fb

Qeybtii 29aad Sheekadii Ayaamaha NoloSha:: Ladan Oo Dib Ula XariireeySa Zakki” !!

Published: January 14, 2013, 12:00 am

Salaamulaahi Caleykum Dhamaan MacaamiiSheena Sharafta Leh Si Gaara Baan U Salaamayaa Saaxiibada Ku Taxan Sheekada, Waana Ka Raali Galinayaa Dib U Dhacii Ku Yimid Sheekada.

Waxa Aay Inoo MareeySey Ladan Oo Shaqa Gashay Xili Samiira Qolka Oohin La Aadey.

“Qeybtii 29aad Ee Sheekada Ka BogoSho WanaagSan Saaxiib”

Ladan waxa aay boobsiisey shaqada guriga waxeeyna aheed mid u soo deg degeeysey leenka si aay u dhageeysato hadalada ku saabsan “Zaki” oo qabyo u ahaa, ugu danbeyntiina dib ayey ugu soo laabatay leenkii ayadoo u fiilo jiidatay qolkeeda, mudo ka dibna dhafar u diyaar ah iyo xog raadin.

Qaalid ayaa si heer sare ah ugu sheekeeyey ladan waxuuna ka dhaadhiciyey in aay iska iloowdo waxii dhax marey ayada iyo zakki, asagoo u sheegey in aduunku yahay mid macaan iyo qaraarba leh loona baahan yahay in had iyo jeer la isku calool fiyoobaado,ladan oo hadalka qaalid aad ula dhacdey baa ka aqbashay waxeeyna si kaftan ku dheehan yahay ku tiri aniga ayaaba ka gar darnaa zaki walaal qaalid adigana aad ayaad u mahadsan tahay maadaama aad ka shaqeysey heshiiskeena.

Ladan oo haatan haysata kalsooni buuxda ogsoona in la dhameeyey xurguftii kala dhaxeeysey zaki baa ku tiri qaalid miyaad isiin kareeysaa taleefoonka zaki si aan anigana ula xariiri oo aan dib usoo celiyo walaaltinimadi dhaxdeena aheed, maxaa yeeley bee tiri ma wanaagsana kala aamunaanteena.

Qaalid arinkaa wuu ka caga jiidey waayo dhankaa iyo zaki kama uusan haaysan ogolaasho ah inuu teleefoonkiisa soo siin karo ladan,mana doonayo in isku dhac kale yimaado,ladana waxa aya diyaar u tahay in aay la xariirto zaki,marka uu xaal intaa maraayo ayuu qaalid ku yidhi ladan abaayo waan ku siin doonaa hadii rabi idmo,laakin ii ogoloow inaan zaki soo weeydiiyo in nambarkiisa qod soo siin karo waayo ima uusan dhahin taleefoonkeyga soo siin ladan mana doonaayo is faham daro.

Ladan waxa aay yiri waa runtaa bal soo weydii hadii uu ka caga jiidana iska daa ha isku dhibin aboowe dhib intii hore ka kugu ekaado,intaas ka dib waxaad moodaa inuu hadalkii soo afjarmey oo mar hadii uu dhamaad yeeshey mowduucii ku saabsnaa zaki ma jirin dood kale iyo mowduuc kale oo la furtey ee qofba qof kale kale ayuu ka war sugayaa,sow ma habooneen in aay dib uga hadlaan halkee buu ku danbeeyey xariirkii dhaxdeena ahaa,maadama hada la wada faraxsan yahay.

Ladan ayaa codsatay ineey hurudo qaalidna u sheektey in waqti danbe la gaarey waxeeyna intaa u raacisey habeen wanaagsan aboowe waa inoo bari iyo inaan kaa helo jawaab ku saabsan zakki.

La yaab maahan in qaalid uu dareemo ama u qaadan karey ladan ineey is badashay oo xataa sida ka muuqato hadalkeeda ka jeclaatey hurdo qaalid waxuuna ahaa mid aan usii fakarin si kale waxuuna yidhi haye abaayo macaan habeen caafimaad qaba baan kuu dhaafey waji xiiso badan.

Waa la kale hoyaadey habeenkii qof siduu doono ha u fakaree waxaana dilaacay waa cusub oo qaalid looga sugaayo inuu ka keeni jawaab cad zaki,sidaa darteed qaalid waxuu mar kale abaarey halkii iyo goobtii baraanjiga waxuuna wacay zaki oo u sheegey sida aay wax u dhaceen iyo halka haatan xaalku maraayo ,zaki oo aan ku deg degin jawaabta ayaa ku yidhi saaxiib qaalid arinkaa ima farxad galine maad iga deeysey waayo ladan inaan is maqalno qeyr iiguma jiro aniga asagoo u raaciyey ogsoonooow nolosha iyo xasuustaba kalama haraan miyaad dooneeysaa inaan dib u gacdo waxii qaraaraa ee aan soo marey, si kastaba ha noqotaa hadalkii zaki waxaa ka weyndaadey codsigii qaalid ugu danbeeyntiina waxaa la isku waafaqay in ladan loo ogolaadi siismada taleefoonka zakki.

Ladan xili barqanimo ah ayeey soo wacdey qaalid oo salaam ka dib weeydiisey aboowe miyaad wax jawaab ah ka heshey zaki iyo arintii aan ka sugaayey mase wali ma aadan wacin waan ku sugayee.? Qaalid ayaa ku yiri ladan waan wacay abaayo oo aan uga faaloodey is badalka daan galnay aad ayuu ugu farxay waxuuna igu yidhi waad siin kartaa taleefoonkeeyga,sida adarteed waa kanaa ee qoro.!!

Mudo ka dib ladan waxaad moodaa ineey dareemeeyso farxad waayo marka aay ladan faraxsan tahay waxaa lagu yaqaanaa qosol is daba joog ah iyo hadalka oo aya ko u yara qaado sida in aay yara qeeylinseeyso oo kale waxeeyna qaalid ku tiri mar kale mahadsanid aboowe isla hada baan wacayaa oo aan kugu soo jawaab celin doonaa waxii aan kala soo kulmo farxad iyo murugaba.

Isbuucaan intaa ayaan kaga hari doonaa barnaamijkii ayaamaha nolosha intaan dib u kulmi doona waa ismail “WaaSuge” iyo dhamaan bahda kobciyemedia.com oo idin wada leh sidaas iyo nabad galyo.

Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Shimali02@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.