fb

Akhriso Wiil Aad U Da’yar Oo Tallo U Baahan Qiso Cajiib Ah Soo Gaarsiiyay Sheekh Mohamed Idiris…

Published: March 5, 2014, 4:49 pm

Midba Dhankiisa Allaha U Irzaaqo!
——————————-

Sheikh asc wr wbr. Waxaan ahaay wiil soomaliyeed oo qurbaha ku nool. Waxaana so galay yurub aniga oo yaar, waxaana kuna guursaday yaraan. Alxmdulillah manta ilmo ila saddex caruur ah ayaa jooga.

Sheikh hadi aan ku bilaabo dhibatadaayda aan rabo inaad wax igala qabatiid waxaa ay tahaay. Waxaan aha qof bulshaawi ah intanan guursan ka hor kadibna dan guud aniga oo egaaya ayaan wax badan uga tanaasulay sida u reerkayku u udhismo. Gabadhi aan qabay maseyr awkeed ay bulshaadi oo dhan iga goysay. Daba gur badan oo ah telefon ama jeeb la badhaayo aan ku noola. Qof shaqeysta ayaan aha oo reerkiisa masruufa xita wakhtiga aan doono man shaqayn karin iyaada oo sobob maseyr kashanaaysa. Tuhuun iyo kalsooni daro badan ayaa la igu hayaay. Wax aan bi’iyaay aniga oo garanaayn.

Inaan u aqli celiyo oo aan wax u macneeyana markasta ayaan isku dayaayey. Marki guriga ay iga bax tirahdoona cebtaayda waan qarsaada oo waxaan isku dayaa inu wala saxiib ama hooyo ay ogaan oo ila waxaan gadhaay inan babuurka dhex sexdo.

Waxaan galay masajidka oo salaad ima dhafi jirin. Waxaana u dhexeeyay shaqada masajidka iyo guriga sida ay kalsooni uun ay u timaato. Telefonkaayga waxaan u dhigi jiraay fadhiga aniga oo og inaa la badhaayo jeebkaygana sido kale inaay iga joogsato iska ba daaye xita hooyaday oo marka afrika ka timid ayeey gabadhi is qabten..

hooyo hadalo lo adkaysaan karin awkeed ayeey itiri hooyo guriga kuma noolan karo, nagtaana nag kuma noqonaayso.. waan is dajiyaay oo waxaan isku dayeey inaan hooyo guuri aan u kireeyo.. mel gooni ahna aan dajiiyo reerkaygina waan la joogay aniga oo ka xun. Dhibaatoyin kuna labada dhinac igaso food sartaay. Aniga oo is leh toloow ayaa labadooda khaldana ayeey xaskaaygu ilmihi labad folaatay iyado sariirti saraan ayuu xanuunkii foosha ay ku dhibatootay markas ayeey iska oyday iyaado iga codsanaaysa inaay hooyaday iska cafiso sobobto ah waxaay itiri waan ka khaldana. Mana rabo inaan dhinto aniga oo qof waalid ah khalad ka galay.

Gabadhi marki u ilahaay kala kenaay oo ay dhakhtarka kaso baxday meshi hore ayeey ka biloowday. Arinta labad oo igu dhacday inta aan wada noolayn waxaa ay u tagtaay nin afrikan ah oo kuwan sixra dadka iyado oo lacag ila 1000 dollar ah sisaay. Waxaa ay igu sameeysay ariin sixiir ah.. malin malmaha ka mid ah ayaan guriga kenaay muxaadaro ka hadlaaysay sixiirka markas ayeey oohin ku dhufataay oo ay ii shegtaay waxaa ay igu sameeysay. Ilahaay ayaan aaminay waana ka gudbay..

sheikh maxammed idriss iyada oo lagaso wareegay muddo ayaa hadana aniga oo bixiinaaya guriga kiraadiisa iyo warqad mobile keeda waxaay ku hadashaay ayaan arkay lacagtii aan bixin jiraay saddex jabaarkeeka ah waan firshaay oo waxaan ku arkay telefon marna lagu hadlaayey 30, 40 iyo 25 daqiiqo telefonkii markan wacaayna wuxuu ku dhacaayay qoloyiinkan faliyeyaasha. Waan naxaay oo waxaan is wadiyaay nooloshayda inta aan waxaan u dulqadan karo..

muddo dheer ayaan is dhahaayey way is badalee ama caruurta ugu samaar lakin wax is badal ah ma arko taas waxaa iisi dheer ehelkaay ma ogola gabadhu.. oo hooyo kadib labo gabdhood oo midna oo abtigay dhalaay midna habar yartay ay dhashay ayaan isku qabanaay..

Xalaad aan ku jiro magac iyo mamuusti aan bulshaada ku dhex laha hoos ayeey u dhacdaay si kasta oo aan u dulqataayna wax is badal ah uma jeedo.. gabadhi dhaqanna ma rabto inaan ka tagoona ma rabto. Nololna kuma nooli. Noloshaan waan ku wareeray. waana dhibanahaay ee maxaan sameeya. Sheikh ilahaay kheyr ha ku siiyo ee waa dalqaadi ugu danbeysaay. Mantaana guriga way igaso sartaay oo banankaan jooga ee. Marki kowaad ama labadna ma ahan oo ila guuri aan qatay ayeey iga celisaay. Waxaayna iga balan qadaay inay dib danbe guriga iga saarin. Sheikh maxaan sameeya.. jazakullahi kheyr sheikh Maxammed idriss.
==================

Walaalkaas Waxaan Iri:
Sida Asalka ah waxaan ku taliyaa qoyska intii tabara oo la badbaadin karo in ka badbaadsho, oo aan lagu kala tegin, si kastoo ay u adagtahay dhibaatooyinka jiraa, dhankey doonaanba haka socdaan..

Shakiga iyo masayrka xadkiisa dhaafaa, nolosha wuu gubaa, rag iyo dumar midkuu ka dhacaba, qoyskana waa burburiyaa, Gabadha ama ninka arrintaasu ka dhacdaana wexey miyirsadaan goor xeero iyo fandhaal kala dheceen, oo reerku kala tegey, qalbiyaduna kala jiiteen, jacaylkuna dabaysha raacay..

Waxaan wax badan ku baraarujiyaa gabdhaha niman jecel oo karaameeya haystaa iney ilaashadaan, oo nimankooda haystaan oo maqsuud ka dhigaan.. Nicma hadaad haysatana waa lagu shukriyaa si ilaahay kuugu daayo.. Laakiin hadii ay cadaadis saarto, oo weliba raganimadiisa iyo sharaftiisa meel uga dhacdo, gabadhaasi yey cid kale eedayn, haduu berri ka sii jeesto, oo wax walbaa raalli gelin kari waayaa..

Nimanka gabdha wanaagsan haystana sidoo kale waxaan kula dardaarmaa iney gabdhahaa jecel haystaan oo hagaajiyaan oo daryeelaan, inta aaney gabadhu hal mar soo giiran, jacaylkuna qalbigeeda ka guurin, oo aaney sii jeedsan, mar hadii qalbigeedu sii jeestana sidey ku soo noqotaa kolal badan yaraata waa.

Laakiin hadii ay muuqato in lamaanaha midkood ku kacayo waxyaabaha guurka ama qoyska ama xiriirka labadooda wiiqaaya, amase noloshu aaney lasii socon karin, waxaa lagama maarmaan noqota in labadaa qof la kala kexeeyo inta aan belaaya ka weyni dhicin..

Saaxiib, sheekadu sida aad u soo qortay hadey tahay, waxaa muuqata ixtiraamkii iyo qaddarintii loo baahnaa iney meesha ka baxday, ruuxaad jeceshahayna looma quuro, cayrin, iyo dibad u saarid, iyo inuu derbiyada seexdo, hadii ay mar ka badan dhacdayna kaba sii daran, sidaa darteed waxaa muuqaneysa in mawqifku markaan oo kale diiqad yahay, shareecada islaamkana xaraj ama diiqad lama ogola, qofkana markaas oo kale waxaa u banaan inuu dhanka kale haduu waantoobi waayey, dulqaadan waayey, laga nasan waayey, in la kala faataxaysto, qof walbana ilaahay dhankiisa u arzaaqo, wixii durriyad ahna la wada korsado, xaaladdaaduna taas ayey u egtahay, Ilaahayna tawfiiq ayaan kaaga baryey.

Xigasho Boga Sh Mohamed Idiris


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply