fb

Qeybtii 4raad Ee Sheekadaa FardowSa Iyo Sharmaake “Sadax gabdhood Oo Sirdoon Ah”

Published: January 7, 2013, 7:24 pm
Waxa Aaay Inoo Joogtey Sharmaake Iyo Hooyo Madiina Oo Isla Meel Dhigey Wanaaga FardowSa.
“La SoCod WanaagSan Qeybta 4aad Ee Sheekada Hadii Rabbi Swt Raali Ka Ahaado”
Waxaa reer muqdisho u baryey waa caafimaad qaba qof walibana waxuu ka ak dhawaa cabitaanka qaxwada iyo shaaha,saaka qoyskii sharmaake waxa aay yahiin kuwa ku soo toosan jawi nabdoon iyo caafimaad qab wanaagsan,hooyo madiina qeyr allaha siiye waxa aay ka toostey xili hore si uusan sharmaake u gafin waxii uu afka ku dhufan lahaa maadaama saaka aay ka balan saneed goobtii caafimaadka laguna yidhi imoow alaseey.
Waxa aay ka kicisey hurdadii oo ku tiri hooyo is diyaar oo sii aad iskuulka anigana waxaan aadayaa goobtii balanta aan ka lahaa hadii rabbi ogolaadee, sharmaakane waxu ku yidhi haye hooyo macaan waan is diyaarin hadaba adigana allaha kuu soo fudeed yeelo waxsan iyo weersan hooyo waa inoo markaan isu soo laabano.
Waa la kale jeestey oo qof waliba abaarey halkii uu rabey sharmaake waxuu ahaa ardaydii ugu horeeysey ee yimaada iskuulka sida lagu yaqaaneyba waxuuba galay fasalkii oo dhigtey agabyadiisii waxbarasho ka dibna banaanka ayuu usoo baxay si uu u hawo waato inta ay ardayda kale imaanayaan soona kaamilayaan waqtiga.
Waxuu u muuqdaa mid taxadarsan aadna wuu ula socdaa soc socdka ardeyda asagoo si dadban u eegayey waxuuna ka dhax goobayaa waa fardoowsa oo aheed qofka kaliyah oo aya iska macna fahmeen iskuulka, markii danbe waxaa si nabad ah ku soo galay ganjeelka iskuulka fardoowso oo ayaduba aad moodo ineey meel dheer wax ka fiirineeyso, midba midka kale ayuu indhaha ku dhuftey dabadeedna u dhoola cadeyey.
Ardayda qaar waxa aay si buuxdo ula socdaan dhaq dhaqaaqa iyo ficil kasta oo aay samaynayaan labadan qof ayagoo mararka qaar is ilooba ilaa laga arko ineey dadkaan ku mashquulayaan qofba meel ayeey uga dhagtaa oo aanan laga Karin,dad qaarna waxaadba moodaa sidii waalid sida aay wax u eegayaan markooda.
Dhowr daqiiqo ka dib waxaa lagu aruurey fasaladii oo waxaa bilaabatay daruustii qof walibana waxuu ahaa mid naftiisa ku mashquulaya casharadana sii min guurinaya,lakin mararka qaar waxaad moodaa in fardowsa aay yara eegeeysay sharmaake,sida qaab muuqaaleedkiisa iyo hab qoraaleedkiisa iyo waliba ficiladiisa intaba.
Dadka qaarna arinkaasi waxa aay ku beertey shaki ka baaxad weyn kii hore markaana waxaad moodaa in si toos ah diirada loo saarayo fardoowso, waxaana bilaabatay xam xam iyo xan ah in fardoowsa u raran tahay wiilkii faqriga ahaa ee lawada yaqaaney aadna aay ugu dhaga nugushahay, mar kastana dhanaciisa eegeyso.
Tallow koleey ardo meel iskugu timid dhib lagama weyn doonaa maxaa imtixaan ah oo la marin doonaa fardoowsa si loo heli cadeyn rasmi ah oo ku aadan in xanta la isla dhax maraayo iskuulka tahay mid run ah.
Ilaa iyo 3 gabdhood oo ku wada fasal ahaa fardoowsa iyo sharmaake,ahaana saaxiibo isku wax darsada inta badana gorfeeya, kana faalooda ila dhaq dhaqaaq ee iskuulka ayaa isku yimid waxeeyna qaateen shir ka dhan ah fardoowsa iyo sharmaake kaasi oo ahaa in la bilaabo olo olo lagu ogaanayo wax dhab ahaan ka dhaxeeyo fardoowsa iyo sharmaake, hadaba sidee lagu ogaan karaa ama loo soo saari karaa xariirka ka dhaxeeyn kara.
Waa Tanaa “YaaSmmiin” oo ka mid aheed 3daxdii gabar ee shirey bal ha ha inoo soo koobti sida aay wax u dhaceen go,aamadii aay gaareen iyo waliba qaabka ama wadada loo marayo soo ogaanta xaqiiqda dhabta.
YaaSmiin: waxaan isku raacney inaan mid anaga naga mid ah ka yeelno jeceyl been ah kaas oo aanu ku shaacin doono iskuulka, gaar ahaan fasalka sidoo kale waxaan isku af garanay inaan ku dhaga hadalno fardoowsa si aan halkaas uga amba qaadno, baadi goobkeena ku aadan soo ogaanshaha sida dhabtu tahay.
Intaas ka dibna waxaan biloowney olo olaheenii yaasmiina waxa aay aheed qofkii loo xil saarey faafinta arinkaan,ayadoo markiiba u sheegtey fardowsa sidii xaalku ahaa tallow fardowsa maxey ku jawaabi doontaa.
IsbuuCaan Intaa Ha Inoo Joogto Sheekadeeni FardowSa Iyo Sharmaake Intaan IsbuuCa Xiga Kulmi Doonana Waa Ismail Abdi Aden “WaaSuge” Iyo Bahda KobCiye.Com Oo Idin Leh NabaaDiino.
Ismail Abdi Aden “WaaSuge”
Shimali02@hotmail.Com

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.