fb

Q20aad Jini Jaceyl Galay Jahwareerkiisu Ma Yaro “Daawo Sawirada Sheekada Cajiibka Ah”

Published: January 8, 2013, 6:46 pm

Asc wrb Waxeey mahad oo idil u sugnaatay ALLAHA awooda dhameystiran leh ee mar kale dib inoogu kulmiyay sheekadeenii cajiibka badneyd ee  Jaceyl Jini Galay Jahwareerkiisu Ma Yaro. Waxaan ka raali gelinayaa akhristayaasha shabakada kobciyemedia.com sheekada hakadka dheer eek u yimid balse wax walbo hadda bartoodii ayey inooga bilaawmeen iyo weliba barnaamijyo cusub oo cajiib ah.

Ogoow in sheekadaan cajiibka ah aay mamnuuc ka tahay ineey akhristaan dumarka kuwooda uurka leh, qofka aan qaan gaarka aheyn, qofka maskaxda dhiman, iyo weliba in aan looga sheekeyn Karin sheekadani caruurta yaryar.

Billooowga Qeybtii 20aad.

Mise wax shanqar ah mayeereyso waayo waxaan xaqiiqsanaa waxaan ineeysan aheyd qaabkii teleefanka oo iisheegay daaluq waxa aan maqlayana waa wax si qaab kale ah igu soo gaarayo oo aan ku wareersanahay qofka ila hadlayo halkuu igala soo hadlayo, hadana waxaan maqlay ZEYNAB waa aniga farxaan waxa kula hadlayo, eee waxaad soo fiirisaaa dhanka uu ubaxa kaa yaalo.

Mise hadaan fiiriyaba qofka ila hadlayo waa farxaan oo ka dhex muuqdo ubixii la iisiiyay hadiyad ahaaan, farxaan waxa uu iweeydiiyay xaaladeyda iyo sidaan dareemayo, waxaan u sheegay  inaan ku dhawahay inaan waasho, waxaan suaalay adigu walaal ma rabtid miyaa inaan hooyo iyo walaalo dhamaan aan dib ugu noqono, waayo had iyo jeer murugtaas aniga lee igu taagantahay hadii aan adiga garab kaa heli lahaa sidaan aniga rabana rabi laheyd mar hore ayaan dib u noqon laheyn ee see rabtaaa.

Wuxuu iigu jawaabay farxaan abayo aniga dib uma noqon karo, waxaa jirto arin aan kaa qarinayay in mudo ah, hadii aan aniga go’aaansan lahaa inaan dib u noqonana adiga xiligaan maba noolaan laheyn, aniga arintaasi garab makugu siin karo hadii aan kugu siiyana waxaa leeygu caga jugleyay inaan naftaada waaynayo.

Waxaan ku iri waayahay aboowe hada maxaa talo ah ma waxaan cimrigeyga la qaataa qof jin ah adigana sidoo kale, weliba daqiiqad walbo waxaan la kulmaa wax maskaxdeyda ka weyn, intaan hadalkeygii dhameysan ayaa waxaaa albaabka guriga kazoo galay ninkeygii jinka ahaaa, waan naxay waxaan ka naxay haduu ogaaado qofka aan la hadlayo inuu yahay walalkey.

Naxdin awgeed halkaan taagnaa waan ka cararay balse intuu gacan aad u dheer iga soo daba taagay ayuu garbasaar aan watay ku dhagay iguna yiri aboowe la hadal aniga waxaan ubaxa kugu keenay waa inaa walaalkaa la hadasho had iyo jeer loomana baahno inaad iga naxdo.

Neeftii ayaaa igu soo noqotay wuxuu igu yiri malaha waad daashay waxaan kusiinayaa biyo weliba waxaan kugu siinayaaa gacmaheyga, waxaan ku iri waa runtaa waan oomay oo in cabaar ah ayaa la hadlayay walaalkeey, wuxuu igu yiri biyo ayaaan sacabada kugu siinayaaa moos aad ku dharagtana waan kusiinayaaa.

Waxaa cajiib igu aheyd in biyaha aay ku jiraan bini aadamka aay u yaqaanaan danbiil weliba shabaq ah biyahana ma daadineyso, waxaa iiga sii yaab badnaa markii la isiiyay moos dhanka hore mas ka ah leena sheegay in aan ku dhargi doono in mudo ahna aan cunto u baahnaan doonin.

1

Waxaan si qasab ah ku cunay mooskii dhankiisa hore maska ahaa oo aadbo moodo inuu adiga ku cunayo, waxaan gacmo wadajir ah leygu siiyay biyo cajiib ah oo halka aay ku jiraan aadan aamini Karin.

In mudo ah kadib ninkeygii jinka ahaaa waxaan u sheegay inaan dhargay gurigana cabsi igu noqday oo aan doonayo inaan soo yara wareego, waxaan doonayaa intaan banaanka ku maqanahay inaan ka dhuunto oo aan ku fikiro sidii walalkey rakaatada la geliyay aan u jebin lahaa halkaana aan ugu baxsan laheyn.

Wuu iga aqbalay inuu banaanka iisoo wado weliba wuxuu I keenay, meel bad ah dusheeda markab ka sameysan guri ayuu igu sooray, si aan ugu soo dalxiisno maadaama aan iri waxaan doonayaa inaan banaanka kusoo dalxiisno.

Nasiib xumo markabka dhexdiisa meel aan ku dhuuman karo maaheyn waxaan islahaaa, wuxuu ku geyn doonaaa meel aad kaga dhuuman karto, anigoo fikirayo meel miraayad ah oo biyaha xayawaanaadka ku jiraan iiga dhex muuqdaan joogo, ayaan xayawaanaadkii waxaan ku dhex arkay, SHAAMIR oo iiga gacan haatineeyso.

Waan u qeyliyay weey iisoo dhawaatay nasiib xumo hadalkeyga ma aaysan maqleyn lakin hadalkeeda waan maqlayay maadaama miraayad adag inoo dhaxeysay, ugu danbeyntii weey iisoo wareegatay si dhuumasho ah, waxaana ina dhex maray doodaan adag…………………

Qeybaha Kale Ee Sheekada Oo Aad U Xiiso Badan La Soco Isbuuca Xigo Haduu ALLE idmo.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.