fb

Man United Oo Dabka Saaratay Liverpool Iyo Jose Mourinho Oo Dawanayay Cayaarta (Daawo Sawirada)

Published: January 13, 2013, 6:59 pm

 

Kooxaha xifaaltanka ugu wayn ka dhaxeeyo ee Man United iyo Liverpool ayaa ciyaartii u dhaxeysay iminka ku soo idlaatay garoonka Old Trafford iyadoo 2-1 ay ku adkaatay kooxda Man United kuna sii fogaatay hogaanka, waxaana la xusuusan yahay is aragoodii hore ee ka dhacay Anfeild sidan oo kale 2-1 loogu awood sheegtay Liverpool.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa gool uu baalka bidix ka soo dhiibay Evra waxaa goosha ku taabtay dhaliyaha cusub ee Man United R. Van Persie daqiiqadii 19-aad, Man United ayaa ku gacan sareysay qeybtii hore iyadoo fursado badan ay sameysay waxaana ugu muhiisanaa kubbad uu daqiiqadii 44-aad uu doonay Van inuu cirib ku dhaliyo balse Scartel uu bad baadiyay kubbadaa oo dhaftay goolhayaha.

Qeybtii labaad ee ciyaarta bilowgeedii daqiiqadii 53-aad kubbad Free Kick ah uu soo qaaday Van Persie uu madaxa ku dhuftay Evra ku sii dhacday Nemanja Vidic sidaana ku dhalatay, waxaana inyar kaddib daqiiqadii 57-aad gool u dhaliyay Liverpool xiddigooda cusub Daniel Sturridge kubbad uu Gerrard ku laaday goolhayaha balse la soo celiyay uu shabaqada ku taabtay, Liverpool ayaa isbadel ka muuqday qeybtii dambe iyadoo uu dhaq dhaqaaqyo badan sameenayay xiddigooda cusub ee Sturridge.

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.