fb

Ferguson Oo Uga Digay Garsoore Howard Webb Inuu Go’aano Qaldan U Dhigo Luis Suarez Kulanka Axada.

Published: January 12, 2013, 12:33 pm

Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday inuu ka cabsi qaba in waxyaabaha muranka dhaliya ee gaaf wareegaya Luis Suarez inay keento in garsoore Howard Webb uu go’aano muhim ah siiyo Liverpool kulanka la wada sugi la’yahay ee labada kooxood ku dhexmaraya Old Traffoed.

Kooxda Ferguson ayaa berri la kulmaya kooxda ugu weyn ee ay xafiiltamaan, iyadoo diirada uu durbaba saaran yahay Suarez ka dib markii weeraryahanka Liverpool uu gacanta ku dhaliyay gool kulankii FA Cup ee Mansfield isbuucii hore.

Waxaana tababaraha United uu yiri: “Daacadii ma aanan daawan ciyaartii axadii hore laakiin waxaan qabaa in ninkaan iyo waxyaabo muran dhaliya inay isla socdaan, mana aqaano hadii uu ku riyaaqo iyo hadi kale, laakiin waxaan rajeyneynaa inaysan taas anaga nagu dhicin axada.

“Waxaan rajeyneynaa inaanan dhibane u noqonin go’aanada qaar ee dhankiisa u janjeera marka ay sidaasi timaado. Waxaan dooneynaa inay noqoto ciyaar wanaagsan.”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.