fb

La Yaabka Aduunka: Hooyo Uur Leh oo Maalin Kasta Cabta Aashitada Batariyaasha Baabuurta ku Jirta.

Published: January 10, 2013, 11:47 am

Hooyo uur leh oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika, ayaa si ula kac ah maalin kasta u cabta Alcohol ay ku jirto aysiidha baytariga baabuurta si ay u waxyeellayso ilmaha caloosheeda ku jira, isla markaana dawladda ugaga hesho lacag daryeel oo la siiyo ubadka laxaadka la? ee ka dhasha qoysaska fuqarrada ah.

Gabadhan oo ku nool bariga magaalada Cape Town oo ah goobaha ay ku nool yihiin qoysaska ugu saboolsan waddanka Koonfur Afrika, ayaa la xaqiijiyey inay maalin kasta cabso shan ilaa lix quraaradood oo aysiidha baytariyada baabuurta ah.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in qoysaska danyarta ah arrimaha noocaas u sameeyaan si ay dawladda uga helaan dhaqaale la siiso ubadka laxaadka la?, waxaanay saxaafaddu ku tilmaameen tallaabooyin dadkaasi ku raadsadaan ilo dhaqaale oo noloshooda ku badbaadiyaan.

Muuqaal telefishanka Sky News ka diyaariyey hooyadan uurka leh oo gurigeeda ku dhex cabbaysa quraarado aysiidh ku jirto, waxa ka hadallada laga duubay ee muuqaalkaas ku jira ka mid ah; ?Haddii aanan cabbin aysiidha waxaan noqonaya qof bukta. Ma seexan karo, mana noqon karo qof soo jeedda, laakiin markaan cabbo waxaan dareemaa xaalad fiican, wax kastana waan qaban karaa.?

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa iyaduna sheegtay wixii ka dambeeyey sannadkii 2002 inay dalka Koonfur Afrika ku sii badanayaan carruurta ku curyaama sharaabka aysiidha baytarriyadu ku jirto.

Carruurta cudurkani ku dhaco waxay la kulmaan dhibaatooyin ka qabsada dhinacyada hadalka, muuqaalka jidhkooda oo kala dhinnaada, waxbarashada oo ku adkaata iyo dabeecado kaloo dhib u keena noloshooda.

Qoysaska reer Koonfur Africa ee arrimaha noocan ah sameeya, ayaa la sheegay inay ilmaha cudurkaas qababa ku helaan adduun dhan 250 rand lacagta South Afrika, una dhiganta ?18 giniga Ingiriiska ah, halka qoysaska ubadka laxaadka la haaystana la siiyo 1200 rand, (?87) bishiiba, waana sababaha keenay in cabbista aysiidhu ku sii badato dalkaas.

 Ibraahim Khadar Sa´ed 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.