fb

Astaamaha Lagu Abuuri Karo Jaceyl Midka Ugu Xooga Iyo Kalsoonida Badan Ee Aan Ebid Liicin

Published: March 9, 2014, 10:29 am

Mudo badan waxaa lagu soo dhaqmayay wax aad tahay malahan, edabdaraa ku haayso waad dalacday, intaadan I guursan sidaan maaheyn, inaan qof kale raadsado ayaa leey qaatay, waan kugu qaldamay, iyo waxyaabo kale oo faro badan oo aan afka soo qabaneyn, labada qof ee nolosha wadaagayo maxaa u diiday ineey is dareensiiyaan kalgaceyl dheeraad ah, labadii isqabto mudo badana waxey isku qabayaan dagaal joogto ah ilmaha aay isku dhalaana waxey ahaanayaan ilmo laga dhalay dhib iyo dagaal waalidkii u dhaxeeyo, maxaa inoo diiday nolol macaaan in leyskugu waaro.

Eray ayaa dhagaheyga ka batay oo bulshada soomaaliyed kusii dhex fidayo ereygaas oo ah CALAFKII AYAA DHAMAADAY, qofkii aad ku ogeyd bishii hore inuu guursaday bisha xigto markaa aragto dumashi kawaran ayaad leedahay, waxaa taagan waan kala tagnay calafkii ayaa dhamaaday, hal ku qabsigaasi wuxuu saameyn xoogan ku reebayaa dhalinta guurka ugubka ku ah, ayagana markey ku dhex indho furtaan dhaqankaas markey guursadaan wadadii ayey raacayaaan.

Waa yaab iyo amakaag in aay yaraatay labo jaceyl isku guursado oo mudo isa sii qabo waxaad moodaa labadii is guursataba in loo gooyay xili u go’an oo ah hal iyo iyo bar ama labo sano, yeeysan ila tain sheekadu ee aan u dhaadhaco dulucda maqaalkeyga ooo ah side jaceyl midka ugu xooga badan loo abuuri karaa si furiin iyo khilaafba uu qadka uga baxo.

Kow waxaad u baahantahay inaad barato dhaqanka iyo dabeecadaha lamaanahaaga si aad ugu illaaliso wixii dhibayo, qof walbaa haduu qofka kale ka illaaliyo waxyaabaha uusan jecleysan waxaa halkaasi kabaxayo ama yaraanayo in leys khilaafo.

Si taxadar leh lamaanahaaga ud hageyso, dareensii in aad u nugushahay inaad ogaato wax walbo oo dhib ah aay tabaneyso, haku celin weligaa eray oo hala soo boodin adiga halagaa helo teyda kabax, marka hore si naga nuglaasho ah u dhageyso oo dareensii wax walbo aay tabaneyso inaad dooneyso inaad dhageysato oo aad xaliso.

Niyadaada hadii ay kusoo dhacaan wax aad dhibsato, sida xaaskaaga oo adiga oo ogeyn ka baxday guriga raacdayna saaxiibadeed sida aroos ama qaraabo salaam, ha xanaaqin u sheeg in aad jeceshahay oo aadan raalli ka aheyn adiga oo ogeyn iney baxdo, dareensii inaad ka walwaleysid hadii aad timaado guriga ayada oo maqan, si marka danbe aaysan iskaga bixin, lakin hadad qeylo lasoo taagnaato mar weliba waa aay iska baxeysaa dumarka waa sida caruurta canaan waxbo kuma laha ee in la waaniyo oo naxariis la dareensiiyo ayaa dani kujirtaa, ad adeyga badana waa lagu waayaa maahee laguma helo.

Inta aad guriga joogto xaaskaaga dareensii wehel adag ineey haaysato, isku day inaad faraha gacmaheeda aad gacmahaada geliso oo aay hal gacan howsha guriga ku qabato adigana aad ku dhagnaato intaas, balse haka badin maalintiiba hal mar sidaas sameey.

In qormada dheeraato madoonayo insha ALLAAH isbuuciiba in badan ayaan arimahaan oo kale ka hadli doonaa haduu alle idmo si aay u yaraato khilaafka u dhaxeeyo lamaanaha is jaceyl, adigana dadaal waxaana aamisanahay in xaaladaha lagu kala duwanyahay ee qof walbaa oo waqti haaysto haka faaideysto noloshiisa inuu hal qof si kalgaceyl ah ugu dhameysto maadaama nolosha aduunyada aay tahay maalmo nagudbayo.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply