fb

Rio Ferdinand oo ku biiraya Hollywood-ka Mareykanka..

Published: January 8, 2013, 7:14 pm

Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa cusub marka uu ka farxasho ciyaaraha kubadda cagta–isagoo ku rajo weyn inuu noqdo qofkii ugu horeeyay ee madow ah ee matala ama jilla filimaada jilaaga caanka ah ee  James Bond.

Difaaca Manchester United wuxuu sheegay inuu ku riyoonayo sidii uu ugu mid noqon lahaa hay’adda aflaanta adduunka ee Hollywood isagoo tibaaxay inuu jili doono aflaanta dagaalka ah ee loo yaqaan all-action hero.
34-sano jirkaan hadii uu matali kari waayo doorka ama qaab jiliinka Daniel Craig oo ah ninka caanka ku ah jilida filimada James Bond, wuxuu matali doonaa doorka Luther.

‘Waxaan rabaa in aan matalo doorka henchman. sidoo kale waxaan rabaa in aan jilo I dunno, sida Luther oo kale.

‘Hadii ay doonayaan James Bond cusub-na waan matali karaa.’ wuxuu sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay FourFourTwo.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.