fb

Akhriso Qodobo Cajiib Ah Oo Kuu Sahlayo Sida Ugu Wanaagsan Ee Aad Ku Hanan Karto Qalbiga Xaaskaaga.

Published: March 8, 2014, 10:44 pm

Sheyga kaliya ee ugu fiican oo aad kaga dhigi karto guurkaaga mid raaga ayaa ah in aada barato sida loo dareensiiyo kalgaceyl xaaskaaga.

Hadii xaaskaaga ay san dareemin jaceyl wax farxad kuma abuurmi karto, tani waxey horseedi kartaa guur deg deg ah ama xaalad cakirnaan ah ama jahwareer ah.

Barashada in xaaskaaga aad dareensiiso jaceyl dhab ah ayaa ah xaqiiqdii mid aad u fudud haddii aad rabto in aad guul ka gaarto guurkaaaga qodobadaan hoos ku xusan ayaa kugu hagi doono sida ugu fiican ee loogu abuuro xaaskaaga kalsooni ama waa kuwa kaa caawin kara guul ka gaarida guurkaaga hadaba si taxader leh ugu fiirso qodobadaan muhiimka ah.

1. Habsii xaaskaaga maalin walba una muuji kalgaceyl xad dhaaf ah ,tani waxey kaa caawineysaa in ay ka dhigto xaaskaaga mid dareenta kalgaceylka aad u hayso,habsiinta xaaskaaga haku xirin sabab ama waqti.

2. Dareensii jaceylkaada maalin walba sababtoo ah haweenka ayaa ah kuwa raba in ay ogaadaan xadka ay jecel yihiin saygooda, kula hadal hadalo macaan oo jilicsan.

3. Sii waqtigaaga in aad joogto guriga aadna la joogto carruurtaada, ha sugin xaaskaaga in ay qabato shaqo walba oo looga baahan yahay guriga ee wax kala qabo shaqada waxeyna dareensiineysaa xaaskaaga kalgaceylka aad u qabto.
4.urumee riyadeeda una qabo wax walba oo ay u baahantahay ,sii waqti ay
kugula qatbsato farxadeeda iyo murugadeeda, u rumeynta riyadeeda waxey tuseysaa ama dareensiineysaa jaceylka loo haayo.

5. U yeelo taxadar gaar ah xaaskaaga tani waa mid aad ugu fudud ka miro dhalinta guurkaada mar walba la cuntey xaaskaaga kala tasho wax yaabaha aad lakulanto si wadajir ahna u xaliya .

6. Ogow waxyaabaha nimanka badankoda aysan ogeyn,ogow sanad guurroyinka,sida maalinta jaceylka addunka(valentines day) una hibee ubax nooca ay ugu jeceshahay taasoo aad u farxad galin karta xaaskaaga.

7. Dhageyso xalkeeda marki ay jirto dhibaato,adiga iyo xaaskaaga waxaad tihiin sida koox(team) oo kale u ogolow in ay kugu biiriso qibradeeda, iskana ilaali in aad go,aan deg deg ah qaadato marka ay imaato dhibaato qoyska quseysa tani waxey ku keeni kartaa xaaskaaga niyad jab iyo farxad la,aan.

W/D mowliid c/rashiid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply