fb

Maalqabeen Shaadh Dahab ah u Samaystay si uu ugu soo Jiito Haweenka.

Published: January 8, 2013, 11:02 am

Maalqabeen u dhashay degaanka Pune oo ka tirsan magaalada Maharashtra ee dalka Hindiya, ayaa lacag dhan 14,000 lacagta Ingiriiska ah ku kharash-gareeyey si loogu sameeyo shaadh dahab ka samaysan, kaasoo rumaysan in xidhashada shaadhka dahabka ah inay tahay tallaabo uu ku soo jiidan doono haween tiro badan.

Mr. Datta Phue oo 32 jir ah, isla markaana haysta lacag aad u badan, waxa shaadhka dahabka ah u sameeyey koox ka kooban 15 qof oo ka mid ah kuwa dahabka shiilka, waxaanay samayntiisu ku qaadatay laba toddobaad oo ay maalin kasta shaqaynayeen 16 saacadood, si ay waslado dahab ah isugu dhejiyaan, kadibna shaadh uga dhigaan.

Shaadhka dahabka ka samaysan ee kooxdaasi diyaariyeen, ayaa la sheegay inuu si weyn u cajabiyey ninka maalqabeenka ee hawshaas culus u gelay keliya inuu xidhashada shaadhkaas dumarka badan ku soo jiito.

u_87270d_2013-1-8-1-37-56f_ninka shaadhka dahabka ka samaystay

Mr. Datta Phue, ayaa wargeyska Pune Mirror u sheegay inaannu ahayn ninka ugu quruxda badan adduunka, balse aanay gabadhna ka leexanayn hadday ku aragto shaadhka dahabka ka samaysan ee uu toshay, isagoo intaa ku daray inuu xidhashada shaadhkan dahabka ah samaysashadiida muddo dheer ku riyoonayey si loogu bixiyo magac ah Goldman of Pimpri (Ninkii Dahabka ahaa ee Pimpri).

Dhammaan qaybaha kala duwan ee shaadhkani waxay ka samaysan yihiin dahabka qaaliga ah oo waqtiganna qiimihiisu kor uga sii kacayo suuqyada sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee ANI.

ibraahim Khadar Saciid


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.