fb

Cajiib:- Waayahaan Danbe Maxaa Dumarka Kusoo Kordhay Raggana Maxaa Kusoo Kordhay..!!!

Published: March 11, 2014, 10:27 am

Aduunka maalinba maalinta ka danbeyso waxbaa soo if baxaya soomaalidana waxey aad u xiiseeysaa caalamka iney la jaanqaadaan balse waxa cajiibka ahi ayaa ah in soomaalida caalamka aay ka eegato waxyaabo ku cajab gelinayo kama eegato kagamana dayato wax dalka hormarinayo.

Hadaba sikinba sikin, daqiiqadba daqiiqad, saacadba saacad, maalinba maalin, bil walbo bil usii dhiibtay wakhtigu wuu soo dhaqaaqay waxaanu soo dul istaagnay sanadka 2014ka kaasoo is badal weyn ku reebay soomaalida qaasatan dhalinyarada isugu jiro rag iyo dumar.

Waxaa jiro arimo badan oo waayahaan danbe raga iyo dumarka is bedel ku keenay aanu ku hor marno dumarka soomaaliyeed iyo waxyaabaha is badalka ah ee shabakada kobciyemedia.com aay ku aragtay sanadkaan dhexdiisa.

1- is badalka koowaad ee la taaban karo ayaa ah in sanadkaan iyo kii aan soo gudubnayba aay dumarka lasoo If baxeen isticmaalida loo yaqaano smartphones teleefanada caaqilka ahi, dumarka ayaa wakhtigaan la joogo aad u nacay teleefanadii hore ee Nokia ayagaa hada aad u xiiseynayo Samsung Galaxy teleefandii hore hadii aay boorsada yar aay wataan ku ridan jireen manta teleefano kuwii ka waaweyn ayaa gacanta lagu qaatay.

2- Is badalka labaad ee dumarkeena ku yimid ayaa ah mid weliba ineey aad u jeceshahay iney noqoto gabadh caato ah, waxey dadaal xoogan ugu jiraan kuwii cayilnaa sidii aay ku caatoobi lahaayeen hadey doonaan jiim ha aadeen ama dawooyin ha isticmaalaan dumarkeena intooda badan ayaa cayilka nacay oo sanadkaan dumarkii oo dhami waxey aad u doonayaan iney noqdaan mid caato ah tolloow ma raga ciladaasi keenay garan maayee.

3- Isticmaalka aaladaha lagu xiriiro, dumarka soomaaliyeed waagoodii hore waxey aad u xiiseyn jireen msnka balse haatan waxey u go’een aalado aay u horeeyaan FaceBook iyo Skype kuwo qaar baaba dantoodii ku gabay isticmaalka aaladahaasi taasina waxey ka mid tahay is badalka ku yimid dumarka soomaaliyeed.

4- Jaceyl kasto oo dumarka loo bandhigto wakhtigaan la joogo si sahal ahi kuma aqbalaan hadii aay aqbalaana jaceyl qalbiga ka yimid kalama kulmeysid ee waa mid daneysi lee, dumarkii soomaaliyeed oio dhan waxey ku ilbaxeen raga soomaaliyeed oo qayaano ula taagnaa, hadii waagii hore dumarka la qayaani jiray wakhtiga aan joogno ayagaa intooda badan raga qayaano taasina waa is badalka kusoo kordhay dumarka xiliyadaan danbe.

Intaas ayaan kusoo koobayaa qormadii gaabneyd ee aan ugu tallo galay isbadalada soo if baxay, beri haduu eebe idmo waxaanu ka hadli doonaa isbadalka ku yimid raga..

Akhristoow adigana maxaa is badal ah oo aad ogtahay kuna yimid dumarka soomaaliyeed dhanka hoose inoogu reeb fikirkaaga.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply