fb

Akhriso Dhambaal Ku Saabsan Hooyo Oo Si Xoogan Kaga Ilmeysiin Doono Iyo Maalinta Haweenka Dunida.

Published: March 9, 2014, 10:26 am

Sida caada ah shalay oo kale waxaa Qeybo badan oo Dunada aan ku Noolahay looga Dabaal dagaa Sanad Walba Maalin ay ku magacaabeyn Maalinta Hooyada!!! Balse Aniga waxaan leeyahay Hooyo Raali Noqo Maalin kaliya oo aan kuu Dabaal dago waa ka Qiimo badan tahay Sharafna waxaa kuugu Filan Booska uu Islaamka Kudajiyay..Maalin Walba oo ay Qorax soobaxada Naftana ay kuugu jirto waxay ii tahay Ciida Maalinta Hooyada….

Hooyooy waxaan kaloo kaa raali gelinayaa hadii aan nahay caruurtaadii dayaca aan ku dayacnay ee aad sida joogtada ah noogu dulqaadato, runtii hooyo waxaad tahay bini aadam midka ugu naxariista badan hadana ugu dulqaadka badan, waxyaabo aadan jecleysan ayaan ku dhaqanaa misena mar weliba waxaad jeceshahay sidaan guul ku gaari laheyn, hooyo hooyo hooyo waxaa laga yaabaa inteena badan inaan bishii hal mar keliya kusoo wacno amaba aan sadaxdii bil hal mar kusoo wacno hooyo nagama mudnid balse ayadoo sidaas tahay anagana aan aduun ka fikireyno ayaad adigana mar weliba naga walwashaa ubadkaagii muxuu ku suganyahay ayaad isdhahdaaa.

Hadaba dhalinyarooy u fiirso hooyooyinkeena soomaaliyeed waa hooyooyinka aduunka ugu naxariista badan waayo inteena badan waxaan kusoo kornay nolol adag waxaa nala soo baray iskuul illaaa aan wada dhameyno dugsi ayaa nala geeyay illaa quraankii aan ka dhameyno balse inteena badan hadda quraankii faro kuma haaynow aan luminay, markii aan iskuulka ama dugsiga ka imaano hadaan jikada cunto ka waayno alaabta ayaan darbeyn jirnay weliba ku qeylin jirnay hooyooyinkeen iyo gabdhaha nala dhashay oo markaasi jikada ki jiray, xiligaasi marna kuma aan fikiri jirin lacagta cuntada halka laga keeno iyo weliba lacagta aan iskuulka ku bixino.

Iid markeey soo dhawaato waxaan ku qeylin jirnay dharkii iida hooyo waa aay murgoon jirtay meel aay ka keento aabo ayaa la dhibi jiray haduu xiligaasi joogo mar weliba waxey kasoo fikiri jirtay farxadeena iyo nolosheena, runtii aniga ahaan waan ilmeeyaa maxaa yeelay hooyo wax laqiimo ah lama helo, maqaalkan qormadiisa aan wado dareenkeyga alla ayaa og.

Hoooooooooooooooyo runtii waa qofka dunida ugu naxariista badan cidina maqayaasi karto dhibaatadii aay nala soo martay yaraanteenii iyo intiii aay caloosha nagu soo siday,macalinkeenii koowaad, iftiinkii nolosheena waa hooyadeey intii nasiib leh ee hooyo la nool ama awoodo inuu la kulmo waxey istaahishaa in cagteeda lagu ooyo, balse markii aan weeynaanay inta abaalkeeda garaneyso waa yaraadeen, waan ku hadal celinaa mala socotaa hooyadu hadalka yar aan ka diidno ineey caloosha ka hurto keli markeey tahayna aay kaa fikirto.

Runtii qiimaha hooyada maahan waxaan maqaal ugu hadli karo waayo waa nolosheena waxaan soo marnay xili taxsiga buubo xattaa haduu wejiga nooga dego aan iska celin karin balse hooyo ayaa nasoo xafiday nagu soo dadaashay noosoo dhafartay qofkaas oo kale hadal xun iskaba daayee xattaa hadal caadi ah xattaa looma quuro.

HOOOOOOOOOOOOOOOOOYO WAAN KUJECLAHAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAY.

Hooyo Rabi haku Xifdiyo Rabina hakaa Raali noqdo.  AAAAAAAAAAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN….


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply