fb

Barnaamijkii Kobci Maskaxdaada Iyo Murtidii Ka Hartay Dadkii Hore Ee Saalixiinta Ahaa,…

Published: March 5, 2014, 9:49 am

1 – Cabdullaahi Ibnu Mascuud, Allaah haka raalli noqdee wuxuu yidhi:
“Qofkii Raba inuu ogaado inuu yahay qof Allaah jecel, naftiisa ha u bandhigo Qur’aanka. Maadaama Qur’aanku yahay Hadalkii Allaah, haddii uu qofkaasi Qur’aanka jecelyahay, waa qof jecel Allaah”

2 – Xasan Al-Basri, Allaah ha u naxariisto’e, waxa uu yidhi: “Banii Aadamow, gebigaaguba waxaad tahay maalmo. Haddii maalini gudubto, waxaa gudbay oo tegey qayb kaa mid ah”

3 – Waxaa kale oo uu yidhi: “Ibnu Aadamow ku iibsado adduunyadaada adigoo aakhiro doon ah, waxaad faa’iidaysaa adduun iyo aakharo. Laakiin ha iibsannin aakharadaada adigoo adduunyo doon ah waad khasaari labadaba’e.”

4 – Imaam Axmed ayaa la weydiiyey: Goorma ayaa qofku si rasmi ah u dhadhamiyaa RAAXO? Markaas ayuu yidhi: “Marka ugu horreysa oo uu Jannada geliyo lugtiisa”

5 – Cumar Ibnu Cabdulcaziiz, Allaah haka raalli noqdee, wuxuu yidhi:
“Been ma sheegin, laga bilaabo markii aan ogaaday iney beentu dhibaato weyn usoo jiiddo ka sheega”

6 – Saciib Ibnu Jubeyr, Allaah haka raalli noqdee ayaa wuxuu yidhi:
“Allaah oo la talo saarto waa iimaankii oo la kulmiyey, wuxuuna ku ducaysan jirey: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa inaan si dhab ah kuu talo saarto oo aan Xaggaagana ka fisho wax wanaagsan”

7 – Sowri, Allaah ha u naxariisto’e wuxuu yidhi:
“Inuu qofku Allaah jecel yahay waxaa daliil u ah inuu ka war hayo mar kasta in waxa uu samaynayaa ay Raalli gelinayso Allaah”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply