fb

Biyaha Afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada “Qisadii Xikmadeysneyd Ee Dhex Martay Xaajiga Iyo Marwadiisii”

Published: March 8, 2014, 12:02 am

Amuuraha aduunyada ayaa iska badane, bari ayaa nin iyo afadiisii mahadho dhex martay, duqa reerku waxuu ahaa waayeel  kaalintii raganimo, Odaynimo iyo masuulnimo si wacan u qaatay kana soo baxay xilkii uu  20 Gu’ ka hore ku gudoomay geedka hadhka weyn ee gabdhaha beesha lagu kala gudoomo.

Xaaji Casar waa dhaqan yaqaan in badan laga yaqaan deegaanka beeshu dagto, waxa loogu xusuustaa Gartii uu laba Gu’ ka hor ku xaliyay khilaaf soo kala dhex galay lab raasoo ood-wadaaga ah, waa waayeel sayn cadaa ah oon dabadii hadal la furin, Malaha taas waxa xan hoose lagu yidhaa laguna majeertaa talada iyo garashada dheer ee afadiisa caqliga badan ku siiyo guriga.

Xaaji Casar & dahabo cadar  maalintii loo mashxaraday ilaa maanta oo tintu cadaatay khilaaf sooma kala dhex galin iyagoo taas in badan ku mahadiya Eebe. Reer Casar waa qoys  maal aduun leh, guunyo xoolaadna bixinteeda aan lagu xaman, Dahabo cadarna gacan furnaanta odaygeeda waa mid ku dhiirisa mar walba,  hadaba amuuraha aduunyada ayaan meel kaliya loogu soo hagaagine Iyadoo lagu jiro xili jiilaal ah xoolihiina badankooda loo kala keexyay halkii naq lagu ogaa, reerkiina ay isgu soo hadheen casar iyo xaajiyadiisii  xagaagii hore xajka ka soo noqatay ayaa mar kaliya ay soo baxday lama filaan faalo badan ku reebtay maanka xaaji casar.

Hinaase rag maaha, dayac xooladna maaha, dumar saluugoodna maaha, haddaa muxuu xaajiga qoonsaday?  Waydiin kali ku noqtay maanka xaajiga ayay ahayd waayahan ? waa dayro u muuqtay baryahanba xaajiga, waxuu saluugsanaa caanaha laga liso xoolaha habeenkii xerad soo gala, tiro badnaantooda iyo tayo yaraantooda ayaa isu qaban la’an, dabcan waa jiilaal oo xaajiga xisaabtu kama qaldamin ee dayro kale ayuu meesha uga muuqdata, Soomalidaa tidhaa “ Kor waayeel waa wada indho”   tuhun baa u galay sida caanaha laga yeelo habeenkii, talo waxuu ku gooyay in uu arinka baadhis ku bilaabo. Guddi baan u dirayaa ayaa ka dhacday…!!

Gashaantimihii reerka u xooga ahaa aroor xoolaad ayay ku maqan yihiin goortan odayga tuhunku saaqay, yeelkeeda xaajigu xaajada kuma dagdagin eedna dusha kama saarin islaantiisan ay waayo badan soo wada mareen, Fikir iyo falanqayn ka dib waxay xaajo fadhiisatay in xaajigu badheedho oo si cad ugu sheego saluuga caanaha habeenkii ay soo listo iyadoo ay barigii hore ka badnaan jireen sidan, wuxuu u bandhigay su’aalo jawaabtoodu adagtahay,  waxuu yidhi “ naa dahabo caanahan xoolaheena maxaa ka si ah, sidan may ahaan jirine, xoolaheenana biyo iyo baad kama maqnee?  Igu wale in wax jiraan xoolahan qurxudaa leh caano lagama waayine…!! mise adigaa xerada ku dhex caba caanaha? ma xoolahaad gaagixisaa? Sidee waxa u jiraan?  Waa su’aalo ay adgatahay in sodohi maanta ka jawaabto hadii odayga reerku  soo qadimo oo biilkan markaba madhanaya waxa iska waydiiyo? Malaha qaar baa warqadaba dalban lahaa hadii intaas la yidhaa, ama bakhayl gacantii go’day ah ku sheegi lahaa. bal u fiirso sida aanay u dagdagin xikmadana leh ee ay odaygeeda uga qancisay.  dahabo cadar waa marwo gaari ah oon gurigeeda dumarka ka faaruqin.

Dahabo oo odaygeeda qancinaysa ayaa ku tidhi ‘’ xaaji dee wakhtiga aynu ku jirnaana waa jiilaal oo xoolaheenii kala badhba caano lagma dhiijiyo oo sidaas ayay u caano yareeyeen ee bal shaydaanka iska naar, hadii aan cabona lamaan dhuunteen hortaada ayaan ku cabi lahaa ileen adigaan kuu cabaa uune’’ waa weedho lagu qanci karo si guud marka loo eego lakiin xaaji casar uma qudhqudhsamin oo waxuu u baahday waxuu ku hubiyo in sidaasi jirto iyo in kale, waxa uu ku yidhi ‘’ naa hooy i dhagayso anigu sidaas ma filayee waxaad yeelaysaa marka aad habeenkii caanaha soo lisayso waa in aad biyo sii cantuugto oo aanad liqin biyahaas hadhowna marka aad dhamayso hawsha waa in aad hortayda ku tuftaa si aan u hubiyo in aanad caano cabin iyo in kale’’ cajiib..!! cajiib..!! malaha hadii biilka sida loo isctimaalay ama inta aduun ku soo gasha lagu waydiiyo waad xanaaqi lahayd dacwadana reerkiinii u gayn lahayd ood  odhan lahayd wuxuu igu yidhi darteed xaalna ka qaada xilna yaanuu idinku yeelanine na xeer marina dhaha.

Dahabo cadar iyadoon shidaysan ayay si fudud u aqbashay soo jeedinta xaajigeeda iyada oo biyo cantuugtay markii xooluhu xerada soo galeen.  Maalintaas ayuu ka tuhun baxay xaaji casar waxna ku waayay xaajiyadiisii. sheekadaaas qiimaha badan ee sooyaalka soomalida soo taxnayda waxa ka hadhay weedho lugu tilmaansado timaadada nolosha waayo xaajigu isagoo sababayna waxa ku kalifayna inuu sidaas ku yidhaa afadiisa waxuu yidhi ’ Biyaha afkaaga ku jiraa uurkaygaa ku samaada’’ oo uga jeeday hadda ayaan xaqiiqsaday in aanad meel kala waxba marin tahayna daacad qoyskeeda daryeesha. maalintaas ayaa u danbaysay tuhun dhex mara qoska reer casar.

Akhriste Bal is waydii  sidee loo qancin karaa Ummad dhan hadii ay cid tuhunto  hadii qof kaliya intaas iyo in ka badan u baahan yahay, dunida aynu maanta ku noolnahay waxay leedahay siyaabo badan oo qofka loogu qanciyo xaqiiqda iyo siday wax u jiraan.

Dhanka kale Dhacdo cajiib ahi waxay ahayd in Nabigu (NNKHA) uu habeen raacay mid ka mid ah haweenkiisii suubanaa, dabadeed ay dariiqa kula kulmeen laba saxaabi oo markii ay arkeen nabiga iyo qofka la socda ay jaanta hoosta ka xadeen ilaa Nabigu (Csm) uu ku yidhi waar istaaga waa aniga iyo hebaalayo ‘e, markii ay asxaabtu ku yidhaahdee Rasuulkii Ilaahayoow miyaad nooga baqatay in aanu kaa shakinay markaas ayuu ku yidhi waxa aan ka baqay in shaydaan uu ku tuuro qaluubtuuna waxa tuhun ah.

Waa xaqiiqo in qof xil loo dhiibay iswaydiin laga dabo tuurayo siduu u gudanayo xilkaas lakiin masuulka ayay ku xidhan tahay in sidii dahabo cadar uu dadka u cantuugo biyo si Biyaha afkiisa ku jiraa ay uurka ummadu ugu samaato.

Abdiqani Mohamed Ege


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply