dillo

Dadka Xaafada Oo Saxaafada Tusayo Webigii Uu Ku Riday 3 Qof oo Qoyskiisa Kamid Aheyd..

man_kills_3_family_members_commits_suicide17698_L


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply