fb

Maxaa Looga Baahanyahay Inuu Iska Illaaliyo Qofka Qabo Cudurka Macaanka “Sokoroow”

Published: January 12, 2013, 11:45 am
 
 

AWOOD MA U LEENAHAY INAAN HILAADINO XANUUNKA  MACAANKA?

Intaynaan ka hadlin ka hortaga xanuunkan,waxaa muhiim ah inaan xusno arimo muhiim ah oo looga baahanyahay inuu qofka xanuunkan qabaa ku feejignaado:-

1-Ilaa hada lamahayo hab ama qaab looga hortago xanuunka MACAANKA  marka laga hadlayo dadka iyaga waalidiintoodu lahaanjireen xanuunkan,sidoo kale lama gaadhin ama lama helin ilaa hada dawo xanuunkan si dhamaystiran uga takhalusta.

2-Qofka xanuunkan qabaa waa inaanu iska indhatirin runta ku duugan xanuunkan,waana inuu ogaadaa inuu  xanuunkani lasoconayo inta uu noolyahay,runtaasina waxa weeye inuu ixtiraamka uu mudanyahay siiyo cudurkan khasabka kula saaxiibay,hadii sikale looyidhaahdo  waa inuu bukaan socodku u fuliyaa talooyinka dhakhtarka sida ay tahay;Hadii layskudayo in laga horyimaado saaiibkaa ama la ixtiraamiwaayo dhaxalkeedu wuxuu noqonayaa midaan la mahadin.

3-Waxaa looga baahanyahay bukaan socod kasta inuu xanuunkan ula dhaqmo hab ku haboon xaaladiisa caafimaad,taa macnaheedu waxaa weeye majirto hab isku mida oo dadkoodhami u raacaan latacaalida xanuunkiisa,xogtanina waa mid aad u muhiima:waayo qaab daweedka qof u shaqaysaa waxaa lagayaabaa inaanay qof kale u shaqayn;sidaa daraadeed waxaa waajib ah inuu noqdo xanuunkani arin udhexeeya dhakhtarka iyo bukaanka,loomana baahna inuu bukanku adeegsado ama raaco tijaabooyin dadkale soo sameeyeen,taas oo lagayaabo inay isaga dhibaato u keento.

KA HORTAGA XANUUNKA MACAANKU WAA LABA NOOC: kahortaga mudnaanta kowaad leh iyo kahortaga mudnaanta labaadleh, laakiin waxaan maqaalkan kaga hadlidoonaa kahortaga mudnaanta kowaad, kaas oo looga jeedo joojinta ama dib udhiga soo ifbixida xanuunka MACAANKA marka laga hadlayo dadka jidhkoodu diyaarka uyahay  xanuunkan,waana kuwa baruurta badani jidhkooda saarantahay ama buuran,kuwa dhiig-karka leh,kuwa dhiigooda uu ku badanyahay subagu,

Kuwa qoyska ay ka soojeedaan qabaan ama qabeen xanuunkan iyo weliba dumarka uu xanuunku ku dhacay marar hore oo ay uur lahaayeen,waxaana dhakhaatiirtu ubixiyeen xaaladan magac ah”Kahor Sonkorowga.” “pre-Diabetic”waana sida dadku ubadanyahay xanuunku uu haleelo,taas oo loobaahanyahay in sidhakhso ah loola tacaalo,si aan xanuunku qofka u helin ama ugu yaraan sidii dib loogu dhigi lahaa inuu xanuunkani qofka hada haleelo.

Waxaa lagu ogaankaraa xaalada”Sonkorowga kahor.” “pre-Diabetic”dhanka shaybaadhyada(waxay kuu sheegi karaan ilaa sedexdii bild ee u danbaysay halka uu sonkor-dhiigaagu marayay) ama mishiinada laysku qiyaaso(wuxuu kuu sheegayaa oo keliya maalintaa aad isbaadhaysid),

Hadii heerka sonkorta dhiiga ku jirta qofka sooman uu ka yaryahay 126mg kana badanyahay 100mg,marka uu wax cunana laba saacadood kadib uu ka yaraado 200mg kana badanyahay 140mg.

Waxaa ka mid ah qaababka looladagaalamayo “Sonkorowga kahor.” “pre-Diabetic”siyaabaha soo socoda:

1-Qofku haduu buuranyahay waxaa ku waajib ah inuu hore isaga shaqeeyo,si dhakhso ahna u dhimo miisaankiisa ilaa heer macquul ah oo ka ilaalinaya inuu xanuunku ku dhaco.

2-Jimicsigu waa arin lamahuraan u ah dadkodhan caafimaadkooda-ha caafimaad qabaan ama habukaane-waxaanay aad ugu sii muhiimtahay kooxdii aan hore u soo xaadirinay,kuwaas oo iyaga jidhkoodu diyaar u yahay inuu haleelo xanuunkan dilaaga ahi.

3-Waa in shaqo iyana laga qabtaa dhibaatooyinka kale ee ku hoos gabanaya xanuunkan sida dhiig-karka iyo korodhka subaga dhiiga kujira ama “Cholesterol”ka.

4-Waxaa suurtogal ah xaaladaha qaar ama bukaanka qaar ee ku jira xaaladan inay qaadan karaan dawooyin aan iyagu sonkorta hoos u dhigayn,laakiin ka caawinaya “Ganacu” inuu si hagaagsan u shaqeeyo soona saaro “insulin”ama dheecaan qofka kufilan,waxaana jira dawooyin badan oo casri ah oo loo isticmaali karayo xaaladan.

Prof, Dr Salaax Al-qazaali Xarb

Profesor ku takhasusay xanuunada uur kujirta iyo xanuunka MACAANKA,bare-sarena ka ah jaamacada weyn ee Jaamacatu Al-qaahira.

Waxaa idiinsoo diyaariyay soona tarjumay Weriye Saciidjamaal.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.