fb

Qiso diini ah oo cajiib ah oo qalbigaada jilcin doonta..!!!! “Qisadii Iigu Yaabka Badneyd”..

Published: January 19, 2013, 12:00 am

Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu wayn ee muslimiintu wax ka bartaan

waxay ahayd magaalada Baqdad ee haatan caasimada u ah Iraq

sido kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka

maalin maalmahaa ka mid ah ayaa waxa magaalada yimid nin ka socda

boqortooyadii ruumka (the roman Empire )

kaasoo u sheegay khalifkiii muslimiiinta in uu haayo 3 su’aal

oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka

Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta

iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray

ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su`aalihiisii soo daayo

Ruumaanigii ayaa waydiiyaay Muslimiintiii halkaas isugu timid 3dii su’aal ee uu hayay

waxa uuna ku bilaabay:

1- ilaahey horaantiiis maxaa jiray ?

2- ilaahey dhankee ayuu uu jihaystaa ?

3- ilaahey muxuu haayaa hadda (iminka) ?

Ruux hadlo ayaa laa waayay, shib iyo shib ayaa ka dhacday

xoogaa ka dib ayaa wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri:

Aabbe anaa ka jawaabaayo su`aalahaas anigaana idiinka aamusin doono

kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkiii markaasuu ku yiri Roomaanigii:

Ma taqaanaa sida wax loo tiriyo?

haa ayuu ku jawaabay roomaanigii

markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah

waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya

Roomaanigii ayaa bilaabay sagaal sideed todobo ilaa uu kaa gaaray kow

markii uu kow gaaray ayuu aamusay

wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya kow ?

markaas ayuu Roomaanigii ku jawaabay, waxba kow ayaa ugu danbeeyaa

wiilkiii ayaa yiri hadii ay tiro kow ugu danbeyso oo aadn dhaafin weysay

sideed marka ku waydiiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah

midka kowga ah, midka axadka ah, midka joogidda abidka ah

midka ugu horeeyaa, midka ugu danbeeyaa, midka daaìimka ah?

Romanigii ayaa la dhacay jawaabta cunuga yar

cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista su’aashii labaad

taaas oo ahayd sheeg ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa ?

Wiilkii yaraa ayaa yiri shumac hala keeno kadib hala daaro

markii la daaray ayuu wiilkii waydiiday: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo ?

Romanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiiin aanan uu jihaysanaynin dhanna

waqooyi , koonfur , bari iyo galbeedka wuu ifinayaa

Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho

uusanna ku ekayn dhanna: maxaad uu malayn iftiinka (nur _us-samawati-wal-Ardh? )

ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samawatka

ninkii ayaa hadana la dhacay jawaabta wiilka yar

Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku maneystay Intuusan waydiin su`aashii 3aad

ayaa wiilkii yaraa ku yiri Romanigii:

adiga minbar ayaad fuushaa anigana dhulka ayaan taaganahay

hase yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn

inaad soo degto sii aan aniga minbarka uu fuulo

si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab celintayda ?

Romaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo dagay minbarkii

wiilkii yaraa ayaana ku fariistay minbarkii uu kasoo degay Roomaanigu

kadib ayuu waydiiyaay su`aashii 3-aad oo ahayd:

ilaahey muxuu hayaa iminka ?

wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay :

hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka soo dejiyo minbar sare

kuna bedelo kii asaga aaminsanaa.

Iminka ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu haayo

wuxuu sababay inuu beenaale diintiisaa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo

korna u qaado kii aaminsanaaa

ilaaheyna maalin walbo xaalkiisaa waa sidii uu asagu doono

markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyeey ayaada 29 ee suratu-Ar-Raxmaan oo ahayd

يَسْأَلُهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ

Ninkii Romaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisiii

wiilkii yaraa ayaana ilaahey sababay in uu noqdo Imaan aad loo xurmeeyo

lagana qaato diintaa Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa

ayaana noqday Imaankii weynaa ee Islaamka ee loo yaqaan Al- imaan Abu Xaniifa

( Allahu akbar,,, Qisadii iigu yaabka badneyd inti aan qisooyin iyo sheekooyin aqrinayay )

♥ ♥ ♥♥ ♥ ♥


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.