fb

Maqaal Lagu Gorfeeynayo Heerarka Nolosha Bini Aadam-ka Qeybtii Koowaad.

Published: January 11, 2013, 12:01 pm

Waxaan maqaalkii hore ugu hadlay heerarka Nolasha aadanaha ay marto haddana waxaan mar labaad rabaa inaan ka hadlo oo aan wax ka qoro maqaaal ka koobnaan doono insha,alah dhawr qaybood oo aan ugu magac daray waraaqaha nolasha.

Qofka si ay nolashiisa u ahaato mid wanaagsan oo dhamaystiran waxaa

Haboon marka hore inuu fahmo waxayaabaha ay nolasha ka koobantahay

Oo saldhiga u ah noola walbo haddii uu ahaan lahaa aadamiga oo ah makhluukha ugu sharafta badan ee uu ALLAH abuuray islamarkaana ah khaliifka dhulka uu ALLAH u wakiishay iyo noolayaasha kalo oo aan tiradooda lasoo koobi Karin  sida : xayaanada duurjoogta aan u naqaan iyo dabjoogta iyo cayayaanka iyo noolayaasha ilma aragtada ah   , sidoo kalo waxaa jiro qayb muhiim ah oo lagu daro noolayaasha waa dhirta uu ALLAH ku beeray dhulka , dhamaan inta aan soo sheegnay waxaa ay u baahanyihiin nidaam iyo hab ay ku noolaadaan oo ay kusii wataan nolashooda iyo jiritaankooda  haddi ay helaan nisdaamkaas waxaa wanaagsanaanayo nolashooda haddii uu xumaadana nidaamkaas waxaa xumaanayo nolashooda ,  marka laga hadlayo nidaamyada nolasha waa wax u baahan in si fiican loo taxliiliyo loona falaqeeyo .

Makhluuqaadkas tirada badan oo aan sheegnay waxaa ugu  sareeyo basharka madaama uu asiga uu yahay hogaamiyaha 1aad waa ugu nidaam adagyahay dhanka nolasha .

Culumo farabadan ayaa waqtigooda galiyay sidii loo fahmii lahaa nidaam nolaleedka aadanaha iyo sidii ay u jiri lahayd nolashiisa  waxaana ay baaritaana dheer iyo dadaalo dheer oo inta badan ay sal iyo gun dhig uga dhigeen  marjiciyad  diimeed iyo dhaqano uu ADANAHA nolasha soo maray heerarkii kala duwanaa  oo nolasha jirtay taniyo markii uu ALLAH abuuray dhulka uuna ku beeray basharka .

Tani iyo markii ay bilaabatay in uu aadanaha wax baaro oo uu raad raacna sameeyo haba kala duwanaato qalabkii baaritaanada uu raadraaca ku samaynayay mid bilow ah ilaa manta aan kasoo gaarnay qarniga tiknooloojiyda casriga ah oo baaritaanada fududaysay wax badan la ogaaday nidaamyada nolaleed ee uu aadanaha soo maray .

Waxaa jiro culumo badan oo waqtigooda ku dhumiyay baaritaana dheerna ku bixiyay nolashan halkii ay ka bilaabatay iyo noolayaasha asalkoodii muxuu ahaa ? iyo su,aalo farabadan oo waqti dheer ka qaadatay raadintooda iyo xal u helidooda , balse xaalku sidaas waa uu ka gedisnaa culimda muslimiinta ah iyo dhamaan umada islaamka oo aanan isku mashquulinin arintaas waayo  waxaa ku cad diinteena halka ay nolasha ka bilaabatay iyo aadanaha abuurkiisii .

Haddii aan tusaalo usoo qaato  waxaa waqti badan uga lumay culumada reer galbeedka insaanka halka uu ka yimid  ?

Ilaa markii damabo ay ka keenaan jawaab ah waxaa uu asal ahaan ka yimid daanyeer! Waa aragtidii daarwiin ee qarnigii 19-aad  uu ku yiri asalka banii adamka waxaa uu kasoo jeedaa daanyeer waxaana u rumeeyey aragtidiisii bashar farabadan taas oo keentay in markii dambo lagu dhigo aragtidan daarwiin iskuuladooda waqti  dheer ilaa markii dambo ay culumo kalo ka diidaan waayo waxaa ay culumada ku andacoodeen waxaa maqan ay yiraahdeen wax la yiraahdo(THE MISSED RING) oo ah maxaa ilaa hadda loo arki la,yahay daanyeero samaynayo hormar oo isku badalayo insaan .

Sidoo kalo waxaa  sugay in ay aragtida daarwiin tahay mid aanan jirin cilmiga kahadlo uur jiifka oo loo yaqaano(CILMUL AL-AJINAH).

Culimda musliinta ah iyo dhamaan muslimiinta iskuma mashquulin mowduucaas waayo waxaa  ka hadlay abuurka basharka oona islamarkaana daliil cad ku gooyay quraanka oo ALLAH ayaa leh:

(خلق الا نسان من صلصال كا الفخار) الاية 14  سورة الرحمن.

Waxaa  halkaan uu ALLAH swwt ku cadeeyay asalka  iyo meesha uu insaanka ka yimd .

Hadaba madaama aan ogaanay basharka meesha uu kasoo jeeda waa inaan ogaanaa nidmaayada nolaleed ee uu soo maray intii uu jiray iyo kuwa hadda jiro si aan u fahano nolasha oo aanan noqon bulsho iska nool.

Qore:

Cismaan Adan C/dulle.

International university of Africa.

Department of micro-biology.

Email:cismanadan1997@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.