fb

Qeybtii 15aad Sheekadii Keyla Sxb “Maxaa Xigey Hadiyadii Loo Wadey Xaaska”

Published: January 7, 2013, 7:20 pm

Waxa Aay Inoogu Qabyo Aheed In Wiilkii Uu Qaatey Waanadii Kyela Ee Ku Aheed Raali Galinta Afada.

“La SoCo Q15aad Ee Sheekada Hadii Alle Swt Raali Ka Ahaado”

Wiilkii waxuu galay hoolkii weynaa ee guriga asagoo abaarey qolkiisii jiifka si uu iskaga badalo dharka ugu horeyntiiba ka dibna waxuu u tagey afadii oo huruda qolka,maadama aaysan xalay hurdo ladan oo aay horey iyo gadaal u dhax socotey guriga,si xasiloon ayuu u dhar badashay oo u baxay banaanka iyo qolka fadhiga.

Ku dhawaad 30 daqiiqo ayuu halkii fadhiyey intaa ka dibna waxaa soo hurdo bogtey xaaskii oo usoo baxdey banaanka waxeeyna indhaha ku dhuftey odeygeedi oo kaligiis meesha fadhiya,kama aaysan faleen inuu deg degtaas usoo guryo noqonayo waxaana la yaab ku noqotey aragtidiisa, waxyaabah aysan filaneen bey aheed.

Waxa aay u sii milicsatay hagaaginta naf ahaanteeda iyo kan gurigaba ayadoo aad moodo in si caajis ku jiro aay u qabaneeysey howsha. Mana jirin kool koolin iyo hadalo macaan oo la yiraado si howshu ugu noqoto fudeed,dadaal badan iyo daal waxey soo bogotay oo kaamishey shaqadii nafteeda iyo tii gurigaba, waxeeyna soo fariisatay qeyb ka mid ah qolkii fadhiga ee wiilka uu fadhiyey ayadoon la hadal wadaagin shibna aheed.

La yaab kuma aaysan noqon wiilkii ficilada aay sameeysey xaaskiisa waayo waxuu ahaa mid haaysta waayo aragnimo kaga filan dhanka dumarka oo waaba mid ka mid ah caadooyinkooda in aay iska soo fariistaan aktaada marka aay kugu kacsan yahiin, ayagoo hadalkaada iyo muuqaadaba siinin ahmiyad iyo xiiso intaba.

Wiilkii talaabada ugu horeeysey ee uu qaadey waxa aheed salaam aay ku dheehan tahay dhoola cadeeys waxuuna ku yidhi macaanta side tahay, iiga waran cawa barigaada, asagoo intaa raaciyey miyaad wali aniga ii careeysan tahay iyo hadalo aan sidaa uga fogeeyn, intaas markii uu iskugu daba darey xaaskii waxa aay hadal kusoo joobtey jawaabna kaga dhigtey “Waan FiiCanahay” wax intaa ka badana ma aaysan odhan odeygeedi.

Ficilka labaad ee uu sameeyey waxeey aheed inuu soo fariisto dhinaceeda oo ku yiraahdo macaan badan soo mogid in sidaan aay la mid tahay goob uu shil ka dhacay iyo gayi abaartu daashatay waayo labaduba dadka joogaaji ama soo xaadira wajigooda waa ka duwan yahau dadyowga kale waana ka waji muruga badan.

Intaa ka dibna waxuu qabsadey garabkeeda oo sidii caadada sidii beer wax dhalay galiyey laabtiisa asagoo sajuuda ka shumiyey kuna yidhi, hadii adiga oo ah xaaskeeyga ahna bebe deydi aadan ii qoslin xayaati yaa ii qoslaaayo ama aan la qaadan karaa waqti wanaagsan,marka isoo calool dabac oo aan helo farxadaada Bebe.

Intaas ayaa loo kale aamusnaaba oo qofkii intaa la dhaho uma maleynayo in uu ku nagi ahaan doono jawi murugeeysan iyo xaalad mugdi ah, xaaskii halkii ayeey ka amba qaadey farxadii oo ayadana dhankeeda muujisey dadaal aay ku dooneeyso,raali galinta odeygeeda,dabadeedna waxuu siiyey hadiyad qurux badan.

Dhowr daqiiqo gudahooda gurigii waxaa u shidmey iftiinkaa waxaana usoo laabatay neecoowdii udgooneed dadka dariska ahna weey dareemi kareen in gurigaan la dagan yahay oo waliba dad is jecel ku nool yahiin.

Waxuu ku yidhi is diyaari banaanka ayaan kuu wadayaa iyo goobaha macaan si aan usoo hawa qaadano macaantoo maadaama aan ku caaajisney guriga,aad beey ugu qanacdey hadalkaasi oo ku abuurey farxad iyo dareen baaxad weyn kadibna inta soo aadey wiilkii beey shumisey oo si naxariis badan ku tiri “I Love You”.

Ogoow hadal kasta oo wanaagsan waxuu badiyaa farxada,jaceylka,dareenka waxuuna kaamilaa oo buuxiyaa boos kasta oo qabyo ahaa,weedhaha wanaagsani waxeey kuu horseedaan hanashada farxada ee gurigaada. Sidoo kale xir xirnaata iyo macangag nimadu waa kuwa meesha ka saara kalsoonida iyo farxada qoyskada.

Waa la wada caraabeey oo la aadey hadba meeshii leh jawi dagen,sida goobaha ganacsi eek ku yaalo xeebta beeraha loogu tala galau kuwa lamaanaha ah ayadoo la dhuuq dhuuqayey mac macaaan beeri karey dareen.

Kayla weey ogsoon tahay in hadalka aay fartay wiilka uu ahaa mid abuuri karro kalsooni fara badan iyo jawi macaantiisa wata, waxeeyna sidoo kale hubtaa in aay saacado badan weyn doonto maqalka iyo muuqaalka wiilka oo aan wada ogsoonahay ineey aad u jeceshahaye tallow maxaeey u sameeysey asxaaanka intaas la Ek.

Waa Su,aaSha IsbuuCa Oo Aan U Bandhigney AqristayaaSheenka Qiimaha Badan Waxaana Ku Rajo Wey Nahay Ineey Kaga Soo Jawaabi Doonaan Si WanaagSan Oo Aaan Ka BaxSaneen AnShaxa Iyo Waliba Aqlaaqda,Hadab Waa Ismail WaaSuge Oo Idin Wada Leh Waxaan Sugnaaba Waa Jawaabtiina.??

IsbuuCaana Intaa Ha Inoo Joogto Sheekadii “WaaSuge Iyo Keyla” Intaan IsbuuCa Xiga Dib U Kulmi Doono Hadii Rabbi Naga Yeelana Waa Bahda KobCiye.Com Oo Idin Wada Leh MacSalaama Dhamaan.

IsMail Abdi Aden “WaaSuge”

Shimali02@hotmail.Com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.