fb

Qummane Iyo Qaali (Sheeko Xiiso Badan) Qalinkii C/Naasir Dheeg Ciise.

Published: January 13, 2013, 1:04 pm

Waa qeybtii todobaad buugii taxanaha inoo ahaa ee Caynba-Cayn..

Ammintu waxay ahayd hiimse-hiimse, xoolaha Adhi iyo Ishinba xeryahaa lagu shubay iyagoo candho iyo caloolba qaadi la’, dakuna u qaybsamay aqalka iyo ardaaga midba halkii uu kaga aadanaa.

Raaggu waxa ay u diyaargaroobeen xoolo maalid, dumarkuna xiraadka ayay ku hawlanaayeen. Markii xoolihii laga hadhuub dhigay ee qof walba wixii Alle u calfay cunihiisa maray, waa xaal raacato iyo caadadiiye xiliga gu’ga ee cirku hooro cosobkuna bislaado, xareeduna gal iyo gelgelinba jiifto. Farxadda iyo reyreynta in loo riyaaqaa waa gartoode, waxa loo dhegtaaba waa dhalinta reeraha oo si dheelitiran isugu soo baxa gegida iyo fagaaraha ciyaaarta ee lagu caweysimo.

Qaali oo aad mooddo hogol daruureed oo leegleeganaysa ayaa markay maqashay orta ciyaartaa ka baxaysa kambalka reerka ee isku duba dhacday, loogana dhaartay kii dhabqinaayey iyadoo shamaaxinaysa oo siyaakhadii haweenku u dhantahay, hareerahana ay kaga jiraan labo gabdhood oo asxaabteeda ah markiiba cagaha la soo gashay ciyaartii oo markaasuun isku duba dhacday. sidii lagu yaqaanay ee looga bartay ayay isla cagidiiba mayalka u qabatay majarihii ciyaarta. Waxa mar qudha isla oogsaday iyagoo or iyo sacab is raacinaya dhamaan dhalintii fagaaraha joogtay si ay u soo dhaweeyaan Qalanjadan hiddduhu dhalay ee dhaqankuna gardaadshey. Hadal waa run kama raystee Qaali oo Rabbi qurux iyo qiimo haween u dhameeyay, waxna aanay ka maqnayn astaamaha quruxda ee la saanyado sida: Qotonka joogeeda, Laafyaha garaaraha, Sanqaroorka dhereran ee shuban, ilkaha dhuuxa ka cad, Afka tukhulka ka madow, timaha aad mooddo haldhaa laydhi hufayso, tin iyo cidhibna isku joogta oon meel laga dhaliilo lahayn ayaa Qummane oo waayadaaba hamigiisa hiyi guur ku galoolaa isha qac ku siiyey heego muuq dheertan laafyoonaysa, taladiina ku goostay in ay noqoto afadiisa. Wax ciyaarta la googooyo oo jiibta iyo jaanta lays dhaafsadaba, caweysin dambe kolkii ciyaartii laga dareeray ayuu Qummane feedha ka raacay isagoo sheeda ka halacasanaaya, kana mildhaawaya gabdhaha kale ee la socda, balse isla markiiba inta uu dib isu rogay oo cagaha wax ka deyey ayuu soo kaxaystay labo wiil oo faciisa ahaa saaxiibna ay ahaayeen si ay labada gabdhood ee kale ugaga filaadan xagga haasaawaha.

Isla markiiba waxay soo gaadheen gabdhihii oon labo kaymood weydaaran. Habeenkaasi tilmaamane Qummane waxa kaliya ee u muuqday wuxuun bay ahayd geenyadan laafyoonaysa hortiisa ee ilqoodha kala socota wiilasha ku dabo jira. Dhulka oo xilligaa ahaa cosob, gufida iyo waxa kurtin cawsku guudmaray ee uu jaanta marinaayey, waxa qodax iyo qori mudayey waaxa kaga weynaa siduu u kasban lahaa gabadhan uu lab raacay. sadddexdii Wiil mid kasta oo ka midi waxa uu ku aaday mid ka mid ah gabdhihii, hannaan qorshaysan oo laga soo baaraandegay baanay ku waajaheen qaabilaada gabdhahan geyaankooda ah.

Isla markiiba Qummane waxa uu ku toosay Qalanjadii qalbigiisa qaaday balse aan u ogeyn waxa ku oogan xanuun iyo dhibta haysata toona.

Qummane: Inanyahay waa lagu salaamay

Qaali: Waa lagaa qaaday

Qummane: Waa illaah mahadiiye, ma badbaado qabtaan?

Qaali: waan wanaagsanahay, adiguse waxaad sheegi mooyi,

Qummane: (isagoo yar khajilsan oo madaxa xoqonaya, hadalkiina ku ballaadhay) ayuu yidh: “Qaaliyeey is arag aqooni kama horeysee, barasho wanaagsan”.

Qaali: Iyadoo u jeeda dhuuxaysana hadalka wiilkan kufkeeda ah ayaa intay qosol aan qalbiga jirin foolasha qaawisey ku tiraabtay: “barasho wanaagsan laakiin inaadeer gacaliye aminteed ma joognee raali iga ahow, waayo waa goor dambe, wiilashii aanu walaala ahayn yaanay ku arkin ee orodoo cagaha wax ka day, Allow aan wiil iyo walaal ba waayaa hadduu Qawrax labada indhood kaa qaado in meel lagaa aaso aan la heleyne.

Qummane: Naa Qawrax iyo anigu labo nin oo ilmaadeer ah baanu nahay, waana nin yaqaana milgaha ragga, maxaad se adigu hadalkaas meesha ku keentay? ma labo col baa is hor fadhiya? maxaad Wiil didsatay, aqoon la’aaneey ba’!!!!!

Qaali: oo la yaaban geesinimda iyo raganimada uu Illaahay ku manaystay wiilka, sida uu uga gudbay tijaabadii ay ka qaaday ayaa haasaawihii ku soo dabaashay xaalad hufan oo garawshiiyo leh.

Fallaadhihii jacaylkii madiga ahaa ee uu Qummane la huudmay baa iyana durba haleelay oo madaxeedii iyo mankeediiba mijo u rogay.

Waxa ay la dhacday sidii aftahanimada lahayd ee uu isaga caabiyey weerarkii afka ahaa ee aanay waxba ula hadhin. Waxay filaysay inuu xanaaqo, caytamo ama uu Af-lagaadeeyo cida ay tilmaantay, balse waa ay ku guul darraysatay filashadii baadilka ahayd ee ay qalbiga ku haysay, shirabkana ahayd ee ay ugu kuur galeysay heerka garaadka aqooneeta ninkan u sharraxani uu taagan yahay.

Nasiib wanaag Qummane waxa uu noqday Wiil ka gudbay dhamaan noocyadii tijaabooyinka kala duwan ahaa ee ay Qaali ugu kuur galaysay dhinacyo badan oo khuseeya ninka u boqran guurkeeda.

La Soco Qeybaha Danbe Ee Buuga Ceynba-ceyn…………….


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.