fb

Barnaamijkii Fariimaha Jaceylka Oo Isbuucaan Aad U Xiiso BAdan “Ka Bogo Bandhigashada Caashaqa”..

Published: March 9, 2014, 10:37 am

Waxeey mahad idilkeed u sugnaatay ALLIHII hadana dib noogu kulmiyay isbuuucaan qodobadii jaceylka ahaa, intaa ka sokoow waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhalinta ku taxan shabakada kobciyemedia.com oo had iyo jeer mahadnaq inoo soo diro anagana sidaa iyo si lamid ah ayaanu idiin kugu mahad naqeynaaa, waxaanu idiin leenahay isbuucan nagula nasta qodobadii jaceylka.

Weey adagtahay inaan maskaxdeyda ka joojiyo fikirka aay kaa fikireyso adiga, maxaa yeelay waxaad xukuntaa saldhiga laga xukumo dhamaan waaxyaheyga waana qalbigeyga adiga ayaana xukumo .

Markii aad adiga qof aan ku jecleyn jeceshahay waa shey, markii qof aadan jecleyn uu ku jeceylyahayna waa shey kale, balse qofka aad jeceshahay oo asagana ku jeceyl taasi waxey la mid tahay adoo wax walbo haaysto.

Jaceylku waa Sida dabeysha, keliya waad dareemi kartaa ee maahan waxaad arki kartid, jaceylku waa sheyga dunida ugu qaalisan sidaa awgeed lama arko Waa dareen ku dahaaran qalbigaaga.

Jaceylku waa wadno balse ka wada qaraacmayo hal qof gudihiiisa.

Jaceyl waa eray adag maxaa yaalay wuxuu badalay dhamaan nolosheedii hore wuxuuna igu soo biiriyay riyooyin faro badan, maadaama uu badalay nolosheydii waxaan xaqiiqsaday inuu yahay sheey adag.

Jaceylku wuxuu ku jiraa gudaha qalbigaaga, maahan inaad meeshaas ku haaysto, ee waa inaan wadaagnaa macanto sidaa awgeed qalbigaaga iyo qalbigeyga waa inaan mideynaa.

Jaceylku waa sida shimbir yar oo buubitaan barad ah, hadii aad si xoogan u qabato weey dhimaneysaa, hadii aad si dabacsan u qabatana waa aay kaa biibeeysaa.

Jaceylku mayaqaano qofkaan da’ weyn baa idiin dhaxeyso, waayo jaceylku waa shey cajiib ah oo noole oo dhan ku dhaco.

Intaas ayaan kusoo afmeerayaa qodobadii aan ugu talo galay isbuucaan intaan isbuuca xigo iyo xikmadaha jaceylka dib ugu kulmi doono waa bahda kobciyemedia.com oo idiin leh isu naxariista si aad u fahantaan macaanta jaceylka.

W/D Ibrahim ali abdi “Kalafoge”.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply