fb

“Qeybtii 18aad Sheekadii WaaSuge Iyo Keyla: Maxa Ka Soo Baxi Doono Kulankii Qadada” !!

Published: January 15, 2013, 2:46 pm

Waxa aay inoo mareeysey keyla oo isu diyaarineeysa sidii aay u sameyn laheed qado qoyskii wiilka.

“Qeybtii 18aad Ee Sheekada Ka BogoSho WanaagSan Saaxiib”

Is diyaarin iyo labis qurux badan ka dib waxaa lagu dhacay gaarigii oo la abaarey gurigii keeyla, qof kastaahi waxuu ahaa qaanac oo dhoolaha ayuu cadeeynayey waana la wada faraxsanaa maanta, wiilka mararka qaar waxa uu soo hadal qaadayey inuu aad ugu xiisey cuntadii keeyla oo maalmahan uusan cunin/mudoyinkaan..

Xaaska hadalka ku saabsan ka sheekeynta keyla ee ninkeeda mar weey ka yarxa xanuunsataa oo waxa aay is laheed maba hilmaaminsiin miyaa cuntadii aay keyla u Karin jirtay bebe gaada marna way qososhaa oo waxa daaqada ka sii baxaya waa shakagii aay qabtey wiilka oo ku aadanaa inuu aado tago guriga keyla Iwm.

Gaariga oo aan lagu wadin xawaaro saa,id ah ayaa wadada iska liic liicayo waayo waxaa loo wada sheekeysan haayaa sidii laba saaxiibo ah,laga yaabee in la is xog baarayo uusan qosolkaan aheeyn mid kal iyo laab ah, ugu danbeeyntiina waxaa si nabad lagu gaarey gurigii keeyla oo si weyn looga sugaayey loona soo dhaweyey.

Keyla kuma cusba soo dhaweynta dadkaan oo waliba waxa aya aad u taqaanaa qaabka cuntadooda iyo sida aay u kale jecel yahiina maanta waxaa laga dhigey qadada waa dookhii wiilka oo aad moodeeyso in si loolan ku jira loo kariyey,waxaana la laba jibaarey xirfadii loo lahaa cunta karista,marba hadii uu ahaa mid ku jecel kuna qancay cuntadii sida booyaasanimad aheed loogu Karin jirey aqristoow maanta maxaad ka fili doonta.

Soo dhaweyn buuxda oo loo wada siman yahay ayaa lagu soo dhaweeyey qof waliba xabadka ayeey galisey keyla siduu doonaba ha u qaatee waxaana loo huleeley qolkii fadhiga oo lagu bilaabey sooritaan sida in la siiyo cabitaano kale ceyn ah iyo qudaar kale farsamo ah,wale hadiiba la is casuumo keyla maanta dadkaan weey u hagar baxdey balse waxaanan hubin natiijada aay ka dhaxli doonto marti qaadka inta uu la ek yahay.

Naf waliba oo la siiyo wax qanciyo iyo dhadhan kaamilo baahideeda waxaa hubaal ah ineeysan qarin Karin waxii aay aragto hadii ahaan lahaayeen macaan iyo hadii aay ahaan lahaayeen qaraar bal maanta xaaskii aan aragno waxa aay ka dhahi doonto qadada loo sameeyey,xaqiiqda waligaa haka leexan nuucey ahaataba sxb.

Ugu danbeentiina waxaa bilaabatay in loo wada faraxasho cunta cunis indhahiina weey ku doogsadeen muuqalka cuntada iyo quruxdeedaba, halkaasna waxaa ka bilaawdey in la cuno qadadii lawada sugayey.

Wiilkii oo aay dul saaran yahiin laba kaamiro oo kala ahaa keyla iyo xaaskiisa waxa uu ahaa mid ku waasho cuntadii maalinkaana waxuu noqdey cunaaye no1 cid la tartami kartayna ma jirin sida uu u boos qaadanayey ayaaba ka daran waxaana ka soo baaxdey dhidid aan xisaab laheeyn oo isu badalay dhibco,waxa aya jawab u tahay inuu cuney cunto tayeeysan aadna u tamar badan,keyla waxa aay u aheed guul aay gaadhey waayo wax kasta waxaa ugu muhiimsan waa daqiiqad ka mid ah nolosheeda ineey hesho farxada wiilkaan nuuc kastaba.

Xaaskii afkiibaa juuqda gabey ilaa markii danbe aay ku biloowdey riixid iyo ineey qanjaruufato laakin waxas dheg jalaq uma siinin wiilka ee waxuu ka ciil boganayey waa fursadaan dahabiga ah ee maanta uu ku heley cuntadii keyla,ugu danbeeyntiina waxaa laga dhamaadey cuntadii oo la galay haasaawe iyo wada sheekeeysi.

Wiilka waxa uu ahaa mid u mahad celiya keyla una sheega inuu waligiis cunin cunto sidaan ah amaba u ek asagoo u sheegey in keyla tahay qof mar aksta loo soo xiiso,inta hadalkaa la is dhaafsanaya xaaskii waa ka marqaati oo salka dhulka uma qabanaayo marba dhinac ayeey u sikataa una sahataaa erey kasta oo kasoo baxa afka keylana waxuu dul saara culeeys fara badan,ugu danbeeyntiina keyla ayaa ku tiri wiilkii waad dhididey ee kaalay oo shawer qaado, hadalkaasi waxuu oodin ku taagey xaaskii oo aamintey shakigii ku jirey waxuuna sii abaarey halkii qubeeyska,intii uu maqnaa ayaa la sheeko wadaagay oo keyla waxa aay aheed mid su,aala waydiinseeysa xaaskii & inuu jiro is badal kaga danbeeyey sida ineey leedahay wax uur ah iyo Iwm.

Ma awoodo ineey baxiso jawaab kaamilan oo waa maqane jooge ma awooda ineey hadasho waa dabka ka maqan, ma awoodo ineye baxdo oo ayadaba codsatay ineey wax booqato, ma awoodo ineey keyla wax weydiiso oo gurigeedi lama joogo, ku dhaga hadalna ma jiri karo oo maahan markii loo ahaa shaqaalaha.

Waxa aay isku mashquulisaa taleefoon oo aay kaga ganbataa su,aalaha keyla ilaa markii danbe uu soo baxo wiilkii,ayadana markeeda baa lagu yidhi soo dhawaw oo adigana kaalayoo aad qubeeys, laakin uma maleyn doono waayo waxa aay u aheed ayadoo kale cilineeysa xoolo iyo cows mana rabto in daqiiqad aay fursad ah siiso keyla iyo ninkeeda,sidaa darteed waxa aay ku tiri maya ma dareemaayo inaan qubeeyso hada abaayo.

Waxaa la gaarey gaba gabadii booqashada, xaaskiina waxa aay codsatay in aay baxaan waxaana lagu yri haye abaayo waayahay,wiilkii sidoo kale waxuu yidhi waan sii caraabeeyna keyla waxaana hubaal ah inaan ku soo xiisi doono mar kale iyo ka badanba,sidaas ayaana lagu kale tagey, xaaskiina waxa aay ka tahay mar lee maa banaanka loo baxo bur iyo biyo ayaa loo kale baxi doonaahe, bal maxaa xigi doona banaanka marki la tago.

Isbuucaan intaas ayaan kaga hari doonaa sheekadeeni “Keyla” intaan isbuuca xiga kulmi doonana waa bahda kobciyemedia.com iyo waasuge oo idin wada leh sidaas iyo nabad galyo koleey nooli kulanti leh sxbyaal.

Ismail abdi aden “WaaSuge”

Shimali02@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.