fb

Go´a Sariirta amma Gogosha oo la iska Beddeli Waaya Waxa uu Sababaa Cuduro Aadan Ogeyn Sida…

Published: January 11, 2013, 12:04 pm

Ku dhawaad kala badh dadka ka mid ah ayaa ku guul darraysta inay go?ooda iska beddelaan, balse arrintan cilmi-baadhis cusub oo ay soo saareen khubaro Ingiiris ah ayaa sheegay in laga qaado cudurro badan oo ay ka mid yihiin xiiqda iyo neef qabatinka.

Khubaradan oo sarfeey ka qaaday 2000 qof oo ku nool dalka Ingiriisk ayaa ogaaday in kala badh dadku ay badana ku seexdaan   gogol amma go?yaal aan nadiif ahayn, arrintaasina ay sababto cudurro ku dhaca neef-mareenka.

Cilmi-badhayaashan ayaa wargeyska Mailonline u sheegay; ?Inaad sariir nadiif ah ku seexato ee aad go?aagana iska beddesho waxa kuu badbaadaya hab-dhiska neef mareenkaaga, qaar badan oo inaga mid ah waxay noloshooda ku lumiyaan inay ku seexdaan go?yaal aan nadiif ahayn, taasoo maalin kasta kumanaan unug oo maqaar keena ka mid ah ku dataan, isla markaana dhib u keenta hab-dhiska dheef mareenka oo qofku ka qaadi karo neef-qabatin amma xiiq.?

Khuradan waxay intaas ku dareen in gogosha wakhasda ah dadku ka qadaan cuncunka jidhka ku dhaca, sidoo kalena dadka badana ka cabanaya neef mareenadu inay arrintaas ka qaadeen goobahay seexdaan oo aan nadiif ahayn.

Si aynu u yarayn dhibaatadan uu dhasku inagu sababo waxaannu si xirfad lehe u soo jeedinayna inay dadku badana iska nadiifiyaan go?yaashooda amma meelahay seexanayaan, gaar ahaan dadka xiiqdu haysaa waa inay go?yaashooda maalin kasta nadiifiyaan amma toddobaadkii laba jeer iska maydhaan,? ayaa cilmi-baadhistan lagu soo gababeeyey.

Wariye Ibraahim Khadar Sa´ed.

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.